HomeDharaaro Xusuustood - Qeybtii 16aad – Prof. Maxamed Siciid Gees

Dharaaro Xusuustood – Qeybtii 16aad – Prof. Maxamed Siciid Gees

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxyi iguma soo dego

Haddana wax ima seegaane

Maxamed Cabdiraxmaan (Lugooyo)

Mohamed Saeed Gees, Executive DirectorIllaahay ha u naxariisto Maxamed Cabdiraxmaan Jaamac, Maxamed Axmed Cabdule iyo Cali Faarax Dhahar oo aan ku soo qaadayo sheekadan, annaga oo ka shaahaynayna maqaayad ku ag tiil Huteelka Bilaal oo Baar Jabuuti la odhan jiray, sannadkii 1995 oo Hargeysa dhinaca koonfur-bari iyo dhinca Bari ay cidla yihiin oo waraabuhu soo galo oo lagu dhaleeceeyo in Hargeysa uu faalij ku dhacay oo dhinac qalalay, ayaa Maxamed Cabdiraxmaan sheekeeyey oo kaftamay waxa uu marxuunku ahaa hadal yaqaan kaftanlow ah oo uu ku yidhi; ‘Soomaalidu naanaysaha ma bixin taqaan?’

Bal eeg waa nimanka yidhi Maxamed Axmed Cabdule Sakhraanweligiina afka ma saarin geedkaas, waa nimanka Cali Farax Dhahar yidhi Cali Gargaar weligii cid ma gargaarin, waxa ka sii daran waa nimanka Maxamed Cabdiraxmaan oo aniga ah u bixiyey Lugooyo. Markuu dhammeeyey ayaa aad loogu qoslay hadalkaas. Intaasi xusuus dheh murtidii iyo haasaawihii Marxuun Lugooyo.

Waqtigii Aftida Dastuurka ee 31-kii May 2001, dharaar ummadda reer Somaliland ay dooratay inay Dimoqraaqdiyad iyo habka xisbiyada badan iyo dhawritaanka xuquuqda aadamiga ee ku xardhan gudahiisa ay u codaysay boqolkiiba 97%, iyada oo goob-joogayaal Caalam ihi ay ka-marag-kaceen (Waxay ahayd in 31 May laga dhigo maalin qaran oo fasax ah oo lagu magacaabo maalinta Dastuurka). Waxa aan joogay magaalada Ceerigaabo aniga oo ah markaas Wasiirka Maaliyadda.

Waxa magaaladda joogay wafdi reer Koonfur Afrika ah oo uu hoggaaminayey Profasoor IQBAAL oo markaas ahaa Wakiilka Somaliland ee dalkaaasi, haddana ah safiirka Koonfur Afrika ee dalka Iriteriya. Garoonkii diyaaradda ee wafdigu ka soo dhoofayey, ayaa waxa aanu isagu nimi dhawr Wasiir oo kala ahaa; Cabdulaahi Maxamed Ducaale, Xuseen Doodi iyo Marxuun Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) Hawada garoonku aad ayey u qurux badan dhulka oo wada cagaar, laydh fiican oo dhacaya, daruurta oo buurta Surad iyo Daallo saaran oo damacsan roob. Wefdigii ayaa ka helay jawigii iyo cimiladii magaalada iyo hareeraheeda. Iqbaal ayaa kaftamay “Layaab ma laha in intan Wasiir oo xilal waaweyn hayaa inay ka soo jeeddo Ceerigaabo, hawadan ayaa sabab u ah.”

Waxa kale oo aan xusuustaa waagii shirkii nabadaynta beelaha Sanaag 1993 ayaa waxa shirkii noogu yimid wafti ajnebi ah oo uu la socday nin dhaliyaro ah oo Ingiriis ah oo wax badan ka qoray Somaliland oo la yidhaahdo (Hamish Wilson), waxa uu nagula kaftamay in dadka Reer Sanaag ka buuq yar yihiin dadka galbeedka Somaliland oo ay ka xoogan yihiin, waxa aan hubaa in shirkiinu guul iyo heshiis ku dhammaanayo. Waxa uu hilmaamay in sababtu tahay qaadyarida!

Garoonkaas aanu taagnayn maalintaas waxa lagu bilaabay iskaa-wax-u-qabso markii lixdankii dalku uu xoroobay. Waxa fadhiisan jiray oo ka shaqaysan jiray Diyaaradihii la odhan jiray Aden Airways oo Cadan tegi jiray. Maanta kontan sanno kadib diyaaradi ma fadhiisato, waxa lagu mashquulay oo kharashkii la geliyey Berbera, Hargeysa iyo Burco. Geel baa meel fadhiisan jiray ayaa sheekadu noqotay ee qorshe ma jiro waxa ay ahayd in mudnaanta la siiyo gobalka aan waddooyinka iyo dekadaha lahayn. Berbera iyo Hargeysa iyo Burco saacado ayaa loo kala socdaa hal garoon ayaa ku filnaa .

Waddada la qorsheeyey ee la yidhi waxay isku xidhaysaa Ceerigaaqbo iyo Burco, waxa ka horreyn lahaa oo ka qarash yar Garoonka Ceerigaabo oo la dhiso. Waddada Ceerigaabo/Burco waa 370 kilometer, haddii lagu guulaysto dhismaheeda oo waqti badan iyo kharash badan qaadanaya, waxay Reer Ceerigaabo ku soo kordhinaysaa qaadka uun, baababur badan oo qaad ayaa wareerin doonta oo shilimaadka yar ayaa laga soo urursan doonaa oo keliya wax loogu bedelayaana ma jirto. Qolo degta bariga dhow ee Ceerigaabo ayaa hadal-hays u leh “Oo mindhaa si kale” Micnaha oo ah haddii dhinac kale looga wareego.

Haddaba, wadadda Ceerigaabi/Burco mindha si kale. Ha la qaybsho waddada oo afar meelood ha loo qaybsho oo ha la isku xidho Gobalka iyo Magaala-madaxdiisa Ceerigaabo ah. 1- Ceerigaabo/Maydh–Xiis (80km) 2- Ceerigaabo/Ceelafweyn (88km) 3- Ceerigaabo/Hadaftimo (88km) 4- Ceerigaabo/Awrboogays (80km). Waa afartii jiho ee Ceerigaabo Waqooyi, Galbeed, Bari, Koonfur iyo afartii beelood oo ku soo xidhmaya magaaladii Caasimadda gobalka ee ay wada degan yihiin  oo dekadii ku xidhmaya oo ganacsigii iyo horomarkii gobalka oo kor u kacaya. Beenow ma la yeeli. Bal adba!!

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories