HomeDhegayso:Wasaaradda Maaliyadda oo bilowday Olole laba Todobaad Gudihii lagu lagu ekaysiinayo Ururinta...

Dhegayso:Wasaaradda Maaliyadda oo bilowday Olole laba Todobaad Gudihii lagu lagu ekaysiinayo Ururinta Cashuuraha

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa(SLpost) Wasaaradda maaliyadda Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in guud ahaanba dalka laga bilaabay ololaha ururinta cashuuraha berriga. Sidaasina waxa shaaca ka qaaday Wasiirul dawlaha wasaaradda maaliyadda Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani) oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa.

Waxaanu sheegay Wasiirul dawlaha wasaaradda maaliyadda in marka laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu ahayd 20-ka bisha October in uu si rasmi ah u bilaabmay ololaha ururinta cashuur berriga ee gaadiidka, isla markaana uu ololahaasi socon doono muddo shan iyo toban maalmood ah.
wasiirul dawlaha maaliyadu waxa uu tilmaamay in bixinta cashuurta loo siman yahay wasiir ilaa shaqaale dawladeed, sidaasi darteed, qof kasta oo ay ku waajibtay looga baahan yahay in uu si toos ah u bixiyo.Waxaanu sheegay oo kale in arrintan looga dan leeyahay si kor loogu qaado dakhliga cashuuraha berriga.

isaga ka hadlaya gobolada iyo degmooyinka uu ololahani sida tooska ah uga bilaabmay waxa uu yidhi “ololahan cashuur ururinta ee aanu bilaabaynaa waxa uu ka tirsan yahay waa cashuurihii wado marista, oo ay waaxda cashuuraha berriga ee wasaaradda maaliyadu qaabilsan tahay, masuulna ka tahay, waxaanu ka bilaabmayaa goboladda Maroodi Jeex, Awdal, Gabiley, Burco, Oodweyne, Caynabo, Ceerigaabo Laascaanood iyo Sheekh iyo guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland”.

Cismaan C/laahi Cadaani ayaa kula dardaarmay shaqaalaha waaxda cashuuraha berriga ee wasaaradda maaliyadu in aanay waxba ka hagran aqoontooda, xirfadooda iyo kartidoodaba muddada ay hawshaasi culus ku gudo jiraan isla markaana ay sida loogu talogalay dakhliga u soo xereeyaan “waxaan idin kula dardaraarmayaa ama aan idinka codsanaynaa idinka oo hawl wayn qaranka u haya in cashuurta saddexda bilood ah ololahan oo qaranka u haya in cashuurta saddexda bilood ah ololahan oo shan iyo toban maalmood socon doona in aad 15-kaa cisho waxaanu doonaynaa, sanadka dhamaadkiisii ayaa lagu jiraa, Illaahayna ha idin la qabto, waxaad karti leedihiin iyo xirfad iyo tababar in aydaan waxba la hadhin, inay cashuurahaasi ku soo xeroodaan” ayuu yidhi wasiirudawlaha maaliayaddu.

Dhinaca kale wasiirul dawlaha wasaaradda maaliyada oo ay wehelinayeen agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo agaasime waaxeedyaddu waxa ay kormeer ku soo mareen xarumaha kala duwan ee degmooyinka caasimada ee ay cashuur ururinta gaadiidku ka socotay.

cadaani

 

 

 

 

 

 

 

Hoos guji oo ka dhageyso

Somalilandpost.net

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories