HomeDhegayso:Golaha Guurtida Oo Warbixin Amniga la Xidhiidha Ka dhegaysatay Guddi-hoosaadkooda Nabad-gelyadda

Dhegayso:Golaha Guurtida Oo Warbixin Amniga la Xidhiidha Ka dhegaysatay Guddi-hoosaadkooda Nabad-gelyadda

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo ah gudoomiyaha guddi hoosaadka siyaasadda nabadgelyada iyo difaaca golaha guurtida ayaa waxa uu guud ahaan dhalinyarada Somaliland usoo jeediyey in ay dalkooda aaminaan isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarkiisa. Xildhibaanku waxa uu sidaa ka sheegay fadhi ay maanta yeesheen golaha guurtidu oo uu shirgudoominaayay gudoomiye ku-xigeenka kopwaad ee golahaasi mudane Siciid Jaamac Cali.

Isla fadhigan ayaa xildhibaanadii ku sugnaa waxa loo qaybiyay xeerka booliska Somaliland xeer No.63. 2013, si ay u soo naaqishaan ugana soo baaraan degaan.

Xildhibaan Axmed Muuse isagoo la hadlayay dhalinyarada ku dhaqan guud ahaan Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Dhalinyarada waxaan leeyahay dalka idinkaa u soo kacaaya waxna u baranaaya, anagu nabadgelyadii iyo maamulkii iyo dalkii oo salka loo dhigay intaba idinku sinay ee hayska burburinina.”
Gudoomiyaha guddi hoosaadka siyaasada nabad-gelyada iyo difaaca golaha guurtida xildhibaan Axmed Muuse waxa kale oo warbixintaas uu ka hor jeediyay xildhibaanada guurtida kaga hadlay halka ay marayso xaalada nabadgelyo ee guud ahaan dalku, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Dalkeenu maalin-ba maalinta ka dambaysa xagga nabadgelyada wuu ka soo wanaagsanaanayaa, dhul badan oo aan markii hore gacanteena ku jirina ay soo xaroonayaan. Markaa waxaynu u baahanahay in shaqada la kordhiyo. Xukumaduna gacan la siiyo.”
Muadane Axmed waxa uu ganacsatada ugu baaqay in ay fur-furaan ganacsiga si dhalinyaradu shaqo abuur u hesho, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Marka aynu eegno dhaqaalaha dalka ma xuma miisaaniyadu dawladana waxaad moodaa in ay dhankeedii dabooshay, marka aynu eegno dhanka ganacsatada waxaad moodaa in cidhiidhi ka jiro, waxaana loo baahan yahay in dhaqaalaha la fur-furo si dhalin yarada loogu helo shaqo abuur.”

Xildhibaanku mar uu ka hadlaayay kulan ay la yeesheen masuuliyiinta qaabilsan amaanka, ayaa waxa uu yidhi “Markii aanu la kulanay masuuliyiinta laamaha amaanka dawlada, waxyaabihii ay nagla hadleed waxa ka mid ahaa in ay dhibtaato ka jirto dhalinyarada habeenkii bulshada dhibaateeya. Anaguna doorkayagii waanu ka qaadanay oo shir jaraa’id ayaanu ka qabanay oo waxaanu bulshada u sheegnay in layska kaashado sidii arrimahaas waxa looga qanan lahaa, gacana loo siin lahaa ciidamada amaanka.”

Gudoomiyaha guddidani waxa kale oo sheegay in ay kulamo kala duwan la yeesheen madaxda sare ee laamaha amaanka ayna si fiican iskaga waraysteen guud ahaan halka ay marayaan arrimaha amaanka dalka. Guddidani waxay ku baaqeen in la sii xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa laamaha amaanka dawladda iyo golaha guurtida oo ah gole shaqadiisu tahay diinta, nabadgelyada iyo dhaqanka.

Guddi hoosaadka siyaasada nabadgelyada iyo difaaca golaha guurtidu waxay bulshada Somaliland ugu baaqeen in ay ilaashadaan nabada iyo wada jirkooda. Si aanu hakad u galin hanaanka geedi socod ee horumarka Somaliland.

golaha guurtida

 

 

 

 

 

 

Halkan hoos ka dhageyso

Somalilandpost.net

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories