Home“Dhedo roob noqon weyday” - Qormadii 3aad ~ Qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale

“Dhedo roob noqon weyday” – Qormadii 3aad ~ Qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Ma laga yaabaa in aad rumaysan weydaan, laammi ayaa hadashay. Sow ti Gaarriye Maansadiisii Tanaad ee 1972kii ku lahaa:
“Tukayaasha duulaa,
Warka waysu tebiyaan,
Waa af-tahan qudhaanjadu,
Tigaaddaad arkaysaa,
Kaftan ay taqaannay,
Hoos-ka-tuur u leedahay,”
Barbaarta hadda maansada la oogsatay mid yar oo ka mid ah oo tixdan Gaarriyegabay-dheegtay oo laamiyada iyo dhismayaasha ku takhasusay ayaa isagana laga hayaa:
“Waddaduna tibaax bay,
Ku tawaawacdaayoo,
Marka ay tabaaliyo,
Baahiduba taabtaan,
Taayirkay banjarisaa,
Tarantarinta gaadhiga,
Taababkay u goysaa,
Hadba taar ka siibtaa,”
Tabashadii dadka iyo dalkaba tii kale ayaa ka badatay. Miyaydaan arag dhowr calan oo yar yar oo Madaxtooyada horteeda sudhan oo lagaga tegay sidii Meey dhowr iyo tobankeedii loo sudhay. Habeen walba waa ay is-haystaan markii ay dhaxantii dabayl-xagaada beer-qaadeen. Mid ayay isugu tagaan ay ku haystaan in uu badkhaarka ka soo saaray oo ku yidhi:“Madaxtooyada ayaa la inagu hor xidhayaa, isla markiibana waa la inaga furayaa oo makhsin qaboojiye leh ayaa la inagu xeraynayaa ilaa Meeyda dambe.”
boobe-2
Wuxu intaa ugu daray in ay sidaas kaga daryeel fiicnaanayaan calammada kale islamarkaana ka cimri-dheeranayaan. Sidaas ayay dhowrkaa calanna habeen walbamiskiinkaa yare ee isaguba ka midka ah u qabsadaan. Habeen, habeen ayaa waxa soo mara Calan-guun oo nin da’ weyn oo waayo-arag ah in bandanna cilmi-baadhis ku sameeyay taariikhda iyo waayaha calammada. Markaasu ku yidhaahdaa:“Waar miyaanay habeen ahayn maxaa meesha idin sudhay? Ma idiinkaan calammo ahayn, mise cid idin yeelataa weydeen? Waa maxay habeennimadan aad sudhan tihiin?”
Markaas ayay calammada yar yari yaabaan oo yidhaaahdaan: “Oo calammadu miyaanay dibadda u hoyan jirin.” Markaas ayuu ku yidhaahdaa: “Waar annagu calammadii aanu arki jirnay, lixda subaxnimana ayaa la sudhi jiray, lixda galabnimana waa la dejin jiray oo weliba bigil ama garri ayaa loo afuufi jiray, maarkaasaa inta u dhow ee uu muuqdo oo dhami is-taagi jirtay.”Marka uu intaa yidhaahdo ayay calammada yar yari isku yaac-yaacaan, su’aalo ayay isku boobaan:“Garri….bigil….Miyaa maqasheen? Miyaad aragteen?  Hammaa la inoo tumayba. Bal eega Calan-guun badhaadhaha iyo beri-samaadka soo maray.” Markaas ayuu Calan-guun ku odhanayaa: “Iska aammusawaqti loo calaacalaa idin ma dhaafin e’.” Calan yar oo dabayl-xagaadu laba meelood ka dillaacisay ayaa taahaya oo odhanaya: “Waar dillaac kale ayaa igu furmay e’, iga aammusa aan yar laamadoodo e’ (seexdo e’).”
Sidaas ayuu Calan-guun kaga tegayaa isaga oo labada dhaban gacmaha ku haya oo leh: “Hadda waa Madaxtooyadii.” Intii uu calammada yar yar la sheekaysanayay ayaa qaar ilaalda Madaxtooyada ahi ka yar shakiyeen, laakiin markiiba Taliye Maleeg oo ciidanka ilaalada hor-jooge u ahaa oo dhowr habeen oo hore arkay ayaa ku odhanaya: “Waar ka taga waa la idiin yaqaan ninkan odeyga ah e’.”
Ninkii odeyga ahaa ee Calan-guun oo in badan qurbaha ku maqnaa ayaa iskatallaabsaday. Cabbaar markii uu socday isaga oo suuqa ku sii jeeday ayuu midigta yar jalleecay mise waa intaas oo shub ah oo teedsan Madaxtooyada horteeda. Isaga oo cod hoose iskula hadlaya, ayaa wuxu yidhi:
“Oo tolow bahalahan fool-xumadooda, maxay gudaha u gelin waayeen oo deyrkansamaysan ee quruxda badan xagga hore u soo marin waayeen. Xataa dhul ballaadhanoo salaanta Iidda Meey lagu qaato ayaa ka soo hadhi lahaa.”
Wuxu intaa ku daray oo ku sii kabay:“Dadka meesha gala, ka shaqeeyaa ama hor maraa miyaanay fool-xumadan kuus-kuusan arkayn. Sow la moodi maayo in aanu dalkuba ammaan ahayn.”
Intaa marka uu Calan-guun naftiisa kula hadlayo, aayar ayuu tallaabsanayaa. Cali-daad oo baci ku xidhan tahay oo caqliga jeebka ku sita, marka uu doonana la soo baxa oo xaggaa shacabka u sii hoyanayay oo ag marayay ayaa hadalkii ku duulay. Cali-daad ayaa inta uu yar ilko-caddeeyay, Calan-guun ku yidhi:
“Dadka wax dhaadaya ee arkayaa xaggee ayay joogaan sow tan indhihii wax lagu arki lahaa dalqada loo rogay. Miyaanad ogeyn in daamanka oo keliya lala doogsin-cararo oo dadka doocii iyo dareenkiiba laga dilay. Ma waxaan dollar iyo dirham ahayn ayaa maanta la arkaa. Han la doojiyo mooyaan e’, ma cid baa dal iyo dad xusuusata.”
Cali-daad ayaa inta uu shaadhka laacay soo jeediyay Calan-guun oo la yaabban. Ku-ye: “Ma dhawaan baad, adeer, dalka timid waadigan nala yaabban e’. Intii dirindiirta iyo koronkorradu nagu biqleenba, sidan iyo si ka daran ayaanu iska ahayn.”
Sidaas ayay ku kala hoydeen Calan-guun iyo Cali-daad iyaga oo qiiraysan oo midbadhinac u dhaqaaqay iyaga oo hadba dib u soo jeedsanaya oo isa soo eegaya.
Dhammaad 
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories