HomeDhaxalka Buugga Haaneed - Qaybta 2aad

Dhaxalka Buugga Haaneed – Qaybta 2aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Gabayga aad ka akhrisato buuggani waxa uu kuu gudbin doonaa maanso, maansaduna geeraar, geeraarkuna hees hawleedyo iyo halo kaloo badan oon halkan lagu soo koobi karin!

Waa buuggii labaad ee lagu soo bandhiggo qaybo ka mid ah sugaantaa Abwaanka.

Waxa uu buuggu ka warramayaa “Dulmidiidka” iyo daryeel la’aanta bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxa uu cidkasta kala hadlyaa hawsha u taala iyo ta u imanaysaba. Ummadda oo dhan ayuu si gaara iyo guudba ula hadlayaa. Waxa uu cidkasta u tilmaamayaa masuuliyadda hortaala iyo waxa la gudboon.

Hibada, hal-Abuurka iyo hawraarta  hodantinimadu ku duugan tahay ee Axmed Aw Geeddi maaha mid xaashi iyo kuwo kale lagu qori karo balse waa badweyn aad marba meel ka istaagayso!

Dhiganahani wuxuu ku dhaxalsiinayaa inaad ku fikirto noqoshada qof lagu soo hirto oo dadku kaga daydaan wanaagiisa. Mid lagaga daydo  tirtirka saddexda madaw; Qabyaaladda, Aqoondarradda iyo Saboolnimada. Sidoo kale hawlgal iyo halgan nololeed, nabadayn iyo naruuro ifaysa, waddaniyadda iyo wehelka waddanka.Waxaa taasi sii dheer barashada deegaanka iyo dhaqanka guud ahantii, barashada siyaasadda iyo saldhigga wacyigelinta ummadda. Haaneed wuxuu ka kooban yahay 10 qormo, tobankaas qormo waxaa ka mid ah

  1. Maansooyin halgan iyo dulmi diid
  2. maansooyin cirbaxay iyo halmuceedyo
  3. Qunbe malabiyo tixo qubane ah
  4. Tix carceertiyo dhaliil tolmoon iyo maansooyin riwaayadeed

Maxaa loogu bixiyey buugga Haaneed?

“Hasha laba nin baa lisa. Ninka dhiilka haya ayaa haaneedka taagan. Waa dhinaca mudan ee hasha laga joogsado. Timacadde waa kii lahaa, ‘Haaneednay Maandeeq Ilaah nama hungeysiine’. Halbay kalmaddaasi markii hore ku saabsanayd, markii danbena hal’abuurku gobannimadii bay u adeegsadeen. Gabayga laftiisuna wuxu kala leeyahay ‘Haaneed’ iyo ‘Miskeed’, oo waa in la haaneedo oo dhinaca tooska ah la iska taago. Ibraahin-Gadhle ayaa waxa uu yidhi: ‘Maansada abwaanoow, haaneedka mooyee, yaan miskeedka laga gelin!. Markaa magaca ‘Haaneed’ ee buuggani waxa uu u taagan yahay in suugaanta xagga toosan ee bulshada wax u taraysa laga galo oo la iska taago”.  Axmed Iid Aadan

blank

Dhiganahan waxaad kala kulmi doontaa mahadhada xilliga iyo sawrirro xasuus mudan, oo mid kastaa maalin gaara iyo ujeedkiisa lahaa. Dhiganahan waxaad ka dhex daawanaysaa in suugaanta abwaan Axmed Aw Geeddi ay leedahay Baadi-Sooc  u gaar ah, isla markaana kaga duwan tahay suugaanta kale ee abwaannada.

Maansooyinka dhiganahan ku diiwaan-gashan waxaad ka dheehanaysaa aqoon aad u baaxad wayn, isla markaana ka miisaan wayn inta aad ka baratay. Buugga waxaad ugu tegi doontaa maansooyin duluc keli ah koobsanaya sida; “Shahiid dirir”, “guur”, “abaydin abaydin dhalay”, “indha daalis”, “dadku waa ilmo aadan”, “geyaan” ,“waa carruur”, “yaan iblays fooqyo kaa ridin” iyo qaar kaloo badan. Maansooyin arar kooban sida; cirjiidh, dhiigmaydh iyo roob doon. Maansooyin dulucdoodu ka mugwaytahay oo ay badan tahay isla markaana ujeedooyin badan midaynaya sida;  Himilo iyo jiiftada garbadiir. Maansooyin dulucdoodu dedan tahay sida kordahab iyo hiddasan.

Maansada Kordahab waxay noqotay intii aan akhrisanayey dhiganaha Haaneed maansadii iigu yaabka badnayd, waa maanso qoto dheer oo miisaan mug wayn xanbaarsan waanay ka magac iyo muuq dheertahay maansoyinka kale. Sidoo kale waxa loo rogay (turjumay) Af-Ingiriisi.  Dahabo-Cadar, Deeqa-Ladan, doobir badan, damal hadhwayn, dumar-u-roon, diric-kalkaal, deris ma-dhiba, Sama dugsada, daacad dhaba, gumaro dihin, dawlada qaran, aragti dheer,xishood qurux, dulqaad iyo dad jacayl. Intaas oo magac ah ayuu abwaanku u bixiyey maansada kordahab oo u gaar ah iyada.

Meelo badan ayuu abwaanku ka tiriyey Kordahab. Maansadan aqoonyahanno badan ayaa gorfeeyey sida; Maxamuud Sh. Axmed Dalmar iyo Kamaal Axmed Cali. Waxa uu sheegay Sh. Dalmar in  Kordahab meelna lagu cayimi karin, arrintan waxa uu sii daba-dhigay oo uu yidhi” Waxay tilmaamaysaa shayga quruxda la yidhaahdo oo mar gabadha uu Kordahab u bixiyey Axmed, marna dabeecadda dhulkeenna ee hilaaca, roobka, gudgudaha, caleemaha iyo quruxdii oo marba si gooni ah loo sifaynayo. Mar kale suugaanyahanka, murti-dhaadhiga ama dhaqanruugga soomalida waxa lagu yaqaan in ay maansadoodu dhawr sifo yeelato oo sidii ninkii yidhi,” muruqa laba suulle nin ba si’ la ah.” Iyaga oo dushaa la moodayo in ay inan (gabadh) ka hadlayaan ay haddana wax ka gun dheer ama ka qoto fog ka hadlayaan.

“Maansada Kordahab waa dugsi cusub oo Ibofur u noqon kara in gabayga Soomalidu uu hannaan kii hore ka duwan u cabbiro caashaqa” Kamaal Axmed Cali.

Kamaal isaga oo si qoto dheer inooga sheekaynaya maansada Kordahab waxa uu yidhi,”Maansadan Abwaan Axmed Aw Geeddi, marka laga tago qaabka cusub ee uu jacaylka u soo bandhigay, waxaa u dheer in uu si aqoon iyo waayo-aragnimo badani ku dheehan tahay isugu xidhayo deegaankii, hiddihii iyo dhaqankii hore oo dhan ah iyo noloshan casriga ah ee teknoolajiyadda iyo hannaanka dawladnimo u adeegaysata dhinacyada kala duwan ee nolosha oo dhanka kale ah.”

Waxa uu intaa ku daray Kamaal, marka laga tago hal-abuurnimada abwaanka ee ka muuqata maansadan Kordahab iyo qaabka xiisaha badan ee ay gabayga ugu xidhayso nolosha casriga ah, waxa keliya ee ay mudan tahay waa in hal-abuurka hadda jooga iyo suugaanyahanku ay u aqoonsadaan kacaan cusub oo dib u cusboonaysiinaya suugaanta Soomaaliyeed si ay ula jaanqaaddo

Aynu soo qaadaynno qaybo kooban oo ka mid ah Maansada Kordahab:

Illayn waa Dahabo-Cadar

Illayn waa Deeqa-Ladan

Illayn waa Doobir269 badan

Illayn waa damal hadhwayn

Illayn dumar-u-roon

Illayn waa diric-kalkaal

Illayn waa deris ma-dhiba

Illayn waa samo-Dugsada

Illayn waa daacad dhaba

Illayn waa gumaro270 dihin

Illayn waa dawlad qaran la yidhi,

Calan bow deldelan

Debkeedaan abid bakhtiyin”

 

Suuraaf271 baa kuu duddee

Dabbaal 272 iyo maaha nacas

Demmeni weli laguma xaman

Waxaan looba duurxulayn274

Haddaa hadalka u deddaan

Diirkay xaajada ka garan

 

Dugsey waalidkeed u tahay

Dadkiyo gacalkaa ku hiran

Deeqdiyo quudkay275 hurtaa

Docdeedana laguma qado

 

Xishood bay dayratoo

Duryan iyo dawshad iyo

Dibnaha hiif kama taqaan

Dulqaad baa lagu sedoo

Dhib iyo dibindaabyo ma leh

Darmaan weeyaan cuddoon

Daahiyad276weeyaan dhabeela277

Ma doonto wixii la diiday

Ma diido wxii ku daw ah

Intii dumar loogu xilan

Dadnimo Rabbi bow dhammeeyey

 

Badh baa dibadaha maree

Iyadu dalandool278ma dhigin

Dibood iyo meel xun jog

Absuga279waa looga digay

Dardaaran fog bay qabtaa

 

Cirkoo wada dedan habeen

Sidii Dayax heel ka mudhay

Iftiinkii daaliciyo

Hillaacii dunida miray

Haddaad roob soo da’iyo

Idinku dirir moodayseen

Nuurkii Deequu ahaa

Niqaabku markuu ka duulay!

 

Haddii tartan daawashiyo

Inuun qurux lays dalbado

Laxaha280 daanshoonayiyo

Hadday Dayaxa iyo Cadceeddu

Dhammaan soo wada degaan

Digtoodiyo halalacooda

Kordahab baa shiikhin layd!

 

Diyaarado lala hayiyo

Abboolaha samada degay

Diiradda cirbixiyeenadiyo

Waxaa Satalayt la diray

Hibay deydeyi yahaan

Haldoorkiyo duub intii leh

Intii hanad lagu dabqaato

Dunjiga madaxwaynayaasha

Amaba Dibitaati caana

Darteed bay suuxsan yiin!

 

Deebalaha geel iyo gammaan

Daas282 iyo lacag iyo qadhiidh283

Dirhamka soof284lagu gatiyo

Amaba demesh285 iyo xariir

Duunyadu meherkeed ma goyso

Haddii calaf laygu daro

Diintaan ku nikaaxi laa

Fiiro gaara:Maansadan oo dhammaystiran, sharaxeeda iyo waxa laga yidhi ugu hagaag buugga Haaneed, boggiisa 151-169

La soco qaybta danbe hadduu Alle idmo.

 

Faadumo Buuni

Hargeysa, Somaliland

libaaxo.77@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories