HomeDhibaatada Tahriibka iyo Hayaanka Dhalinyarada – W/Q: Suleiman Bashir Omar

Dhibaatada Tahriibka iyo Hayaanka Dhalinyarada – W/Q: Suleiman Bashir Omar

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

1Qormadan ayan si kooban ugaga hadli doonaa Tahriibka iyo Dhalinyarada Maanta oo baryahan danbe aad u soo kordhay dhalin badana ay ku nafwaayeen. Hadaba Tahriibow Maxaad tahay?
Tahriib waa qof raba inuu si sharci darro ah ku galo wadankale oo an laga ogolayn, Sidoo kale waxa uu noqon karaa mid lagu kootarabaaninayo dad la doonayo in sida alaabta loo geliyo meel aanay si sharci ah ku geli Karin, Tahriibka dadku waxa uu ka mid yahay falal denbiyeedyada qawaaniinta caalamku la dagaalanto lana mid ah falal denbiyeedyada tahriibinta maandooriyaasha iyo hubka. Tahriib waa socdaal aan sharci loo haysan oo dhuumasho iyo Rafaad ku salaysan, kaas oo uu qofku naftiisa ku biimeeyo waxyaabo khatar ah.

Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin oo aan indhaha laga qabsan karin In dhalinta Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ugu badan tahriibayaasha maanta.

Hadaba dhibaatooyinka ay waajahayaan  Tahriibayaasha ayaa waxaa ka mid ah dhimasho, Xarig, Dhac, Qafaalasho, Madax furasho loo qabsado kumanaan Dollar iyo kufsi loo geysto qaar ka mid ah haweenka.

Waxaynu ognahay in dad badan oo tahriibay hilibkoodu daadsanyahay Xeebaha ay tahriibka ku maraan, qaarkood waxay mayd ahaan u yaaliin Saxaraha iyo Xeebaha marinka u ah dhalinta tahriibayaasha ah, imisa Hooyo ayaa ku wayday wiilkeedii iyo Gabadheedii Qaaliga ahaa oo ay in badan soo koolkoolisay oo  Maanta ay u suurto gali wayday inay xataa aragto maydadkooda?. Geeri xasuusbay kugu dishaa. waa hubaal in hooyadaasi maanta ka walwalsantahay oo ay dareensantahay jiidhkeedii oo kulumay Hanfiga saxaraha iyo mawjadaha badda.

Imisa dhalinyaro ah ood taqaan ayaa ku jira xabsiyada Ethiopia, Sudan, Libya iyo Dalal kale oo badan, Imisa Haween ah aya lagu faraxumeeyay oo noloshoodi & Mustaqbalkoodiiba ku waayay Tahriib.

Waynu ognahay wixii dhawaan ku dhacay dhalinyaro badan oo ku nafwaayay badda u dhaxaysa Libya iyo Talyaaniga. Adigana miyad ku fikiraysaa inaad maanta waalidkaagi wal-wal ku abuurto maydkaagana ka qariso oo markasta waalidka u haysto inad nooshahay adoo maydkaagii saxaraha iyo xeebaha yaalo. Adigana  aad mustaqbalkaagi iyo noloshaadiba sidas ku waydo. Walaalka tahriibayow intaad kharash iyo rafaad ku bixinayso miyaad Ilaahay talo saaratid ood naftaada wax u baratid, miyad Aayahaaga iyo kan dadkiina ka fikirtid, noloshaada iyo mustaqbalkaaga danbana aad dhistid. Waxan ku talinayaa in laga fogaado lana hortago Tahriibka oo lagu dadaalo sidii wax loo baran lahaa, Dalkana wax loogala soo bixi lahaa Bad iyo Barri. Ilaahay waxan ka baryayaa inuu inaga nabad galiyo Masiibada Tahriibka dhamaanteenba. Ameen. Ameen.

Suleiman Bashir Omar

Kampala, Uganda.

Email: ibnubashiir99@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories