HomeDhimashada agteeda

Dhimashada agteeda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Haddii aan kuu abaal gudi lahaa, waanan kaa garanayn ciidanka. Waxa aan ku jirnay farxad dhamaystiran. Eyman, oo ah wilka kaliya oo ay hooyadey haysato, iyo aniga oo wada shaahayno, oo u jeedno dhanka badda, si aan ugu damadshadno uguna nacawsanno, ayaa mar qura xabbado wada bilawdeen. Dadkii waa wada istaagen. Wixii aanay xabbaddu ku dhicin kala carar ayaa u bilowday, xabbadihiina way sii bateen. Dadka wixii barxadda fadhiye dhulka ayey ku daateen.

Eyman waxa iigu dambeysay markii isaga oo sii cararaya, aniga waan ka daba qayliyey. Markiiba waan kufay. Qof ayaa gacan i siiyay, mana aqaan in uu i garanayo iyo in kale. Waxaa la ii jiiday dhanka musqulaha ee dhanka maqaayadda. Aniga iyo dhawr naftooda la baxsanayay ayaan mar wada galnay gudaha suliiga, gaar ahaan meesha faraha lagu dhaqdo. Dadki naga horreeyey ayaa isku soo xiray musqusha. Waa musqul, mana habboona in Allah lagu xuso, hayeeshe afka ayaan ku hayey towxiidka iyo adkaarta. Waxba ma maqli karayn, dhawaqa rasaasta awgeed, waana isla hadlayey oo waxaan lahaa tolow nolol ma arki dontaa mar kale?

Waxan ka samri la’aa walaalkey oo aanan meel ku sheegin. Afkeyga waxaa ka bixi waayey Eyman Eyman. Hoooyadey ayaan xasuustay. Dhimashadeena kaddib maxay dareemi dontaa? Eyman, hooyadey madi ayuu ku yahay. 2 sano ka hor ayaa wiilkii kale ee ay hooyo dhashay naga dhintay, walina kama go’in qalbiga hooyo dhimashadi walaalkey! Waana iska samarnay. Aniga walwalkeygu wuxuu ahaa sida uu noqon doono qoyskeena dhimashadeena kaddib,

gaar ahaan Eyman, waayo aniga ayaa sabab u ahaa imaatinka gobtan. Maxaan u soo waday? Maxaan u soo waday? Maxaan u so waday? Ayaa qalbigayga ka go’i wayse, wayna sii xoogeysteen xabbadihii.

Waxay xabbado afsaar ah ku bilaabeen dadkii iga horreeyay. Xitaa waxay noo adeegsadeen bamka gacanta laga tuuro. Dhiig ayaa na wada qariyay. Waxaan maqlayay dad ashahaadanaya – LAAILAHA ILALAAH. Waxay fahmayeen in wali qaar noolyihin, xabbado ayeyna nagu soo furayeen, illaa markii dambe laga wada aamusay. Waa mugdi meshu, iftinka kaliya ee aan aragno waa xabbadda la isku weydarsanayey. Dhulka ayaan jiifaa, dhiig ayaana qulqulaya. Korkeyga waxaa saarnaa dad dhaawac ah. Waxaan ka quustay nolosha, maadaama aan u qaatay walaalkey in uu dhintay.

Waxa mar qura meel daaqad ah naga so iftiimiyey ciidanka NISA, kaddibna meel daaqadda geeskeeda ah ayaa nola soo jabiyey. Waxay na dheheen ciidanku, “dadka dhawaca iyo gabdhaha ha la soo hormariyo.“ Way ku lagu cel celiyeen. Allaah ayaa mahd leh. Waxaa gacanta ii soo taagay askari indhuhu u xiran yihiin oo hal gacan ku wata qori AK oo toosh afka ku leh. Gacanteyda ayu qabtay, wuuna i soo qaaday. Waan ka soo baxay meeshii. In ay wax i gaareen iyo in kale ayaan is hubiyey, waxbana ima aysan gaarin, laakiin jirka dhan aya i xanuunay waayo waxaan xasuustaa sidan u kuf-kufayey iyo sidii la ii dul maray iyo bamki nagula soo tuuray, muraayaddii igu soo dul daadatay.

 Markii la ii sheegay in u walaalkey noolayahy waan farxay. Waxaan xusuustay askarigi Ilaahay noo soo diray iskuna soo biimeeyay meeshaas halista ah ee gacanta ii soo tagay ayadoo rasaasta ay sida roobka u socoto. Wajigiisa ma aqaano, maadaama uu wajiga u xirnaa, mana aqaano sidaan ugu mahad celin lahaa. Ilaah baa mahaddaa leh, Ilaah ayaana ogaa xaaladdii aan ku jirnay.

Haddii aan kuu abaal gudi lahaa waana kaa garanayn cidankii badnaa ee meesha joogay. Aniga ayaa og gacantaa naxariista badan aad ii soo taagtay, waxayna kaaga dhigneed in aad badbaadisay walaashaa. Waxa aad noo hurtay naftaada waxa kaliye ee aan awoodo maanta waa in aan iraahdaa “Askari noolow, abaalkaagana Ilaah ha gudo, badbaadiyena waa Ilaahay“

WQ Nasra Daahir Abuukar

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories