HomeDhegoole 7 jir ah oo aabihii sababtiisa ku toobad keenay! (Qiso cajab...

Dhegoole 7 jir ah oo aabihii sababtiisa ku toobad keenay! (Qiso cajab badan)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qisadan hadaanu ka warami lahayn ninkii ay ku dhacday maynaan rumaysaneen, wuxuu yidhi: waxaan ahaa 37 jir xaas iyo caruur leh degana magaalada Madiinatul Munawara, waxaan ahaa caasi macnaha kelmadahaasi waxay soo koobsanayso oo dhan waan samayn jiray wax kasta oo macaasi iyo faaxisho lagu sheego waxaan ahaa nin sameeya, gabadhaydu waxay ahayd mid Ilaah barakeeyey oo Quraanka xafidsan hadh iyo habeen waxay igu waanisaa khayrka iyo salaada laakiin maaha warkaasi mid naftaydu dhegaysato,

Maalin ka mid ah maalmaha ayaa waxaa la eedaamay salaadii maqrib, anigoo u diyaar ah inaan u baxo aniga iyo kuwo saaxiibadaydii xumaa ah meelihii xumaa ,oo u baxaya shaqadii shaydaanku ii sameeyey, waxaa gurigii iigu soo galay wiil aan dhalay oo 7 jir ah wuu dhego la’yahay wiilku ma hadlo waxna ma maqlo , hooyadii waxay ku rabaysay iimaanka oo ku korisay,waxaanu isku fahanaaa ishaarada faraha, wuxuu igu yidhi: aabo maxaad u tukan wayday (isagoo faraha igula hadlay).? Farihiisa ayuu cirka u taagay isagoo igu hadidaya in Illaahay I arkayo inala xisaabtamayo, wuxuu ii sheegay in Illaahay arkayo waxaan samaynayo wuxuu I qabtay gacanta wuxuu tegay halka waysada oo wuu waysaystay inankii yaraa waxaanu I faray inaan aniguna waysaysto.anigoo yaaban ayuu hadana dhaqaaqay oo agtayda ku tukaday, markii uu dhamaystay salaadii ayuu soo qaaday kitaabka Quraanka waxaanu soo saaray aayada quraanka ah ee suuratul maryam ee ah no 45 oo macneheedu yahay( aabo waxaan ka baqayaa in cadaabka Alle ku taabto oo shaydaan aad weli u noqoto) wiilkaygii markii uu aayadii taabtay ayuu hadana oohin raaciyey , aniguna naftaydii ayaan hayn kari waayey oo waan ooyey, markuu oohintaydii arkay ayuu kacay oo oohintii gacantiisa igaga masaxay, dabeed madaxa ayuu iga dhunkaday, isagoo ila hadlay ishaaro ahaan oo leh :aabo tuko intaadan dhiman oo dhulka lagu hoos gelin! Inta aanad cadaabka Illaahay gelin,

Anigoo aad u argagaxsan oo yaaban oo ooyaya ayaan kacay oo gurigii laydhkiisii shiday ,wuxuuse inankaygii igu yidhi: waxba ha shidin laydh e waysayso aan tukanee, iska daa laydhka ina mari aan ku soo tukano Xaramka(Masaajidkii nebigeena scw).

Waxaan idhi : aabo waxaynu ku tukan masaajidka inala jaarka ah oo tegi mayno Xaramka madiina, wuxuuse iigu hal celiyey maya waynu tegaynaa ee ina mari salaada lagu tukadaa aad bay u fadli badan tahay, gaadhigii ayaan wada raacnay isagoo isoo eegaya oon marnaba iga jeesanayn inankaygii, masjidkii ayaanu galnay waxaanu booqanay Rowdadii shariifka ahayd, anagoo ooyayna, waxaa la galay salaadii cishaa’I iimaamkii ayaa nagu tujiyey aayada 21 aad ee suuratulnuur oo macneheedu yahay(kuwii Illaahay rumeeyow ha raacina raadka iyo talaabada shaydaanka, qofkii raacaa wuxuu shaydaanku farayaa faaxisho iyo munkar) aayadaa markaan maqlay ayaa oohintii igu sii badatay sidoo kale waxaa aad u ooyey wiilkaygii sababtiisa Ilaahay igu hanuuniyey, wuxuu la soo baxay suufkan lagu masaxo dhididhka Cleans-ka ama napkin markaasuu wejigayga ku masaxay, markii aanu salaadii dhamaysanay ayu madaxa iga dhunkaday isagoo oohintiina igaga masaxay mandiilkii ama napkinkii, masjidkii ayaanu sii fadhinay saacad anigoo saacadaas oo dhan ooyaya, wuxuu igu yidhi wiilkaygii oo Marwaan la yidhaahaa: aabo ina mari hadaba, waan ka soo baxnay masjidkii anigoo aad moodo inaan maanta uun dhashay, gurigii ayaanu nimi wuxuu uga waramay wiilkaygii Marwaan caruurtii waxa dhacay caruurtaydii ayaa ii timi iyagoo aad u faraxsan farxad ooyaya oo igu dhegdhegay sidii qof dhintay oo soo noolaaday oo kale ayaan ula ekahay,

Ooridaydii farxadeeda lama qiyaasi karo Ilaahay ayaa mahad leh Illaaha kugu alhuumeeyey khayrka ee ku hanuuniyey ayaa ay igu tidhi ! waxaan waydiiyey gabadhaydii inanka Marwaan aayadan uu farta iigu fiiqay ma adigaa u soo sheegay? Maya ayay tidhi inta ay sadex goor dhaaratay, markaasaan ku idhi naftayda cidina uma soo sheegine waa hidaayo Illaah kula doonay. Wuxuu igu ahaa habeen aanan weligay iloobi doonin,

Hada waan ilaashadaa salaadaha waxaan ku noolahay magaalada madiina, dadkii xumaa ee aan la saaxiibka ahaa waan ka hadhay Cibaadada ayaan kula dedaalaa naftayda goor kasta iyo goob kasta xaalad kasta oon ku jiro.

Ooridaydii iyo caruurtaydii waxaan kula noolahay nolol Alle ka cabsi leh nolol farxad leh waan jecalahay dhamaantood, khaasatan wiilkaygii dhegaha la’aa ee Marwaan sidaanan uga jeclaan kuwa kale iyadoo Illaah iiga soo dhigay hiydaayad aan kaga badbaaday ciqaabkiisa iyo cadaabkiisa.

Waa walaalkiin /Abu marwaan, degan magaalada madiinatul Munawarah.

Waxaa tarjumay:

Hussein Jama Guudcade.

Diintuwaanasteexo1@gmail.com

www.Diintuwaanasteexo.blogspot.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories