HomeDharaaro Xusuustood W/Q: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 31aad

Dharaaro Xusuustood W/Q: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 31aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

‘To be or not to be that is the question’

‘Ahow iyo ha ahaan arrinku weeyaane’

William Shakespeare (Hamlet)

Macno maleh aduunyadu

Haddaan magac ka reebayn eh

Maxamuud Ismaaciil Qasim

William Shakespeare oo noolaa sannadihii (1564 – 1616), waxa uu ahaa gabayaa Ingiriis ah oo Riwaayadaha alifa. Tuducan ayaan ka soo qaatay Riwaayaddiisa caanka ah ee la dheho Hamlet. Waxa riwaayadihiisa loo tarjumay 80 af oo dunida lagaga hadlo, balse weli af Soomali looma beddelin ilaa hadda waxa laga dhigaa Riwaayadahaas Adduunyada cidhifyadeeda oo dhan iyaga oo lagu masilayo afaf kala duwan oo dad midabo kala duwan ay jilayaan.

Prof-Gees-2Cidina si sahlan u garanmayso madaxdii xukuumaysay Dalka England markii Shakespeare noolaa! Waar bal day akhristaw!! Guushu madaxnimo ma aha ee meelo kale ayey ku jirtaa. Boqol sanno ka dib cidina ma xasuusan doontu Madaxweyneyaashi soo maray Somaliland. Haseyeeshee, waxa la aqoon doonaa oo la akhrisan doonaa oo la dhegaysan doonaa Heesaha iyo Riwaayadaha ay curiyeeen Abwaanndu sida Axmed Saleebaan Bidde ee ay ka mid ahayd Ruwaayaddiila odhan jiray Wejiyaal is-xasuustaa; ee ay Heestani ee ay qaadaan Kinsi Xaaji Aadan iyo Cabdillaahi Cumar Xarago beydkeeda hore iyo kiisa u dembeeya oo ay ka mid ka ahayd;

Wejiyaal is-xasuustaa

Indho aan kala waaban

Laba aan isba waayin

Laba aan kala weecan

Wadnayaal is-jeclaada

Wadku daayo ayaamo

Aan wadeeco astaynin

Ma wadaagno xannaano

Innagaa isku wacnaynee

Maxaad iiga wareegtay?

——————————

Wiyishaa ubadkeeda

Waxa jooga adduunka

Iyadaa ula wanaagsan

Kolka waayuhu liicshee

Dani ay ka wadaaye

haddii aynu is-wayno

Walaac waa ku dilaaye

Waa wareegto adduunkiyo

haddii uu waqti keenay

Nin wax saarleh miyaan ahay?Kuwaas iyo qaar kale oobadan.

Dabayaaqadii sannadkii 2001 ayaa Marxuun Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u gudbiyey Golaha Wakiillada magacyada toddoba muwaadin oo uu ugu talagay inay noqdaan Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka (NEC), si Goluhu u ansixiyo. Shirguddoonkii Golaha iyo Golihii ayaa wax-ka-beddel ku sameeyey soo-jeedintii Madaxweynaha, oo dhawr qodob oo ka hadlaya Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka ku daray Xeerkii Doorashada ee Madaxweynaha iyo Golayaasha Degaanka oo ay ka doodayeen, gacantana ku hayeen waqtigaas.

Awooddii Magcaabidda Guddiga Doorashooyinka ayey u kala qaybsheen sidan: Madaxweynaha (3 xubnood), Guurtida (2 Xubnood) iyo xisbiyada mucaaridka ah (2 xubnood), sidaasna ayey ku ansixiyeen. Marxuun Cigaal oo waqtigaa xannuun la daalaadhacay waa aqbalay. Guddigaas Qaranka ee Doorashooyinka waxa la ansixiyey horantii sannadkii 2002.

Guddigaasi waxay ku guulaystay inay qabto saddex doorasho oo xor ah oo si nabadgelyo ah uga dhacay wadanka, kuwaas oo kala ahaa Doorashadii Golayaasha Degaanka (December 2002), Doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku–xigeenkiisa (April 2003), Doorashadii Golaha Wakiilada (September 2005).

Waxa muddadii xilkoodu dhammaaday horraantii 2007, waxa labadii Xisbi ee mucaardka ahaa (UCID iyo KULMIYE) iyo Madaxweyne Daahir Rayaale oo UDUB ahaa ay isla qaateen in Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka la kala diro oo mid cusub la soo magcaabo.

Markii hawshii fulinteedii la galay waxa soo baxay muran iyo iska horimaad gilgilay Dalkii oo dhan oo soconayey sannadkii 2007 oo dhan, ayaa Maxkamadda Sare la isla galay, arrintii waxbay kala fudaamisay; haddana halkii ayaa mar kale la iska hor yimi. Madaxtooyada oo dhan ah iyo Golaha Wakiillada oo xisbiyada Mucaaradka ihi ku xoog leeyihiin oo dhan. Golihii Guurtida ayaa isna daraf ka noqday murankii.

Waxa markaas soo dhexgalay arrintii Guddi Bulshada Rayidka ah oo ka kooban Abwaanno, borofasoorro, Wadaaddo caan ah iyo xubno Waxgaradka Bulshada ka mid ah. Guddigaas oo Guddoomiye u doortay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).

Waxa guddiga gacan siinayey oo taageero u fidiyey Akaademiyada Nabadda iyo Horumarka oo aan markaasi madax ka ahaa. Bishii Sebtamber ayaa guddigu ku guulaystay in labadii qolo afgarad dhexmaro oo dalku uu yeesho Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka.

Guddigii waxa u ahaa mid khilaaf ku dhashay sidii uu khilaafkii ugu jiray ayuu burburay isaga oo laba sanno jiray markii xubnihiisii intiisii badnayd ay istiqaalad keeneen. Sannadkii 2009 aakhirkiisii ayaa mar labaad guddi kale la magcaabay oo la ansixiyey. Guddigaas ayaa qabtay doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa bishii (Jun 2010). Doorashadaas oo si qurux badan u dhacday.

Indhaha Dalalka xiiseeya siyaasadda Geeska Afrikana soo jiidatay markii ay si nabadgelya u dhacday oo laba Madaxweyne ay xilkii isu tiriyeeyn oo mucaardkii ku guulaystay doorashadii, taas oo ahayd arrin dhif ku ah Waddamada dunida saddexaad iyo kuwa Muslinka ah.

Waxa kale oo uu Guddigaasi qabtay doorashadii Golayaasha Degaanka oo dhacday Biishii (December 2012), taas oo buuq iyo dhimasho sababtay iyo muraan waqti dheer qaatay. Waxa dhacdadaas loo aaneeyaa diiwaangelintii sida caadifadda ah Baarlamaanku u laalay iyada oo aan laga fekerin, oo Xisbiyadu dabada ka riixayaan, Xukuumadduna ay ka aamustay.

Markii ololaha laalistu socotay ayaan Wasiir xukuumadda ku jira oo waayo-aragnimo badan u lahaa Doorashooyinka ka warsaday waxa ay u joojin waayeen laalista Diiwaangelinta Codbixiyayaasha. Waxa uu iigu jawaabay si fudud oo ahayd marmarsiinyo lagaga horyimaado Doorashada inay dhacdo ayaannu diidaynaa, sidaas darteed ma faragelinayno.

Sharci-yaqaaanno badan ayaa waxay ku doodaan in qaybintii ay qaybsheen awoodda magcaabidda Guddiga Qaranka ee Doorashu ay isku dhex daadisay awoodihii waaxaha Fulinta iyo Sharci-dejinta. Badanaa wixiii magcaabid ah waxa iska leh Madaxweynaha, ansixinta (Ogaalansho ama diidid) waxa iska leh Baarlamaanka.

Hore waxa Mucaaridku uga qaylinay jireen labada xubnood ee Guurtidu magacowdo, bal hadda fiiri labadii mucaaradku magacaabi jiray waxa ka taagan; ‘Fari tog-dheer ayey kula xushaa.’ Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waa Guddoomiyaha Xisbiga WADANI isaga ayaa xeerku siiyey inuu soo magcaabo xubin ka mid ah Guddiga Doorashooyinka, isla markaana waa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee ansixinaya xubintii uu soo magcaabay. Haye Maxaa kuu baxay boowe!!.

Waxa Sharci-yaaqaanno badani qabaan in Xeer gaar ah oo tafatiran loo curiyo Guddigga Qaranka ee Doorashooyinka. Waayo, guddigu waxa uu gacanta ku hayaa xasiloonida iyo nabadda dalkan Somaliland, sidaas darteed waa in dib loo eegaa xeerka hadda jira oo ah dhawr qodob oo ku dhex milan Xeerka Doorashada Madaxweynaha iyo Golayaasha Deegaanka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories