Home"Dhedo roob noqon weyday” Qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale Qormadii 2aad

“Dhedo roob noqon weyday” Qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale Qormadii 2aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Aafadu halka ay ka socotaa dadweynaha ma aha. Xaashaa Lillaah! Ummadda tan iyo maalintii maamulkan cusub ee aan la mahadin ee saddex jirsanaya la dhisay, wax ka dhaca mooyaan e’ waxba uma kordhayn. Haa oo dafiri meynno in dhismayaal, Biriishkiiba ha ugu horreeyo e’ la dhisay iyo waddooyin shan KM ah oo sidii Gaaraa-bidhaanka hadba mid lagu boodo. Laakiin maye Hay’adihii Qaraan ee yabaalka ahaa ee baxay? Miyaanay hagaasin markii culayska la saaray in la dhiso Hebello iyo qofaf aan Qarankan u dhaamin bal se ka dhaansaday.

Ummaddan la candadowlay ee hoggaanka tallaabada gaabani la ambaday,waa ummaddii sanka ka toshay nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre. Waa ummaddii nabadda iyo dibuheshiisiinta yagleeshay ee ku caano-maashay. Waa ummaddii Geeskan Afrika ka taagtay Qaranka Somaliland. Ummaddii caynkaas ahayd ayaa lala ambaday oo qeyrkeed laga reebay, markaasaa weliba laga rabaa in ay kuwa dunuubtaa ka galay u sacabbo-tunto oo caleemo qoyan ku soo dhaweyso. Weji-ku-macaash ayaa loogu wan-qalay, markaas ayaanay shaashadaha ka dhammaan. Dad marka horeba la yaabbanaa qof nool ayaa muraayad ka soo dhex baxaya oo ka hadlaya, ayaa lagu yidhi adiga naftaaduba ka hadal. Intaas ayay la yaabban yihiin markaasaa lacag iyo arrad-beelna loogu daray. Nin odey ah oo ka mid ahaan jiray halgamayaashii SNM oo ganacsade ahaan jiray oo haatan talax-gabay ayaa laga hayaa: “Weli tan oo kale ma aynu arag. Arrin kasta, dhib kasta oo inagu timaadda wax baa inooga yiil kol ay ku ahayd ridistii Siyaad Barre.

Maanta markii wax walba la isku cayn iyo beyd gooyay, meel Alle yaale meel wax laga soo qabto la garan maayo.” Maalin walba waxa la inagu dirqiyayaa guulo aan jirin in aynu suntanno. Haddii ay siyaasad iyo qarannimo  fig iyo meel sare oo la tiigsado lahaayeen, waynagaa arkaynna halka ay ku dambeeyeen wada-hadalladii. Hoos aan u soo dego oo aynu u nimaadno heeraka hoose iyo licib-siqiirka. Derbiyada dhaadheer ee cas-casi waa guul u suntan xukuumaddan maanta talinaysa, in kasta oo meelaha ay Boostu ka mid tahay ay fiicnaan lahayd in deyrka laga horreysiiyo dhismaha xarunta.

boobe-2

Caqli badani kuma jiro in deyrku ka qurux badnaano daarta uu ku deyran yahay. Waa daar kontannadii ka horreysay. Waa Taar dheer oo Idaacaddii ugu horreysay la dhigay. Waxaan is-leeyahay waa beryihii Radio Hargeysa la odhan jiray Radio Kudu. Waa meeshii labaad ee Idaacad la dhigo siday ila tahay, waxaana ka horreeyay oo keliya bartii Ciidammadii Ingiriiska ee Beerta Suldaanka. Beryahaas Idaacaddu waxay ahayd jitaabo oo taarka ciidammada ayaa la adeegsan jiray. Waa xilli ku beegnaa 1940kii-41kii. Tusaale kale waa laamidan afka laga dhigi waayay ee Madaxtooyada hor marta. Waa waddo qurux badan oo qiime leh, dhinacna ka arradan. Waa tawsta iyo tabaalaha ina haysta ee aad mooddo in aynu gurrac u fekerayno. Waddadii la samee oo si fiican ayaa loo dhigay. Werwerkeeda ayay qabtaa oo habeennadii ayay laamiyada kale soo wareysataa. Waxay u sheegeen in mushkiladda waddooyinku tahay hareeraha furan ee aanay ka xidhnayn biyuhuna ka fagaan ee sidaa ku baabi’iyaan. Sidaas ayay habeen walba walaac ugu seexataa.

Bal hadda sheekadan u yar fiirsada. Qaarkiin ayaa laga yaabaa in ay maaweelo u qaataan. Kheyriyada ka bilow oo bari u kac. Si fiican ayaa loo sameeyay meelihii ubaxa iyo geedaha lagu beeri lahaa. Jaajuur adag oo qurux bandanna waa lagu wareejiyay, haddana dhirtii kuma beerna. Caqliga sami wuxu ku jiray in jaajuurka halkaa laga daayo oo hareeraha lagaga xidho jidkan cusub ee Madaxtooyada hor mara, beertana marka la beero jaajuurkeedii loo dhammaystiro. Jidkan Wadnaha ee cusub oo sidaa u cabanaya, ayaa jidka ku taxan ee galbeed taga ee ka bilaabma leexashada ‘Tiributaariyadu’, hadba ku yidhaahdaa: “Bal ninkaad u tahay,  Iyo Xaaji soo degay,  Saadaasha kugu daray,  Is-na tiisa daymood,”        Waa jidka Jaamicadda Alpha hor mara, xarunta agoomaha ee xaggaa iyo Indho-birta taga. Mararka uu jidkaasi cabanayo waad yaabaysaa. Wuxu ka bilaabmayaa halka ‘Tiributaariyada’ looga leexdo. Intaas oo Macrad ayaa ku taal. Gurigii Mudane Siilaanyo ee hore iyo ‘State House’-ka ayaa looga leexdaa. Guryaha Taliyayaasha Ciidammada ayuu hor maraa: Taliye hore iyo mid dambeba. Intaas oo Jaamicadood iyo hay’adood ayuu hor maraa. Ma hudheelladaa! Lama tirin karayo. Ma Sabaa, Ma Guuleed baa, Summer Time baa.

Hudheellada looga leexdaa: Waa Taaj, waa Safaraai, waa Maansoor, waa ‘Crown’, dee wad uun. Jidadka ugu ayaanka daran ayuu ka mid yahay.  Had iyo goor saxaafadda wuxu ku yidhaahdaa: “Waa nalaga eexday oo xataa laamiyadii ayaan sinnayn.”  Maalin kasta waa u kab-kab iyo xaajiyad yar oo sidda daammur iyo jay la isku qaleeyay oo haddana la isku shiilay. Wuxu ku odhanayaa bal inta laami la sameeyay ee aan cidi marin eega intii aniga la I kab-kabayay. Wuxu ku cawdaa: “Ma gaadiidka I mara ayaan dan laga lahayn, bal eega xaafadaha qaarkood laamiyada laga dillaaciyay ee aanay cidina marin.” Marka uu sii cadhoodaba wuxu xusuustaa inta goob muhiim ah ku taal ee aanay cidina waxba ka qaban. Markaasaa wuxu u calaacalaa tabtii warabihii la sheegayay ee laga guntay: “Ma reydabta ayaan reydabtii ahayn, mise rimay-ka-soo-dhacdii ayaan run sheegayn.” Si ay dhallinyaradu u fahamto, waa sheeko laga soo weriyay waraabe.

Goor fiid ah isaga oo reer miyi deggan dul taagan ayaa gabadh yar la weydiiyay awrkii reerka halka ay ku og tahay. Waxay ku jawaabtay in uu joogay geedkii Reydabta ahaa. Waraabihii intaa markii uu maqlay ayuu orod jeenyaha laabtay. Reydabtii ayuu tegay, awrkii ayuu ka waayay, ka dibna maah-maahdan ayaa laga reebay. Laamidan aynu ka sheekaynaynaa tabtaas ayay u calaacashaa: “Ma anigaan laammi ahayn, mise dhulkan aan maraa baan dhul ahayn.” Ma laga yaabaa in aad rumaysan weydaan, laammi ayaa hadashay. Sow ti Gaarriye Maansadiisii Tanaad ee 1972kii ku lahaa:

 

(La soco…………………..)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories