HomeDhaxalkii Askariga! Qaybtii Afraad

Dhaxalkii Askariga! Qaybtii Afraad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qaybtii saddexaad waxa ay inoo joogtay reer Libya oo kacdoon kaga hor-yimid taliskii Mucammar Al-Qaddaafi, qaybtanna halkii ayaa ay ka shidaal qaadan doontaa.

 Inkasta oo ay yaab iyo af kala qaad ku noqotay Qaddaafi dhacadadani, oo aanu kaba filaynba in ay shacbigiisu ku kici doonaan (quudhsi awgii ma uu rumaysnayn rabitaanka shacbigiisa), hadana markii ay dani u run sheegtay, waxa ay ku kalliftay in uu adeegsado xoog iyo xeelad wixii uu hayey, si uu u joojiyo kacdoonkaas. Tusaale ahaan, sida uu shacbigiisa u quudhsanayey waxa ku tusaya: kadib markii uu kacdoonku bilaabmay, ayaa waxa uu Qaddaafi ku sheegay dadkii kacdoonka waday in ay yihiin “Khamriiyaal, ajaanib iyo qaar dalkooga khiyaamay”. Kadib markii uu xaalku adkaaday, Qaddaafi waxa uu adeegsaday awooddii ciidankiisa oo aanu waxba la hadhin, waxa uu soo kiraystay calooshooda u shaqaysteyaal shisheeye ah, kuwaasi oo iyagana uu u soo diyaarsaday xasuuqa shacbigiisa, halkaasi oo ay si weyn uga soo if-baxday damiir xumada iyo axmaqnimada Qaddaafi. Inkasta oo aan la difiri karin in ay faro-gelin shisheeye qayb ku lahayd kacdoonkii Libya, hadana waxa sida weyn kacdoonkan u caawiyey waxa ay ahayd arxan darradii Qaddaafi.

Kadib markii uu kacdoonkii isku bedalay gacan ka hadal, ayaa waxa ay labadii dhinac ee iska soo hor-jeeday dagaallameen muddo bilo ah, kadibna waxa dagaalkaas si toos ah u soo galay diyaaradaha gaashaan buurta NATO, kuwaas oo duqeeyey fadhiisimihii ciidamdii Mucammar Al-Qaddaafi, isla markaana daciifiyey awooddiisii Millatari. Ugu dambayntii, bishii August ee sannadkii 2011-kii ayaa ay mucaaridku qabsadeen magaalo madaxdii dalka Libya ee Tripoli, waxaana ay baacsadeen Qaddaafi iyo kooxihii daacadda u ahaa ee ka bar-bar dagaallamayey. Geba-gabadii, sida la sheegay, Qaddaafi oo la socda kolonyo baabuur ah ayaa ay weerareen ciidamadii cirka ee dalka Faransiisku, kuwaasi oo ku dhaawacay halkaasi, ugu dambayntiina ay kooxaha mucaaridka ahi gacanta ku dhigeen Mucammar Al-Qaddaafi oo dhaawac ah, halkaasna ay ku dileen taariikhdu markii ay ahayd October 20, 2011-kii. Halkaasna waxa ku soo gebo-gabawday noloshii kaligii-taliyaha!

Dalkii waxa uu kaga tegay bur-bur, dadkii waxa uu kaga tegay khilaaf, dawladnimadii waxa uu kaga tegay baaba’, waxaana uu god madaw ku riday wada-noolaanshihii, is jacaylkii iyo wada-jirkii umadda reer Libya, waxa uu u loogay cadaw shisheeye iyo mid sokeeyaba, waxaana uu dalkii ku jiraa xaalad fawdo ah il-bidhiqsiyada aan maqaalnkan qorayo. Waxaa bilaabmatay qoxoontinimo, gaajo iyo macalluul, dagaal iyo xabad, iyo boqollaal dhibaato oo aan la soo koobi karin. Wax kale iska dhaaf, oo Mucammar Al-Qaddaafi waxa uu burbur u soo jiiday magaaladii uu ku dhashay ee Sirte, taasi oo ku taalla koonfurta dalka Libya. Markii la dilay, waxa magaaladaasi ka dhacay bur-bur ay dhulka la gashay, qoxoonti iyo baro-kac laxaad leh. Kaasina waa dhaxal kale oo askariga laga helo! Allahayow isku ekaa dhaxalka askartani!

Mar hadii aynu isla garanay in aan askariga hoog mooyee hagaag laga dhaxlin, bur-bur mooyee badhaadhe laga dhaxlin, maxaa laga filan karaa, askariga musharraxa madaxweyne looga dhigay xisbiga Kulmiye, hadii uu hogaaminta dalka ku guulaysto. Inkasta oo aanan dafirsanayn muhiimadda iyo qiimaha uu askarigu u leeyahay bulshada, iyo abaalka uu mudanyahay in loo gudo, hadana markan waxa aan ka hadlayaa waa marka askariga loo dhiibo talo ummadeed iyo hogaaminta dawladnimo, ee laga kaxeeyo shaqadiisa u gaarka ah ee uu u diyaarsanyahay. Ugu horrayn, bal aan soo qaato erayo uu leeyahay abwaanka Soomaaliyeed ee Maxamuud Cabdullaahi Singub, erayadaas oo ku jira tixdiisa“Daacad” waxa uu ku yidhi mar uu ka hadlayey bal in askari lagu aamini karo talo ummadeed:

Weligii ma daahiro askari, waa damiin falane

Waanuu kaba ducaystaa qofkii, diinta caabudaye

Dunidu maamul uma dhiibatiyo, meel dad joogaba’e

Dibadaa la geeyaa cidlaa, lagu dugaalaaye

Darbi adag hadaan lagu xannibin, daaha soo furaye

Xakamaa dalqaha loo dhigaa, lagu daweeyaaye

Wuxuu dallaayad ugu boodayaa, waa dagaal gala’e

In la dilo, inuu dilaa, loo diyaarsadaye

Mana dallaco hadaan faraha, dhiig uga danuunayne

Daacadow hadaad aragto, waa inaydun diidaan

Hadii ay noqoto xeelad dagaal iyo xaalad colaadeed, Muuse Biixi waa nin si fudud uga dabbaalan karaya, isla markaana ka soo qayb qaatay dagaallo waaweyn oo dalka hore u soo maray. Muuse Biixi waa geesi goobaha dagaalka caan ka ah, kaasi oo aanu wadnihiisu galawda aqoon, naftiisuna aanay dib u gurashada baran. Waa halyey markii ay xaaladu adkaatay, ee uu fulaygu goob uu ku dhuunto raadinayey, isagu duhur cad u badheedhay in uu ka muuqdo goobaha ay rag foodda isku dareen, waa sooma-jeeste aan ogaan halka dambe waxa ku xiga, marka ay xaalad dagaal tahay. Hadaba, dhammaan sifooyinkani waa sifooyinkii askariga, marka la joogo goobaha ciidankana, waa sifooyin dhammaantood ammaan mudan, balse marka ay noqoto hogaamin ummaddeed, dhammaan sifooyinkan ammaan laguma mutaysan karo, oo qaarkood ayaa halaag keeni karaba.

,Maantana halkaas ha inoo joogto, waa inoo qaybo kale oo xiiso leh…….

Allaa mahad leh.

Qalinkii: Maxamed Sharma’arke (Hisoori)

Sharmaake91@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories