HomeDhiilladda Soomaaliya Iyo Dhawaaqa Xajiinta Leh Ee Dhaawacay Miiskii Wada Xaajoodka

Dhiilladda Soomaaliya Iyo Dhawaaqa Xajiinta Leh Ee Dhaawacay Miiskii Wada Xaajoodka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

25 May 2013-kii Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa hor tagay fadhigii Golaha Guurtidda, waxa uu daboolka ka qaaday inay Somaliland dhinaceeda ka sii wadayso wada hadaladii laba geesoodka ahaa ee u socday xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo dawladda Soomaaliya.

Xiliga Wasiirku sidan leeyahay waxa jira dan-qaabooyin iyo hadalo dhiifle oo madaxda dawladda Soomaaliya labada Masuul ee ugu sareeyaa ay ku tuur-tuurayeen Somaliland oo ay xaqireen masiirka ummadda Somaliland. Waxay adeegsadeen kalmado ka baxsan haybadda dublamaasiyadda oo muujinaya qotada nacaybka ay u hayaan qaranimadda Somaliland. Sidaas markay tahay soo Somaliland lama gudboona inay ka ficilo qaataan oo ay xadhkaha u jaraan cilaaqaadka curdinka ah iyo wada hadalada bilowga ah ee u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud waxa uu hadal uu ku soo beegay 22 guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland ee 18-kii May waxa uu dawladda iyo shacbiga Somaliland u soo jeediyay inay iska iloobaan wax uu ugu yeedhay caadifad iyo taariikhihii hore ee dhacay.

Kalmadahaasi waxay marag u yihiin sida darafkii Soomaaliya ugu tuntay qodobkii 7-aad oo dhigayay in labada geesood ay iska jiraan wixii hagar daamayn kara jawiga wada xaajoodka. Markaa miyaanay haboonayn in Somaliland ay dacwad ka dhan ah deel-qaafka Soomaaliya u gudbiso dawlada Turkiga oo ah dhex-dhexaadiyihii marti gelinaya wada hadalada dhawaan lagu wado inay ka furmaan Magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga, si loogu sii ambo-qaado shirkii Ankara.

Madaxweynaha Soomaaliya oo saxeexay heshiiskii Ankara waxa dhawaaqiisani calaamad u yahay inuu shaaciyay inuu ka baxay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo markii hore uu hammuun u qabay.

Waxa kale oo taasi caddayn u ah dagaalo siyaasadeed oo uu ku qaaday Somaliland oo ay ka mid tahay inuu sawirtay inuu khidmada hawada Somaliland jeebada ku shubto oo lagu dhiso Muqdisho iyo Baydhabo. Waxaanu qaaday isku day waji gabax ku dambayn doona oo ay kala shaqeeyeen Qarramadda Midoobay.

Xukuumadda Somaliland Tallaabo loo guuxay oo ay ku nafiseen rayul caamka bulshadu ayay kaga dareen celisay , waxaanay hawadda Somaliland ka mamnuucay duulimaadyadda Qarramada Midoobay laga soo bilaabo 15-kii Bishan. Ma jiro illaa imika diyaarad UN-ku leeyihiin oo soo cago dhigatay madaarrada Somaliland. Waxa go’aankaasi geesinimada ahaa uu u dhaqan galay sidii loogu tallo-galay.

Somaliland waxay muujisay bisayl siyaasadeed iyo dul-qaad wakhti badana iskamay lumin inay u jawaabto madaxweynaha Muqdisho ee duruufaha aanu ka dabaalan karini miiska u saaran yihiin ee dalkiisii sii fag-mayo marka laga qiyaas qaato dhaq-dhaqaaqyadda ka socda Kismaanyo iyo guuxa ka jira deegaano badan oo kale oo doonaya inay ka goostaan dawladda Muqdisho.

Xasilooni darrada Muqdisho iyo dhiilada saacad walba xafiiskiisa soo gaadhaysa ayaa jaha-wareer ku furtay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana dadka odorasa siyaasaddu ay ku doodayaan inay Sheekada Soomaaliya ay dhaaftay intii uu garan karaysay xukuumadda Muqdisho ee lagu naanayso “Dhiiga Cusub” oo ka kooban kooxaha nusqarni ku dhawaad Soomaaliya u xidhnaa shaadh la yidhaahdo “Ururada bulshada Rayidka ah”

Somaliland waxay dhawraysaa gogosha caalamku ku wada hadashiinayo Soomaaliya illaa inta lagu kalifayo inay candhuufteeda dib uga liqdo inay miis la soo fadhiisato dawlad rahmaad ku dhisan oo aan gaadhin heerkii lagu aamini lahaa in heshiis lala gaadho.

Aflagaadada Xasan Culusow-ga Muqdisho waxa shacbiga Somaliland ka dhaq-dhaqay khudbadii Madaxweyne Siilaanyo u jeediyay ummadiisa munaasibaddii 18-kii May oo loo oogay sidii ugu weynayd waxaanu sheegay inaanay dib u soo noqonaynin riyaddii Somali-weyn.

 “Waxaan leeyahay madaxda Bulshada Somalia hindisaha Midnimada annagaa keenay nalama khasbin Shalay annagaa Somalinimada dan moodaynay ee waa nala nacsiiyey, anagaa bilaa shuruud iyo is aamin ku tagnay, waa nalagu kalifay in aan idinka aamin baxno, waanu soo tijaabinay Midnimada Kalsooni dambe naguma hadhin diyaarna uma nihin riyadii beenowday ee 5tii Soomaaliyeed,”ayuu ku sheegay Madaxweynuhu khudbadiisa.

Cumar Maxamed Faarax
cumarmfaarax@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories