HomeDhaxalkii Askariga! Qaybtii 7aad

Dhaxalkii Askariga! Qaybtii 7aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waa taxane daba socda qoraalladii hore ee aynu kaga hadlaynay saadaasha hogaamineed ee gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi ma leeyahay bisayl siyaasadeed:

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi waa nin banaanka ka jooga dhammaan nooc kasta oo ay diblamaasiyadi tahayba, waa nin aan weligii ku hadlin eray ay ka muuqato bisayl siyaasadeed, waa nin u haysta in ay wax walbaaba xoog yihiin, waana nin aan saadaalin karin geesta ay u socoto dabaysha siyaasaddu iyo geesta ay ka timidba, sidaas awgeed waa nin iska dul heehaabaya bad-weynta siyaasadda, isla markaana dabayshu habda dhinac u qaadanayso. Muuse Biixi waa nin aan la dhaqmi karin xaaladaha kala duwan iyo wejiyada badan ee siyaasadda. Hadii uu galo aqalka talada dalka, waxa aan ogahay marka ay siyaasaddu dhaafto intii uu garanayey, in uu aanteenku ka dhici karo Muuse Biixi, dalkana huq weyn kaga guuri karo.

Ammaanada iyo Muuse Biixi:

Sifaadka laf-dhabarta u ah hogaamiyaha iyo hogaamintiisa waxa ka mid ah ammaanada, taasi oo keensanaysa in uu shacbigu kalsooni buuxda ugu deeqo hogaamiyaha ammaanada leh.

Inkasta oo aan Muuse Biixi weli loo dhiibin xilka ugu sarreeya dalka ee madaxtinimo, hadana waxa jira astaamo badan oo muujinaya ammaano la’aanta Muuse Biixi. Tusaale ahaan, Muuse Biixi waxa uu taageero weyn u muujiyey ficil kasta oo ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo sida sharci-darrada ah ugu boobtay hantidii dalkan iyo dadkaniba lahaayeen, iska dhaaf in uu ka soo hor-jeedsadee, waxa uu in badan isku dayey in uu dabool saaro fadeexadaha musuq-maasuq ee ay xukuumadda Siilaanyo ku kacaysay qorraxdii dhalataba. Muuse Biixi waxa uu u dhaqmay sidii qof aan dan ka lahayn in uu cod ka helo ummadiisa. Waxaana uu hadh iyo habeen difaac la hor istaagay xukuumadda Siilaanyo iyo hogaamintiisa wada deel-qaafka ah. Tani waxa ay ku tusinaysaa in uu Muuse Biix ku raaxaysanayo dhaca iyo boobka lagu hayo hantida umadda, isla markaana uu raalli ka yahay. Mar hadii uu raalli ka yahayna, waa hubaal in uu isaguna u dhaqmayo qaabkan iyo ku ka sii daranba. Halkaas ayaanu Muuse Biix ka joogaa ammaano iyo warkeegaba.

Daacadnimada iyo Muuse Biixi:

Daacadnimo-darradu waxa ay keentaa hogaamiyaha oo noqda mid aan la aamini karin, mid dalkiisa cadaw ku noqda oo baabi’iya. Daacadnimo-darradu waxa ay keentaa in uu hogaamiyuhu noqdo mid beenaale ah oo ballanka uu qaado aanay cidi isku hallayn karin. Daacadnimadu, waa udub-dhexaadka hogaamiye lagu dooran karo.

Beenta waxa keena daacadnimo-darrada iyo munaafaqadda. Adigoon meel kalaba tegin, Muuse Biixi waa ninkii shirkii 5-aad ee golaha dhexe ee Kulmiye kadib markii Musharraxa loo doortay ka dhex yidhi: “Waxaan uga mahad-naqayaa saaxiibadayda tudhaale ahaanta iyo xigaalnimada iigu daayey tar-tankii doorashada!”.Ilaahay dartii ma u yaabtay, ma aragtay BEENTA intaas le’eg, bal sheeg wax lagu qiyaaso adigu! Hadaba beentaas waxa keentay daacandimo-darro ku jita Muuse Biixi uurkiisa.  Muuse Biixi lama yaabayo oo itaalkiisa waxa uu is lahaa wax soo korodhso, balse wax buu is yeelay, oo sharaftii ayaa uu iska xayuubiyey duhur cad. Ma maqli jirtay: “Hibo uu eebbe ku siiyey, habeen la iskama qaado!”. Muuse Biixi daqiiqado kooban ayuu iskaga qaaday hibadii. Waana lama-degaankaas, halka uu Muuse Biixi ka joogaa daacadnimada.

Dul-qaadka iyo Muuse Biixi:

Maadaama oo uu hogaamiyuhu dusha ku rartay mas’uuliyadda ballaadhan oo ka dhaxaysa dad kala duwan, waa in uu la yimaaddo dul-qaad iyo dhibirsanaan baaxad leh, isla markaasna waxa waajib ku ah in uu yeesho laab ballaadhan oo aan cidhiidh ahayn, taasi oo xambaari karta wax kasta oo ka soo yeedha dadkiisa, isla markaasna dul-qaad u yeelan karta. Marka aynu u nimaadno Muuse Biixi, waa nin dulqaadka sabool ka ah, kaasi oo ka qatan gebi ahaanba sifada dulqaadka iyo u debacsanaanta dadka. Guddoomiye Muuse Biixi, waa nin caan ku ah sifada gacan ka hadalka, kaasi oo aan awood u lahayn in uu u dul-qaato aragtida ka soo hor-jeedda ee naqdiyaysa. Tusaale ahaan, Khilaafkii dhex maray Muuse Biixi iyo Siilaanyo, waxa si weyn looga dheregsanyahay hadalladii siyaasadda ka baxsanaa ee uu Muuse Biixi dariiqyada la taagnaa, waxa kale oo jiray falal amni darro oo ka dhacay magaalada Hargeysa, kuwasi oo illaa iyo maanta si weyn loogu tuhmayo gudoomiye Muuse Biixi. Muuse Biixi waa nin xasaasi ah oo leh laab cidhiidhi ah, kaasi oo aan u dul-qaadan karin waxyaabo fud-fudud oo dadka caadiga ahi aanay waxba ka soo qaadin. Waa nin aan garanayn xeer iyo xikmad, isla markaasna xalka u yaqaanna xoog iyo xabad. Waa nin dumin kara, amaba ugu yaraan xaalad fawdo gelin kara dalka, dul-qaad yaridiisa awgeed!

Filo qaybo kale hadii ilaahay ogolaado………

Allaa mahad leh.

Qalinkii: Maxamed Sharma’arke (Hisoori)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories