HomeDharaaro xusuustood ( QORMADA 43aad)

Dharaaro xusuustood ( QORMADA 43aad)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Mohamed Saeed Gees, Executive Director“No woman no cry

Good friends we have had oh good friend we have lost

Along the way

in this great future you can’t forget your past

so dry your tear I say

no woman no cry “

Bob Marley

Bob Marley waxa uu ku dhashay Jasiiradda Jamiika (Jamaica ) ee hadda caanka ku noqotay tartanka orodada, sida Steve Bolt ninka adduunka ugu dheereeya waqtigan. Bob Marley waxa uu ahaa heesaa caan noqday sannaddadii toddobaatanaadkii. Heestan uu leeyahay oo uu kaga hadlayo addoonsigii dadka madow lagu hayey ee sida adag uga xoroobeen oo hadal-hayskiisu yahay; ‘Yaanay dumar barooran, yaanay dumar barooran, jaalayaal fiican ayaan lahayn, jaalayaal badan ayaa ku shahiiday hayaankii dheeraa, aayatiinkan dhalaalaya ha ku ilaabin wixii ku soo maray, ilmada iska bi’i ayaan ku idhi dib ha u ooyin. Sidaas ayuu ku heesayaa Bob Marley.

Intii aan dhega- beelay ma tago xafladaha, ileyn maqlimaayee (kkkk ); toddobaadkan ayaa Cabdirisaq Maxamed Saciid oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda joogaa casuumaddii xil-wareejinta ee Wasaaraddaas iyo Wasaaradda Qorshaynta ii keenay. Waxa xafladda lagu qabtay gole qurux badan oo ay markaas iigu horraysay oo aanan is lahayn waxa uu ku yaalaa Hargeysa, waxa la ii sheegay inay qayb ka tahay huteelka cuntada ee Summer Time Restaurant. Si fiican ayaa loo soo agaasimay xafladda dad dhallinyaro u badan oo lebbis Suudh ah ku wadajira iyo wasiirro badan oo iyana qoorta tay ugu wada xidhan yahay, dumar si fiican u lebbisan oo aad yaabtid ayaa madasha isugu yimid. Qudhaydu Suudh toban sanno ka hor aan iibsaday oo kaawiyad u baahan ayaan boodhka ka soo tumay oo soo gashaday. Saddex wasiir oo aqoonyahanno ah oo jaamiciyiin ah oo qurbo-joog ah ayaa isu xil-wareejinayey. Dhawr qof oo diircad ah ayaa joogay, iyana oo la sheegay inay Turki yihiin iyo kuwa Shine ah. Waxa la lahaa ma aan maqlayn nin saaxiibkay ah oo aan dhegaha marmar ka ammaanaysto ayaa waxa uu doono iiga sheegayey, waxayse u badanyd ammaan lagu hurgufay wasiirradii xilka wareejinayey, qudhoodu waxay soo taxeen guulihii ay gaadheen intay xilka hayeen. Xurmada xilka iyo dhaqanka Soomaalida ama Islaamiga ah qofka meel ka guuraya waa la sii sagootiyaa, isna waa afgobaadsadaa. Carabtu waxay ku maahmaahdaa ‘Yaa raa’ix, laa tukasir alfadaa’ix’ oo la mid ah ninka tegayow ceeb ha sheegin, haddii aad hore u sheegi wayday intii aad joogtay maanta oo aad ka tegaysid.

Labadan Wasaaradood ee xil-wareejintoodu ay dhacaysay, labadaba wasiir ayaan ka soo noqday waqtiyo hore. Waxaan ahaa Wasiirka Qorshaynta sannadihii 1997-99, Wasiirka Arrimaha Dibaddana sannadihii 2002-03, waa muddo dhaw oo tobaneeyo sanno laga joogo maanta. Wax weyn ayaa is-beddelay muddadaas. Waagaas, Wasaaradaha Qorshaynta iyo Arrimaha Dibadda waxa loo kala qaybshay xafiiskii Nabad-sugidda ee Gobalka Waqooyi Galbeed ee Dawladdii Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Soomaaliya ay lahayd, xafiiskii weynaa waxa la siiyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda, qolalkii dadka lagu xidhi jiray ama lagu caddibi jiray waxa xarun looga dhigay Wasaaradda Qorshaynta. Maanta fooqyo dhawr dabaq ah oo aad quruxdooda yaabtid oo ay dhex taallo baabuur caddaan iyo madaw leh oo kuwii ugu dambeeyey ee shirkadda Toyoto ay soo saarto ayaa labada Wasaaradood degan yihiin.

Saaxiibkii dhegaha aan la wadaagay waxa uu ii sheegay in miisanayadda Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay tahay 4 milyan oo doollar. Saaxiibkay mar mar ayuu warka uu i siinayo yara xawaasheeyaa!!! Waan ku ceshay warkii, waxa uu yidhi markaas waa sannadka dambe 2016.

Wasaaradda Qorshaynta miisaaniyaddeedu waxay ahay 50kun oo doollar keliya baaburo ma lahayn, xafiiskeeduna waataan soo sheegay biyaha jeebkayga ayaan ka soo geliyey, gabadha nadiifisa aniga ayaa mushaharka siin jiray, telefoonka Marxuun Maxamed Xawaadle oo shirkaddii Soltelco joogay ayaa bilaash laba madax noogu tabarucay. Wasiirkii i beddelay ayaa xafiiskii laga nadiifin waayey, deeto Agaasimihii Guud oo Cawil Maxamed Faarax ahaa ayuu ku canaantay, Agaasimihii waxa uu u sheegay in gabadhii nadiifisada ahayd ay iska tegay, waayo wasiirkii hore ayaa mushaharka siin jiray.

Sannadkii 1997 ee dawladda la dhisay mushahar ma lahayn wasiirradu. Waxan xasuustaa wasiir reer bari ah oo aan macruuf ahayn muddo badan ayaa ii yimid oo yidhi maanta dab lagama shidin gurigii ee Raashin ila doon. Guryaha wasiiradu waxay ahaan jireen “feeding centres” ama “Meel wax lagu quudiyo” meelo dad badani u soo cunto doontaan xiliga qadadii. Bakhaar aan iqiinay ayaan walaalkay ka damiintay, maadaama aannu rrer Hargeysa ahayn oo guryo ku lahayn. Guriga aan ku jiray kiro kama bixin jirin oo reerka ayaa lahaa. Waxa yaab noqotay markii uu wasiir kale oo warkii helay oo isna reer bari ka soo jeedaa uu i weydiistay inaan isna raashiin bakhaarkii uga damiinto.

Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waa yara dhaantay Qorshaynta xagga miisaaniyadda waqtigaas, hase ahaatee intaba wakiiladda dibadda ayaa loo diri jiray. Aayad Qur’aanka ah ayaa odhanaysa “Wa in shakartum la asiidanakum, wa in kafartum la ina cadaabi la shadiid,” oo macnaheedu noqonayo, ‘haddii aad ku mahadnaqdaan khayrka iyo nimcada aan idin siiyey waa la idiin kordhin, haddii aad qarisaan nimcada iyo khayrka la idinku mannaystay dhibaato adag ayaad mudan doontaan.’

Akhristaw, wasaaradaha oo dhami way wada qabeen noloshaa adag ee aan soo sheegay. Haseyeeshee, rag ayaa u dhabar-adaygay oo aan xiix odhan oo shuruucdii iyo nidaamkii ay maanta halkaas ku gaadheen ee loo awooday miisaaniyado xadkaas leh (xafiisyo iyo baabuur iyo mushahaar) soo gaadhsiiyey oo seeska u dhigay. Haddii aad rabtid inaad nimankaas aad waayahooda ogaatid intii aakhiro u hoyatay mooyaane, waxaad ku soo bariidisaa fagaaraha dhirta hadh-dacaarta ah ee Wasaaradda Waxbarashada horteeda ku taalla, iyaka oo qaar ka mid ahi fadhiyaan ayaad arki doontaa. “In this bright future you can’t forget your past.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories