HomeDhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah (5): Mubaarak: Macallinkii...

Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah (5): Mubaarak: Macallinkii Ardaygiisa Walaashii Jeclaaday Iyo Carafaat Oo Turjumaankiisii Xil U Magacaabay, Caashaq Awgii

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Qormadan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ilo kala duwan ka soo dheegtay waxa aynu si kooban ugu eegaynaa qisaska jacayl ee boqorro iyo hoggaamiyeyaal caalami ahi qirteen in ay soo mareen, gaar ahaan qisaskooda guurka ku dambeeyey. Si gaar ah, qaybahan dambe waxa aynu ku eegi doonnaa buugga Buugga Nisaa’u Zucamaa’ “Haweenka hoggaamiyeyaasha” oo uu qoraaga caanka ah ee Muumin Al-Muxamadi si xiise badan ugaga waramaya qisaska jacayl ee soo maray qaar ka mid ah madaxweyneyaasha iyo boqorrada Carbeed.

Mubarak: Macallinkii ardaygiisa walaashii jeclaaday:

Xusni Mubaarak oo macallin ka ah kuliyadda ciidamada cirka ee dalka Masar ayaa waxaa gurigooda ku casuumay mid ka mid ah ardaydiisa oo qoyskiisu u sameeyee xaflad loogu dabbaaldegayo kaalinta fiican ee uu imtixaanka ka galay. Mubarak markii uu xafladdan yimi waxa ay indhihiisu ku dhaceen Susaan oo durbadiiba qalbigiisu jantay.

Mubaarak oo xilligaas darajadiisa ahayd kabtan duuliye diyaaradaha dagaalka ahaa oo ka tirsan ciidamada cirka Masar. Mubarak muddo kadib sannadkii 1958kii ayaa uu jacaylka uu qabay ku qanciyey Susan oo markaas ahayd 17 sano jir dhammaysatay dugsiga sare oo keliya, waana uu guursaday. Xilligaas isaga da’diisu waxa ay ahayd 30 jir.

Anwar Saadaat- hoggaamiye xaaskiisii hore furay si uu u guursado jacayl cusub:

Madaxweynihii saddexaad ee dalka Masar waxa uu guursaday xaaskiisii koowaad oo saddex carruur ah u dhashay, laakiin waxa uu furay sannadkii 1949kii, si uu u guursado Jihaan Ra’uuf oo iyaduna saddex carruur ah u dhashay. Jihaan jacayl xooggan ayaa ay u qaadday Saadaat oo kaga horreeyey caashaqa, laakiin hooyadeed oo Ingiriis ahayd ayaa ka gaws adaytay in ay inanteeda u quudho Saadaat.

In kasta oo diidmadaasi carqalad ku noqotay bilowgii hore ee jacaylka Saadaat iyo Jihaan haddana hal-adayg iyo dhiirranaan badan oo Jihaan ka timid awgeed ayaa sababtay in aanay marnaba ka joogsan jacaylka Saadaat, aakhirkiina Saadaat waxa uu furay xaaskiisii hore waxa aanu guursaday jacaylkiisa cusub.

Yaasir Carafaat – Hoggaamiyihii turjumaankiisa jeclaaday-

Yaasir Carafaat waxa uu jacayl aragtidii koowaad ku bilowday u qaaday Suhaa Daa’uud oo uu la kulmay sannadkii 1989kii mar uu booqasho ku tegey dalka Faransiiska. Suhaa oo ahayd qareen magaceedu markaas soo shaac baxayo oo ku dhaqan dalka Faransiiska, ahaydna gabadh qurux iyo jalaqsanaan dheeraad ah u dhalatay, ayaa nasiib u heshay in ay noqoto turjumaanka sida tooska ah Yaasir Carafaat uga af celinaysay xukuumadda Faransiiska ee uu kulamada kala duwan la qaatay.

 Carafaat durbadiiba waa caashaqay waxa aanu ka codsaday in ay u raacdo Tuuniisiya oo markaas xarun u ahayd ururkii uu hoggaaminayey ee Xoraynta Falastiin. Bilowgii waxa uu ka dhigtay la-taliye in badan ka caawiyey wanaajinta xidhiidhka guud ee Falastiiniyiinta isaga oo ka faa’idaysanaya khibraddeeda, kadib waxa ay noqotay la-taliyihiisa dhaqaalaha, laakiin runtu waxa ay ahayd in Carafaat uu gabadhan jeclaa, oo sidaas awgeed uu mar kasta xil aan isaga ka fogeyn ugu magacaabayey, aakhirkiina si qarsoodi ah ayaa uu u guursaday sannadkii 1990kii. Laakiin laba sano kadib ayaa ay si rasmi ah u sheegeen guurkooda. Suha markii ay Carafaat guursatay waxa ahayd 27 sano jir, Kiristaan ah, laakiin guurka kadib ayaa ay diinta Islaamka qaadatay iyada oo sida ay sheegtay arrintaas ku ixtiraamaysa jacaylkeeda Carafaat, oo inkasta oo uu muslim ahaa qudhiisu dusha ka wada xafidsanaa kitaabka Injiilka.
Gaaska
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories