HomeDhibaatooyinka Hor taagan Dhaliinyarada Somaliland - W/Q: Mukhataar Cabdi Jaamac

Dhibaatooyinka Hor taagan Dhaliinyarada Somaliland – W/Q: Mukhataar Cabdi Jaamac

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

mukhtaar2Waxaan ku bilaabayaa magaca Illaahay.

Dhalinyarada Somaliland maanta waxay utafa xayteen siday uheli lahaayeen aqoon iyo siday ukasban lahaayeen waxbarsho laxaadle waayo waxaa kuu cadaynaysa hadii aad subaxa hore eegto magaalooyinka Somaliland gaar ahaan caasimada Hargeisa waxaad arkaysaa dhaliinyarada aadka utirada badan ee Buugta xanbaarsan ee kalahaysa ee ordaysa, waxaad is waydiisaa maxay uhalgamayaan dhaliintaasi?waa inay wax bartaan oo ay aqoon helaan dadkooda ,diintooda iyo dadkoodaba ku anfacaan, waxay hayaan dhaliintaasi dhiiranaan ay wax ku bartaan iyo rajo inuun ka hayso inuu dalku mar uun sidan ka soo rayn dooto, waxay murogoodaan dhaliintaasi markay arkaan muranada siyaasadeed ee xun xun ee dalka hadheeyey xag walba ha noqotee xaga siyaasada, dhaqaalaha iyo dhaqanka, waxay ooyaan oo murugoodaan markay maqlaan kumanaanka kun ee badwaynta iyo saxaraha ku haligmay ee boqolaalka qoys ku ubad waayeen markaasay is waydiiyaan tolow yaa ka masuul ah dhaliintaa? Miyaanay dal lahayn? Miyaanay dad lahayn? Waxa usoo baxda jawaabta ah in dal iyo dadba ay leeyihiin laakiin ay ku mashquuleen hebel bedel oo hebel keen, Xisbi helel cadaadi oo xisbi hebel soo dhawee, iyo yooyootanka  siyaasadeed oon ka fogayn qabiil iyo qudhun aan sal iyo raad

toona lahayn, laakiin waxa cad oon caad saarnayn in aanay gaadhin xiligii loo baahnaa dhaliinyarada oo ah xiliga lagu jiro loolanka siyaasadeed oo dhaameelka loo lulo dhaliinyarada rajo kun jeer beenawdayna la galiyo oo mudooyin badan ay goob joog usoo ahaayeen.

Laakiin waxa nasiib daro ah in sanadba sanadka ka danbaysa wuu sii xoogaysanayo waxa loogu yeedho ama loo yaqaan *tahriibtu* walina aan xal rasmi ah loo hayn gudidii doontaba ha la saaree cidii doontaba ha loo diree waayo waxa kala baaxad wayn dalka iyo dadka, marka xiligan laga eego laakiin dalku inama gabin ee hagrasho ayaa jirta oo cidna cid waxba uma ogola qorshe xumana way inoogu biirtay, dadka Somaliland ku nooli waa 3.5 hantida kaliyee aynu haysanaana waa dhaliinyaro markaa hadii qofku hantidiisa dhawran waayo cid u ilaalin kartaa ma jirto, maaha in la adeegsado maalinta ka kacaayda ee xisbi xisbi loo ordayo oo dhalinyarda lagu ababiyo nidaam qabiil oo aad ufool xun oo ah waxa maanta halkaa ina dhigay ee waa in sidaa si ka balaadhan looga faa’idaystaa.

Waxaynu leenahay Wasaarada dhaliinyarada, ciyaaradaha iyo dhaqanka Somaliland oo qaranka wakiil uga ah dhaliinyarada xaaladeeda waad ka war haysaan waa kuwa ugu *Budget *ka yar Wasaaradaha waayo waxaad dareemaysaa in dhaliinyaradu qaranka Somaliland muhiimad badan aanu siinayn lexejeclana ka hayn waxa ka awood roon wasaarada qaranka uga wakiilka ah dhaliinyarada Somaliland NGO’s yar yar ee maxaliga ah taasina waa uhan waynaan la’aanta dhaliinyarada iyo qorshe xumada masuuliyiinteena aan dooranay ma filayo inay aqoon la’aan tahay haday tahayna waxay garan waayeen in xooga dhaliinyarda xaga haboon uga faa’idaystaan oo muruqooda iyo maskaxdooda ay xaga haboon u isticmaalaan.

Wali lama hayo tirikoob rasmi ah oo lagu qiyaaso dhaliinyarada Somaliland laakiin waxa marag ma doon ah  inay maanta yihiin cida ugu badan uguna dar xumada badan dhinac kasta marka laga eego hadaan dib ugu yara noqo Baaxada dhaliinyarada dalkeena waxaad ka eegtaa xaga waxbarashada imisaa hada wax dhigta, ardeyda Iskuulada Somaliland dhigataa guud ahaan sida Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare waxay Gaadhayaan 200,000 oo ardey, ardeyda Dhigata Jaamacadaha kala duwan ee dalkuna waxay gaadhayaan 20 ,000 oo ardey, Taas oo hadana Dhawaan La isku raacey in Somalinad *3dii* caruuraba mid keliya uu nasiib u helo in uu wax barto waayo waxaan inoo saamaxayn dhaqaalaha iyo dadkeenoo ubadan reer miyi mid iyo laba mooyee aan dhamaantood aanay uga maarmayn baylahda taala awgeed.

Intaasi waa inta waxa dhigata hadaba dib uyara eeg kuwii kasoo baxay Jaamacadaha dalka iyo dibada oo soo qalin jabiyey, halkay joogaan? Yaa ka war-haya? Maxay noloshoodu ku danbaysay? Waxa nasiib daro ah in maanta badihii Talyaanigu la ciir ciirayaan dhaliin 14sanadood  waalidkood ku soo tabcayeen oo dalkan iyo dadkan wax usoo bartay markay waayeen cid hagta iyo barnaamij lagu hago iyo muuqaal mustaqbal oo meelnaba uga ifi waayey inuu ku dhaco qalbi jab dabadeedna ay ciil iyo cadho kula dul dhaceen dhulkaaga u kac.

Dhibaatooyinka maanta taagan ee dhaliinyarada haystaa way fara badan yihiin laakiin waxaan ka xusi lahaa uun hal mid oo laf dhabar u ah kuwa kaloo dhan dawona unoqonaysa wixii kaloo dhan taasoo ah:

*1.  *Shaqo la’aan( Lack of Employment opportunities )*

Waxaad la socotaan in maanta dalka ay ka jirto Shaqo la’aan baahsan taasoo markii qorshe loo waayey dhaliinyaradii isku qanciyeen in meesha wax yaalaaba aanu jirin, waxay arkeen kii ubaahda inuu shaqo raadsado markii lagu yidhi suldaankaaga uyeedh xagii uu imtixaan ka gali lahaa waa suldaan aanay waligiiba is arag oo aanu aqoon waayo wuxuu wax ubaranayey inuu wax ku helo oo u tartamo hadii hawshuba suldaan iyo caaqil ku xidhan tahay wuxuu is way diiyey maxaad udaali jirtay.

Galab dhawayd abaaro 5:30 Galabnimo ayaan la kulmay wiil aan in badan saaxiibo ahayn oo in mudo ah waxbarsho dalka dibadiisa kaga maqnaa markaan iswaraysanay wuxuu iwaydiiyey maad ka warhaysaa Wasaarada Maaliyada wax bay qaadanaysaa baa la yidhiye? Waxaan ku idhi maan maqal walal, kamana war hayo laakiin waxaan umalaynayaa haday wax qaadanayso Jaraa’idka ayaa lagu arki lahaa, intuu qoslay buu igu yidhi jaraa’idka beryahan waxba laguma soo qoree waxaan la balansanaa oday Suldaan noo ah oo la igu yidhi Wasiirka Maaliyada ayey isku wanaagsanyihiin, waxaan ku idhi markaa muu kuu gaynayaa haa waanu balansanaahay ayuu igu yidhi, waxaad halkaa ka fahmaysaa marxalada maanta dalkeenu marayo iyo rajada muuqata mustaqbalka iyo baahida baahsan ee manta dhaliinyarada haysata iyo Isfahan la’aanta ka dhaxaysa Salaadiinta iyo Dhaliinyaradii wax baratay oon jaamacada loogu dhigin Heer Suldaan.

Guntii iyo gaba gabadii umad waliba waxay qiimo ku leedahay intay umadeeda ilaashato dar yeesho maanta aduunka waxa la iskugu faanaa waa hadba inta dhaliinyaro ee dalkaasi haysto oo uu ku xisaabtami karaa mustaqbalka dalkaasi siduu u ekaanayo maantana waxa ilaahay mahadii ah in dalkeenu

dhaliinyaro meel uu kala dhigo laayahay markaa dawladeed ubadka daryeela dantooda ka shaqeeya dantiinaa ku jirtee.

Allaa Mahadle

Mukhtar Abdi Jama

4406123

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories