HomeDhibaatada u Weyn ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Waa Sharciyada Dawladaheedu Baal-maraan -...

Dhibaatada u Weyn ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Waa Sharciyada Dawladaheedu Baal-maraan – Eng Maxamed Xaashi Cilmi

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

xaashiWaxaan halkan ku soo ururiyay qodobo Dastuurka oo muhiim ah, oo maamuladii dawldihii isaga dambeeyay xukunka dalka, ay baal-mareen ama ka danaysteen. Haddii aan tilmaan ka bixiyo, wada-hadalada Somaliland iyo Somalia, waxa faa’ido ihii Somaliland ugu ma jirto.

Somalia ma aha Dal madaxbannaan. Madaxdeeda iyo Baarlamaankeeda midna lama soo dooran. Waxa la odhan karaa, waa “Under UN trusteeship”. Waxa ilaaliya ciidamada UNISOM. La’aantoodna ma jiri karto. Waxa ay ka talo qaataan xafiiska UN-ka ee Muqdisho.

Sidaas oo ay tahay, ma qirsana madaxbanaanida Somaliland. Sidaa darteed, in wakhti lagu lumiyaana ma haboona. Waxa ka haboon, innaga oo maamulkeena adkayna, danaheennana qabsanna. Heshiisla lama geli karno maamul inna sheeganaya. Gaf weyna waynu galnay shirkii u dambeeyay.

Tusaale Eeg: Qod. 38-3,4-b,t).

3.) Baarlamaanku xil-gudashadiisa wuxuu ku salaynayaa Dastuurka iyo xeer-hoosaadyadiisa. Hooyinka xil-gudashada Baarlamaanka waxa ugu muhiimsan kuwa soo socda:-

4-b.) Sugidda nabadgelyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda iyo u madax-bannaanida maamulka dhulkeeda, baddeeda iyo hawadeeda.

4.t) In Jamhuuriyadda Somaliland yeelato dhamaan xeerarka ay u baahan tahay dawlad Islaam ah.

Waxa ay toddoba qof ee weftigii Somaliland uga qaybgalay wada-hadalada labada daraf, ay la soo saxeexeen waftigii Somalia. Heshiisna Baarlamaanka ayaa saxeexiisa leh.

Dhulka, badda iyo Hawada Somaliland, ma aha wax Somalia heshiis lagala yeelan karo, xaaladda aqoonsi la’aanta ee taagan awgeed, haddii khilaafba yimaad, Maxkamad Caalamiya “International Court”, lama gayn karo Dawlad loo aqoonsanyahay in ay qayb ka tahay Somalia. Sidaa darteed wax heshiis ah Somalia lama geli karno.

1.DASTUURIGA  Qod.129.  “WAXAAN  ILAAHAY  UGU  DHAARTAY  IN  AAN  U NOQONAYO  DAACAD  DIINTA  ISLAAMKA,  DALKAYGA  SOMALILAND, DADKIISANA  KU  MAAMULAYO  SINNAAN  IYO CADDAALAD  INTA  AAN  XILKA  HAYO.

2. QOD. 9-1.Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyada Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.

3.  QOD 53-3Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soo saarid ama wax-ka-beddelid qaanuun.

4.Qod. 38-3,4-b,t).

3.) Baarlamaanku xil-gudashadiisa wuxuu ku salaynayaa Dastuurka iyo xeer-hoosaadyadiisa.

Himilooyinka xil-gudashada Baarlamaanka waxa ugu muhiimsan kuwa soosocda:-

4-b.) Sugidda nabadgelyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda iyo u madax-bannaanida maamulka dhulkeeda, baddeeda, hawadeeda.

4.t) In Jamhuuriyadda Somaliland yeelato dhamaan xeerarka ay u baahantahay dawlad Islaam ah.

5.  DASTUURKA QOD.39.

Golaha Wakiiladu waa xubno ka wakiil ah dadweynaha, waana Qaybta 1aad ee Xeer-dejinta dalka, ansixinta xeerarka, oggolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hogaaminta dalka.

6. G/Wakiilada, Qod.50-3,5,Waayidda XUBINIMADA GOLAHA WAKIILADA haddii:-

3) Uu jabiyo shardi ka mid ah, shuruudihii lagu soo doortay, ama uu gudan waayo xilkiisa.                  5)Haddii uu ka maqnaado Golaha 20 (Labaatan) fadhi oo isku xiga idinla’aan.

7. Qodobka 48. Xubin G/Wakiilada uma banaana inay qabato xil kale oo Dawladeed iyada oo xilkii loo doortay haysa. Umana bannaana inay uga faa’daysato xilkaasi dano gaar ahaaneed.

8. Qod.42-1,2,3.

1).Muddada xilka G/Wakiiladu waa 5 (shan) sano oo ka bilaabmaya maalinta Maxkamadda Sare ay ku dhawaaqdo go’aamada doorashada.

2). Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya doorashada Golaha cusub bil ka hor dhamaadka muddada Golaha hore.

3).Haddii doorashada G/Wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed Golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaasi lagana dooranayo Gole Cusub. Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasilooni-darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus, sida dhul-gariir, cuduro-faafa, abaar culus, waxaana qiimaynaya kana go’aan-gaadhaya G/Guurtida ka dib marka golaha xukuumaddu sidaa soo jeediyo.

9. Qod. 20, 1,3,5,6. SHAQADA,  FARSAMADA, DARYEELKA, IYO BADBAADINTA, SHAQAALAHA:-

1). Shaqadu waxay xaq u leeyahay kuna waajib ah muwaadin kasta oo gudan kara. Sidaa darteed, dawladdu waxay xil iska saaraysaa shaqa abuuris iyo tayaynta tababarada shaqaalaha.

3). Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin mushahar u dhigma hawsha ay qabtaan………….     5).Shaqaalaha dawladdu iyo xubnaha ciidamada qalabka sidaa waxay xaq u leeyihiin gunnada hawl-gabka iyo kaalmada bukaanka ama shilka iyo kaalmada qofka naafooba oo xeerka waafaqsan.

 6).Dawladdu waxay horumarinaysaa habka taakulaynta, caymiska iyo bad-baadinta shaqaalaha, waxaanay xoojinaysaa hay’adaha ku shaqada leh.

10.Qod. 20- 5.  Shaqadu waa xaq uu leeyahay kuna waajib ah muwaadin kasta dawladdu iyo xubnaha ciidamada qalabka sidaa waxay xaq u leeyihiin gunnada hawl-gabka iyo kaalmada bukaanka ama shilka iyo kaalmada qofka naafooba oo xeerka waafaqsan.

11. QOD 12-2.   Daryeelka iyo ilaalinta maalka iyo awqaafta iyo handtida guud waa waajib saran Dawladda iyo muwaadiniinta waxaana qeexaya xeer.

12. QOD. 12-4.Khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxa mas’uul ka ah Dawladda-dhexe, waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurta gal ah si loo baadho, loogana faa’iidaysto khayraadka ku jira berriga iyo badda dalka, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo sida ugu habboon ee looga faa’idaysan karo xeer ayaa qeexaya.

13. QOD 22-1.Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qaybgalo hawlaha siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo hiddaha si waafaqsan xeerarka iyo Dastuurka.

14. QOD 22-2. Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku timaamayo wuxuu xaq u leeyahay in la doorto waxna uu doorto.

15. QOD 24-2.Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabadgaliyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo waxyeelo kasta oo loo geysto way reebbantahay.

16. QOD 25-2.  Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood lihi.

17. QOD 29.Hoyga iyo melaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda; mana bannaana, baadhidoodaiyo geliddooda,haddaanu jirin amar garsoore oo sababaysan.Waxa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsooraha mulkiilaha ama degganaha hoyga inta aan la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku xadgudubka amarka garsooraha.

18. QOD 34-1,2,4.

1). Muwaadin kasta waxa waajibku ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qaranimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan xeerka.

2).Qofkasta waxa ku waajib ah in uu xaqdhawro Dastuurka iyo xeerarka dalka.

4).Qofkasta waxa waajibka saaran yahay daryeelka, ilaalinta, iyo badbaadada deegaanka.

19. QOD 27-2.Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u leeyahay in lagu horgeeyo maxkamad 48 saacadood gudahood laga bilaabo marka la qabtay.

20. QOD 49-4,5.

4).Waxa xubinta G/Wakiilada tallaabo laga qaadi karaa haddi lagu qabto isagoo dembi faraha kula jira; markaana waxa waajib ah in Golaha si deg-deg ah loo ogeysiiyo

5).Golaha waxa ku waajib ah in uu hubiyo in tallaabada laga qaaday xubinta ay tahay mid toosan.

21. QOD. 55.3,5,6,7. Miisaaniyadda:-

3). Golaha Wakiilada ayaa oggolaanaya gelidda kharash kasta ooa an miisaaniyadda ku jirin.

5).Xeer ayaa caddaynaya miisaaniyadda iyo xisaab-xidhka hay’adaha, wakaalada iyo shariikadaha dawladeed ama kuwa ay wax ku leedahay iyo u soo-bandhigiddooda Golaha Wakiilada.

6). Waa waajib u soo bandhigidda GolahaWakiilada xisaab-xidhka sannad-maaliyadeedkii dhammaaday muudo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhammaadka sannad-maaliyadeedka, iyadoo Golaha Wakiiladu ka doodayo, go’aanna ka soo saarayaan.

7). U soo bandhigidda xisaab-xidhka miisaaniyadda waxa u xilsaaran Hanti-Dhawraha Guud.

22. QOD. 59-1,2.

1)Xubin Golaha Guurtida ka mid ah waa inaan da’diisu ka yaraan 45 sano

2) Inuu yahay qof  Diinta aqoon fiican u leh, ama oday-dhaqanyaqaan ah.

23. QOD 70. Xubinta Golaha Guurtida uma bannaana in ay qabato xil kale oo Qaran iyadoo xilkii loo xulay haysa; umana bannaana in ay xilka uga faa’iidaysato dano gaara haaneed.

ALLA MAHAD LEH

Eng. Maxamed Xaashi

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories