HomeDheefta Iyo Dhibta Wax Akhriska.  Q.1aad

Dheefta Iyo Dhibta Wax Akhriska.  Q.1aad

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

 

Dheefta wax akhriska laga helaa maaha mid la barbar-dhigi karo dhibka uu leeyahay, balse waa in la xusaa haddiiba uu leeyahay wax dhib ah. Wax akhris waxa aan uga jeednaa qofka oo hamuun u qab in uu helo macluumaad iyo warar  kala duwan si uu u kabo aqoontiisa, maskaxdiisa iyo fikirkiisa. Waa tii Soomaalidu ku maahmaahday “war la helyaaba Talo la hel”. Wax akhriska waxa laga heli karaa meelo kala duwan, sida Buugaagta, wargaysyada, bogoga Internet-ka ee qoonta guud lagu keydiyo, dhegaysiga sheekooyinka ay soo tebiynayaan dadka waayo-araga ahi IWM. Dadka reer Hindiya ayaa hal-hays u leh odhaahdan,”  If you want to know someone’s Reading habits pay attention when He is talking, If He talk meaning, He is Big Reader, otherwise He is Empty Vessels”,oo micnaheedu noqonayo, Haddii aad doonaysid inaad ogaato, qofka wax akhriska badan, hadalkiisa uun dhegayso. Haddii uu xog iyo macluumaad ku hadlo, waa akhriste weyn (Big Reader), haddii kale waa weel madhan. Dheefta wax akhriska laga helo laguma soo koobi karo qoraal kooban, waxa ay u baahan tahay in buugaag badan laga qoro, balse waxa aynu dul-istaagi doonaa qodobada ugu mihiimsan:

  • Ilaahay “swc” wax akhirska wuxuu ku sheegay Aayadii ugu horaysay ee lagu soo dejiyey Nebi Maxamed “scw”, waan IQRA, oo micnaheedu yahay AKHRI. Kol haddii ilaahii adduunka abuuray ku bilaabay hadalkiisii uu Nebe Maxamed”scw”, waxa aan halkaasi ka garan karnaa inay waajib tahay in wax la akhriyo. Dadyowga adduunka ku nooli waxa ay siyaabo kala duwan u cabbiraan awooda iyo mihiimada akhriska. Xigmado badan iyo maahmaahyo badan ayaa lagu cabbiraa dheefta wax akhriska, shacabka reer Albaaniya ayaa xigmadan is-ticmaala” Those who can read and write have four eyes”, oo micnaheedu noqonayo, kuwa waxna akhriya waxna qoraa waxa ay leeyihiin afar indhood, oo dadka kale dheer yihiin. Sidoo kale ayey dadka Faransiisku leeyihiin xigmadan,” Think much, say little, write more”, oo micnaheedu noqonayo, in badan Fikir, wax yar hadal, wax badana qor.

 

  • Wax akhrisku waa furaha aqoonta 70% waana meelaha laga helo nooc kasta oo macluumaad ah. Angel Carter oo ah Gabadh xigmad badan ayaa laga hayey xigmadan qaaliga ah “Reading book is like Re-writing it yourself”, oo micnaheedu yahay hal buug oo aad akhridaa, waxa ay la mid tahay inaad adiga laftaadu dib u qortay Buugaasi. Xigmadaasi waa dhab biyo kama dhibcaan ah, waayo aqoontii iyo nuxurkii ku jiray Buugaasi waad heshay markaad si fiican u akhrido cilmigii buugaasi ku keydsanaa, balse ma bannaana inaad dib u qorto Buugaasi, haddii aanad ogolaansho ka haysan qoraagga Buugaasi.

 

  • Wax akhrisku wuxuu qofka u furaa fahanka iyo barashada ummadaha kale ee adduunka ku nool. Markaad akhrido Buugaag kala duwan, qoraal uu diyaariyey caalim, Bare sare, dhakhtar, siyaasi rugcaddaa ah iyo waayeel waayo-arag ah, dhammaan macluumaadkaasi wuxuu kuu saamaxayaa in uu caqligaagu koro, ka dibna fahankaagu durko, oo aad mar kasta meel dheer wax ka eegto. Maahmaah Shiine ah (China) ayaa tidhaahda” After three days without Reading talk becomes flavorless”, oo micnaheedu noqonayso, saddex cisho oo wax akhris la’aan ah, hadalku wuxuu noqdaa bilaa macne. Inta badan dadka falanqeeya arrimaha adduunka ka dhacaya, waa dadka ugu akhriska badan, siday faallada u dhigaan ayey inta badan wax u dhacaan, waayo waxa ay hayaan waayihii hore u dhacay, ka dib waxa ay barbar-dhigaan kan socda, iyaga oo mar kasta ka shidaal qaadanaya duruufaha ku xeeran wakhtigaasi. Waa tii soomaalidu hore u tidhi” hoostii eege hareertii ma eego.”Dadyowga adduunka ugu maskaxda fiicani (Talent) waa kuwa akhriska joogteeya ama caadada ka dhigta akhriska. Marka la eego shakhsiyaadkii ugu maskaxda badanaa adduunka kuwii soo maray waxa ay dhammaan ka sinaayeen in uu akhrisku caado u ahaa.

 

  • Akhriska Taariikhdu wuxuu qayb libaax ka qaataa saadaasha fof ee mustaqbalka ummadaha. Xigmad Giriig ah ayaa ahayd” Historian know some about Future”, oo micnaheedu noqonayso Sooyaalyahanku wuxuu ogyahay qayb ka mid mustaqablka. Dabcan wuu saadaalin karaa ayuu nuxurku noqon karaa, waayo wixii maqan ilaahay ayaa og, Sidaasi oo kale wax akhriska taariikhuhu waa u mihiim bulshada. Sooyaalyahanka waxa maankiisa iyo maskaxdiisa ka buuxa kumanaan dhacdooyin oo adduunka ka dhacay, markaa wuxuu eegayaa taariikh ahaan waxa ay iska shabbahan waxa dhacaya wakhtigan. Waa tii soomaalidu tidhi” Ninkii waxa taagan aan garanin waxa soo socda ma garto”. Inta badan waxyaabaha adduunka ka dhacayaa, waxa ay xidhiidh taariikheed leeyihiin wax hore u soo dhacay, qaarkoodna waa isku mid oo dhacdo hore u dhacday ayaa iyadii oo weji kale leh dib u soo noqota.

 

  • Dunida horumartay ee aynu maanta ku nool nahay wax akhrisku wuxuu ula mid yahay nolol-maalimeedkooda ama quutal-daruurigooda. Maahmaah Jabaaniis ah ayaa tidhaahada” reading is like the daily live eating“, wax akhrisku wuxuu la mid yahay wax cunista saddexda wakhti, sidaa darted ayey shacabka reer Jabaan dhaqan ka dhigteen inay saddexda wakhti ee wax la cuno ay mid kasta raacsadaan min hal Buug oo ay akhristaan. Dadka wax akhriska caado ka dhigtaa waa kuwo xor ah, oo ka dawoobay cudurada dilaaga ah ee jahliga iyo dib-u-dhacu kow ka yahay. Wax akhrisku wuxuu kobciyaa maskaxda, ka dib maskaxda ayaa balaadhata, waxa aanay horseedaa inay siyaabo kala duwan u fikirto, oo ay horumar ku tallaabsato. Haddii cuntadu ay koriso jidhka, akhriskuna wuxuu koriyaa maskaxda iyo fahanka.

 

  • Wax akhrisku qofkii caado ka dhigtaa wxuuu noqdaa qof ka aragti dheer dadka aan waxba akhrisan, waayo waxa maskaxdiisa ku jira macluumaad fara badan oo nololo kala duwan soo maray. Mar kasta oo arrin loola yimaado in uu ka talo bixiyo, wuxuu taladiisa u soo bandhigayaa qaab ku habboon wixii loola yimid. Sababta ayaa ah, wuxuu ku samaynayaa rog-rogis fara badan oo dhinac kasta ayuu ka eegayaa. Sheekh Mustafe oo ka hadlayey muxaadaro ku saabsan cilmiga ayaa sheegay hadal nuxurkiisu ahaa” laba arrimood ayey bulshooyinku isku dhaafeen. Kow, in maskaxda marka hore macluumaad badan lagu shubo (Wax akhris), ka dibna wixii la soo gudboonaada ay awood u yeelato inay xaliso. Laba, in maskaxda la adeegsado intii suurtogal ah, oo wakhti badan la siiyo inuu qofku kaga baaraandego naftiisa horumarkeeda iyo dib u dhaceeda.” Maanta waxa aynu ku jirnaa wakhti lagu magacaabo “Information Age” wakhti macluumaad, oo ay meel kasta qulqulayaan aqoon iyo macluumaad kala duwan, lana heli karo haddiiba loo baahdo. Waxa kale oo iyana mihiim in aad wakhti fiican siiso wax akhriska, si ay kuugu duxdo aqoontii aad akhriday, xigmad ingiriisi ah ayaa tidhaa” Take time to read, it is the source of knowledge”, oo micnaheedu yahay, wakhti sii inaad wax akhrido, waayo waa ilaha cilmigu ka soo burqanayo.

 

 

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

La soco Qaybaha Dambe………………………

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories