HomeDHAXALKA; WADA-TASHI IYO TOOSINI; WAA XASILOONI IYO HORUMAR

DHAXALKA; WADA-TASHI IYO TOOSINI; WAA XASILOONI IYO HORUMAR

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Qaybtii hore, waxa aynu ku falanqaynay; XUMAHA UU SABABO, WADA-TASHI IYO TOOSIN LA’AANTU. Dawladdu, (Baarlamaanka iyo Xukuumadda) xil bay qaadeen, ummaddu u dooratay, oo ay tahay in ay Dastuurka iyo sharciga Dalka ku saleeyaan xil gudashadooda. Sidaa darteed waa adeegayaal hawlaha Ummaddu u igmatay. Ma aha wax ay gaar u leeyihiin. shakhsi iyo wadar ahaan ba.

Xilkaasi waa mid la wado ilaashanayo, oo hareeraha laga wada joogo. Waa mid ay deef; mushahar iyo xuquuqba ku leeyihiin. Xilkii aan idiin-dhiibanay, xaalkiisa nooga warama iyo halkaa ka toosiya, waa arrin ayna ka muquuran karayn. Xubinta ay sidaasi la xumaato ee u qaadata wax uu gaar u leeyahay, albaabka BIXIDDU wuu u furan yahay.

ina xaashi

Dadweynuhu xaq buu u leeyahay inuu ilaashado, cashuurta uu bixiyo iyo waxa loogu qabto. Qaybtii hore waxa aan ku xusnay, ADDUUNKA LA LUNSADAY, into ahaa.

Qaybtan waxa aynu ku lafaguri, waxa adduun kaasi u go’yn lahaa dadka J.S.L. Hadda ba aan tilmaamo ka bixinno, Mashaariicda lagu fulin kari lahaa $ 91,116,377 ee La lunsaday, shaqona laga kasbi lahaa; Haddii aan soo qaadanno dhawr mashruuc, kuwo ka haboonina way jiri karaane, oo horumarka dalka iyo daryeelka Dadka loga fa’idayn lahaa, sida;

1. Biyaha oo ah nolashii, Waxa lagu dhis lahaa 114 balay (Dam} midkii ugu yaraan, qaado 40,000 m3. Kuwaas oo casri ah, oo lagu goglo “Plastic sheets”. mugga ay qaadaan yahay; 5,700,000m3. Waxa la tiigsan lahaa, in aan biyo inagaga dhicin badda. $ 40,000,000 2. Irrigation lagu ilaaliyo nabaad-guurka iyo kor u qaadka wax soo saarka beeraha iyo Nafaqaynta xoolaha; $ 10,000,000 3. Kaluunka; 43 Doonyood, oo waaweyn oo baraf dhaliya. Loona kaashado ilaalinta khayraadka badda ee shisheyuhu gurto; $ 15,050,000 4. Caafimaadka; Qalabaynta Cusbataalada iyo tayeynta kal-kaaliye caafimaad $ 5,000,000 5. Waxbarashada ; technical colleges iyo science labs; $ 10,000,000 6. Waxa aan soo dejinaa, dhar (ready-made) ah.Taba-bar

dawaar, qalab iyo dhar, si shaqo abuur dumar iyo ragba loogu sameeyo; $ 2,000,000 7. Sidoo kale kabaha; $ 3,000,000 8. Xoolo dhiqid, si ayna u tafiir-go’in; $ 6,066,377 Isugeyn Guud: S 91,116,377

9.Waxa intaa lagu kordhin lahaa, warshadda sibidhka ee Berbera oo; 51% Dawladdu la haato, 49% shares dadweynaha laga iibiyo, Shaqo iyo nacfi ba waa laga kasbi lahaa. Waa xaaraan in ay tiro yar u xidhnaato. Faa’ido iyo Shaqadii laga heli lahaa.

Waxa horumarka Dalka hortaagan ee la miciinsadaa maanta waa QABIIL. kaas oo lagu lumiyo adduun badan oo Dalka lagu dhisi lahaa, dadweynahana lagu Daryeeli lahaa. Waxa aynu qaybtii hore ku soo xusnay tirada wasiiradii Rayaale, 56 wasiir iyo inta loo baahan yahay oo ah: 15 wasiir ama ka yar, cuqaasha oo ah:1,142. Inta loo baahan yahayna tahay, 361 caaqil oo ah Kuwa magaha, si loogaga fa’idaysto diiwaan-gelinta “Civil Registration”. Dad badan oo aan dawladda u shaqayn ama aan xil u hayn oo mushahar la siiyo, afmiishaar, Telefishinada iyo jarai’d ka oo laga laaluusho in ayna, sheegin dhaliilaha Xukuumadda.

 

Hadda ba maamulkaa qaloocda dhaxalkiisu waa: Aakharo seeg, ceeb iyo magaca xumo iyo dalka oo bur-bura. Sidii hore ba u dhacday. Xaqiiqdu waxa ay tahay, dantuna ku jirtaa TALO WADAAG iyo IS-TOOSIN EEBE HA INAGU HANUUNIYO TUBTA TOOSAN AAMIIN.

 

ALLAA MAHAD LEH

Eng Maxamed Xaashi

26 Nov.2013

 

FIIRO GAAR AH: Falanqaytii maamulkii Madaxweyne Rayaale qaybtanaa u dambaysa, Maamulka madaxweyne Axmed Maxamed waxa lagaga hadli dood-cilmiyeedka Qaran ee dhowaan la qabandoono. H.A. I.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories