HomeDhimasho iyo Dhaawac ka dhashay rabashado saaka Hadheeyey magaalada Saylac iyo Jabuuti...

Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay rabashado saaka Hadheeyey magaalada Saylac iyo Jabuuti oo Xuduudkeeda Xidhatay (DAAWO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Saylac (SLpost)- Isku dhac dhexmaray ciidamada Ammaanka iyo Shacab gadoodsan oo mudaharaad ka dhigayey degmada Saylac ee gobolka Salal, ayaa sababay khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Ciidamo isugu jira boolis iyo Milatari oo saaka subaxnimadii hawl-gal ka bilaabmay gudaha degmada Saylac, ayaa sababay isku dhac dhexmaray shacab mudaharaad ka dhigayey Xarunta dawladda Hoose kaas oo sababay dhaawac todoba qof ah oo qaarkood aad uliitaan iyo dhimasha hal qof.

Goobjooge ku sugan magaalada Saylac, ayaa shabakadda wararka Somalilandpost u xaqiijiyey in todobada qof ee dhaawacyadu soo gaadheen xaaladdooda caafimaad culus tahay kuwaas oo laba ka mid ah loo gudbiyey dhinaca dalka Jabuuti, halka intii kalena lagu daawaynayo cusbitaalka magaaladaas.

saylac

Goobjoogahani waxa uu sheegay in Ciidamada ammaanku rasaas ku fureen dadka shacabka ah oo ka soo horjeeday in la qabto munaasibad xilwareejin ah oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland u tagay magaaladaas, si xilka golaha deegaanka degmada loogu wareejiyo maayarka iyo ku-xigeenka cusub ee dhawaan la doortay, kuwaas oo labadooduba ka soo jeeda beesha Samaroon, halka beesha Ciise oo ku doodaysa inay deegaanka leeyihiin, ay ka soo horjeedaan in lagala wareego hoggaanka golaha deegaanka ee magaaladaas.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee dhaawacyada shacabka maadaama ciidamada adeegsadeen rasaas nool si ay u kala dareeriyaan dadka mudaharaadayey oo markii dambe naftooda la cararay, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamadu la wareegeen gacan ku-haynta magaaladaas.

Beesha Ciise ayaa go’aan ku qaadatay inaanay aqbali doonin Gole deegaan oo ku yimi Doorashadii Dalka ka qabsoontay isla markaana ay talaabo kasta oo ay xukuumaddu ku talaabsato oo ka soo horjeeda go’aankooda ay ka dagaalami doonaan.


Dhinaca kale, wararka aanu ka helay magaalo-xuduudeedda Lawyacaddo, dawladda dalka Jabuuti, ayaa geli ahaan xidhay xadkeeda ay la wadaagto Somaliland, ka dib markii ay saaka magaalada Saylac ka dhaceen qul-qulatooyinka shacabku ku diiddan yihiin doorashada golaha deegaanka Saylac, waxaana lagu waramayaa in Jabuuti xuduudkeeda xidhatay ilaa inta ay joogsanayaan qul-qulatooyinka shacabka ee degmada Saylac iyo hawl-gallada Ciidamada Qaranku ka wadaan deegaankaas.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories