HomeDhibaatooyinka Nafsiga ee ku Dhaca Ninka Marka ay Xaaskiisa Kala Tagaan

Dhibaatooyinka Nafsiga ee ku Dhaca Ninka Marka ay Xaaskiisa Kala Tagaan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Sida ay xeeldheerayaasha cilminafsigu ka marag kaceen, ragga ay xaaskooda kala tagaan waxaa inta badan ay isku arkaan shucuur fashilaad iyo niyad jab ah, baadhitaanno ay xeeldheerayaashani sameeyeen ayaanay ku ogaadeen in inta badan ay dhibtan nafsiga ah ee raggan ku dhacdaa ay ka timaaddo dhowr dhinac. Waxaa ka mid ah ninka oo ay soo fuulaan masuuliyado cusub oo aan hore u saarnayn, dhib ka soo gaadha u boholyowga ubadkiisa haddii ay hooyadood raacaan iyo culays korintooda iyo daryeelkoodu ku keeno haddii ay uu isagu la hadho, waxyaabahaas oo dhami waxa ay sababaan khalkhal nafsi ah oo uu Geeska Afrika ka soo qaadanayo kuwan hoos ku xusan oo uu ka soo xigtay shabakadda BBC Future.

  1. Tijaabooyin la sameeyey ayaa lagu ogaaday in ninku marka ay xaaskiisa kala tagaan uu inta badan khalkhal ku dhaco noloshiisa bulsho, lagana yaabo in uu ka dhex baxo bulshada ama ugu yarana yareeyo kulamada bulshda. Gabadha qudheeduna isla duruufahaas oo kale ayaa ay marar badan la kulantaa, gaar ahaan bulshooyinka dhaqan ahaan aaminsan in gabadhu ay ku fiicantahay la noolaanshiyaha saygeeda.
  2. Muddo uu ninku qolka iyo furaashka la wadaagayey afadiisa kadib ayaa waxa uu dareemayaa wehel la’aan, waxaana ku bilowda fikir badan iyo in saacado nasasho oo ay maskaxdiisu hore u heli jirtay ay hadda weydo, waana sababta laga yaabo in rag badan furniinka kadib lagu arko isbeddel nafsi ah oo mararka qaarkood saameeya muuqooda duleed.
  3. Isbeddel dhinaca anshaxa ah: Rag badan ayaa marka ay afadooda kala tagaan lagu arkaa isbeddel dhinaca hab-dhaqanka iyo dad la macaamilka ah, xeeldheerayaasha cilmiga bulshaduna waxa ay arrintan ku macneeyeen ninka oo marka ay afadiisa kala tagaan inta badan si nafsi ah u dareema in la nacay ama uu ku fashilmay in uu hanto qalbiga xaaskiisa, isaga oo ka jawaabaya dareenkaas isaga ku jira, doonayana in uu muujiya in aanu ahayn ruux leh iin lagu naco ama ugu yaraan in weli cid jeceli ay jirto, sidaa awgeed waxa uu bilaabaa xidhiiidho dumar oo waalli ah, oo marar badan ka soo horjeeda diinta iyo dhaqanka labadaba.
  4. Sakati iyo neerfis: Dareenka wehel la’aanta ah oo lagu daray culayska kale ee nafsiyan ninka soo waajaha furniinka kadib, waxa ay saamayn taban ku yeeshaan xaaladdiisa nafsiga ah, kartidiisa iyo dulqaadkiisa, sidoo kale waxa ay dhibaato ku keentaa hawlgudashadiisa iyo xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo dadka ay shaqo wadaagta yihiin.
  5. Aarsi jacayl: Furniinku waxa uu ninka ku keenaa dareen ah in la xumeeyey oo ay xaaskiisa ay kala tageen ceebtiisa dadkii tustay, xitaa haddii uu isagu qaladka iyo sababta furniinkaba lahaa, waxaa ku beerma dareen ah in si uu u soo ceshado karaamadiisa uu ka aargoosto xaaska ay kala tageen, arrintani waa ta keenta in rag badan marka ay xaaska kala tagaan ay ku kacaan ficillo doqonniimo ku dheehan tahay iyo go’aamo axmaqnimo ah, waxaa ka mid ah isaga oo si degdeg ah gabadh kale ugu xidhma ama u guursada, ama si aan munaasab ahayn xaas kale ku doorta, taas oo la arko in ay marar badan ku keento dhib kale oo hor leh ama xitaa furniin kale.

 

 

Geeska.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories