HomeDHAYALSIGA SOMALILAND IYO HUB-URURSIGA DAWLADDA MUQDISHO

DHAYALSIGA SOMALILAND IYO HUB-URURSIGA DAWLADDA MUQDISHO

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Maraykanka Colin Powell ayaa waxa uu u sheegay guriga cad ee Maraykanka hadalkan hoose:

Collin Powell: ” A dream doesn’t become reality through magic;it takes sweat,determination and hard work”-

Collin Powell:”Riyadu run kuma noqoto sixir;waxa ay u baahantahay in loo dhidido,la qaato go’aan adag iyo in laqabto shaqo adag”.

Somalia waxa saaran cunoqabatayn,laakiin beesha caalamka ayaa waxa ay ku mashquulsantahay la dagaalanka ( Covid-19),waxa kale oo run ah in beesha caalamka aanay isku mashquulin siyaasadaha guracan ee Africa sida uu sheegay Jim Moore oo Africa uga soo warama New York Times.

Madaxweynaha Maraykanka Donald J.Trump ayaa isna aan muhiimad siin wadamada Afrikaanka ah ee dimuqraadiyadda ay ka jirto iyo wadamada aan ku dhaqmin dimuqraadiyadda ee ku yaala qaaradda Afrika.

February 29,2020 ayaa ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhiga ee Soomaaliya warqad ay ugu mahadcelinayso dalka Masar oo ku caawiyey hub casri ah Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay ka codsataa wadan kasta oo ay xidhiidh yeeshaan in ay ka caawiso militarigooda,kamana xishooto jawaabta ka imanaysa wadanka ay weydiisanayso hubka.

Dhinaca kale, Somaliland ayaa u aragta wax laga xishoodo in ay hub cusub weydiisato wadamada booqashada ku yimaada Somaliland.

Waxa kale oo jira wadamo ku yaala bariga Yurub oo wadamada Africa ay ka soo iibsadaan hubab casri ah si ay u ilaaliyaan awoodooda dawladnimo.

Sida aan maqaal hore ku soo sheegay Soomaaliya ayaa waxa ay kiraysatay laba shirkadood oo laga leeyahay dalka Israel kuwaas oo u fulinaya Soomaaliya dhamaan siraha ay u baahanyihiin.

Sidoo kale Somalia ayaa hore u kiraysatay (Blackwater) oo hadda loo yaqaano (Academy) oo uu madax ka yahay Eric Prince.

Qorshaha Somalia ayaa ah in marka ay dhamaan gacanta ku dhigaan xogta Somaliland (Somaliland Data) ay markaas weeraraan Somaliland.Sida aan hore u sheegnay (UNFPA) ayaa u gudbisay xog badan oo ku saabsan Somaliland.Maqaalkaas ayàan ka faaloonay saddex bilood ka hor.

Hubka ay Masar siisay Somalia ayaa waxa ka mid ah qoryaha ( Sniper ) oo aad toogan karto askari kasta,adiga oo adeegsanaya diiradaha ku yaala qoryahaas iyo RPG ah nooca cusub.

Madaxweynaha Somaliland ayaa looga baahanyahay in uu shir adag u qabto Wasaaradda Difaaca Somaliland uuna ku dadaalo in uu hub casri ah ka soo iibsado wadamada Iran iyo bariga Europe.

Michael Fleshman ayaa sheegay in Qaramada Midoobay aanay ( track ) raadraac ku samayn karayn wadamada Africa,maadaama ay soo bateen wadamada dhaca bariga yurub ee iyagana iibiya hubka casriga ah.

Waxa jira dood ay qabaan dadka Somaliland oo sheegaysa in ay markasta dagaal kaga adkaanayaan xukuumadda Muqdisho,maadaama ay ka adkaadeen xukuumadii Siyaad Barre.

blankShaki kuma jiro in SNM ay ka adkaadeen xukuumadii Siyaad Barre ayna sabab u ahaayeen in ay burburto xukuumadiisa,laakiin markaas ma ay jirin ( data ) laga xadaayay Somaliland oo ( UNFP ) ay gaynaysay Somalia, marka laga yimaado dayuuradaha iyo taangiyadana,labada dhinacba waxa ay ku dagaalamayeen ( AK47 ).

Hadii Madaxweynaha Somaliland uu sii wado siyaasadda ah in uu ka xishoodo in uu hub weydiisto wadamada ay saaxiibka yihiin ama wadamada danaha gaarka ah ka leh Somaliland ayaa waxa aan markhaati ka noqon doonaa Somalia oo aan ka talin Somalia,maadaama Alshabaab ay tahay awood adag,laakiin isku fidinaysa gudaha Somaliland,iyada oo ay caawinayaan hubka casriga ah.

Soomaalida waxa ay ku maahmaahdaa ” Nimaan hadlin hooyadii wax ma siiso”,sidoo kale Somaliland waa in ay dhagaystaan xogaha ay hayaan dadka aan ku jirin dawladda Somaliland,kuna nool wadamada udhaw iyo wadamada ka fog Somaliland.

Sidoo kale Somaliland waa in ay sharciyo adag ka soo saaraan ( NGO ) yada ku sugan Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

 

Waxa Qoray: Ahmed Aadam

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories