HomeDHARAARO XUSUUSTOOD - Qalinkii: Prof. Maxamed Siciid Gees – Q. 5aad

DHARAARO XUSUUSTOOD – Qalinkii: Prof. Maxamed Siciid Gees – Q. 5aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

gees12-kii bishii Feebarweri, sannadkii 1991, ayaan ka soo degay Garoonka Joomo Keeniyaate ee Magaalada Nairobi anigoo diyaarad yar ka soo raacay Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, garoonkaas oo lagu dhisay deeq uu bixiyey marxuun Qadaafigii Liibiya. Labada Garoon iyo Kii Muqdishoba wararka toddobaadkan ayey ku jireen, mid la isku haysto, mid diyaaradi ku shufbeeshay oo gubatay iyo ka saddexaad oo dab ka kacay qayb dhan uu sahayday.

1968dii Garoonka Muqdisho waxa ku bas-beeshay diyaarad Hargeysa ka soo duushay oo Soomali Airline lahayd oo reer dhan carruurtoodii ku dhimatay, gaadhigii dab-demiska biyo ayaa laga waayey markii uu diyaaradii oo holcaysa agyimid.

Iminka waatan la furay Garoonkii Hargeysa oo dib loo casriyeeyey kii Berber-na dhawaan ayaa la dhammaynayaa, waa horumar weyn. Hase yeeshee ma la hubaa in garoomadeena dab-damis iyo shaqaale tababaran oo lagu tijaabiyey hawsha ay  joogaan, mise waa sheekadii  Soomaalida  qawda maqashii waxna ha u qaban.

Waxa la sheegay in Garoonka Nairobi loo waayey dab-demis bakhtiiya oo Magaalada Nairobi oo dhami aanay lahay baabuurta dab-demiska, kuwii u soo gurmaday waxa lahaa shirkado gaar loo leeyahay. Waa wada Hargeysa Afriki waxba isma dhaanto dhinaca adeegga bulshada.

Waxa aan la soo qaxay todoba carruur ah iyo hooyadood oo diyaaradda igu weheliya. Waxa kale oo aan wada soconay Mudane Axmed Xaaji Cali Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland ee hadda iyo Injiir Maxamed Ciise Cabdi oo Xiirane lagu nanayso. Labduba shirkii dib-u-heshiinta iyo gooni-isu-taagga Somaliland ee Burco ayey ka qaybgaleen markii dambe. Haddaba markii aan soo galnay hoolkii taraansitka ayaanu horta doonanay cabitaan.  Dhalo Kooke ah oo qabaw ayaa qof weliba is raaciyey, tii uu ka maahmaahay Kornayl Ciise Curaagte. Markaan qabownay ayaan u baahanay fiisihii aan ku gali lahayn dalkan Keeniya. Waxaan waraystay mid dhar cadda garoonka ahaa oo nagu ag wareegay, cidda madaxa ka ah laanta socdaalka garoonka iyo xafiiskiisa. Markuu na tusay ninkii xafiiskiisii ee uu noo sheegay magaciisii ayaan xafiiskii ugu tegay oo dhawr boqol oo doollar ku jebiyey oo u dhiibay baasabooradii oo dhan. Deeto waxa uu noogu dhuftay fiisihi, sidaas ayaanu ku galnay magaaladii Nayroobi.

Waxan dhacdadaas soo xasuustay mar Madaxweyne Cigaal uu Golaha Wasiirrada kaga warramay ku-dhaqanka hawl-fududayntu halka ay ka gaadhay dalka keeniya. Waxa uu sheegay inuu warqad u dhiibay Ralia Odinga si uu u gaadhsiiyo Madaxweyne Arab Mooy. Ralia  Odinga ayaa warqaddii gaadhsiiyey Madaxweyne Arab  Mooy, dabeeto markiiba Hargeysa ayuu u  soo duulay. Waxa Madaxweyne Cigaal yidhi, “Waakaas oo durba waxa uu doonayaa khidmadii, horena Ambaasadoor Cawil  Xaaji Cali Ducaale oo markaas ahaa Wakiilka Somaliland ee Keeniya ayaan wax ugu dhiibay.” Waqtigaas Ralia Odinga xil ma hayn, mar dambe ayuu xil qabtay oo Wasiirka Koobaad ka noqday dalkaas.

Afrikada aan ictiraafka ka doonaynaa waa kuwaa, qolada reer galbeedkuna laaluush cilmiyeysan oo la siiyo mukhalisiin loo bixiyey “lobby group” ayey leeyihiin. Madaxweyne Cigaal waa fahamsanaa inuu ictiraafku kharash ku xidhan yahay, Madaxweyne Daahir Rayaale-na waxa uu arrintan garwaaqsaday markii  uu Afrikada Galbeed tegay ee la baayaca; markaas ka dib ciddii la kulanta waxa uu ku odhan jiray “waa ogahay halka loo marayo ictiraafka.” Ayaan-darro tamar ayuu u waayey.

Sidaas darteed meelahaas oo shandad madhan lala cararaa oo laga murmaa waxba soo hoyn mayso. Waa in dhaqaale loo huraa ictiraaf-raadinta oo cashuur boqolkiiba labo (2% ) loo qoondeeya sidii Goballada Bari loogu sharciyeeyey. Dhaqaalahaas oo toos ay u maamusho Wasaaradda Arrimaha Dibaddu oo ay u madaxbanaan tahay. Sidaas ayuun baa lagaga midho-dhalin karaa ictiraafka la raadinayo, wixii kaleba waa gacma daalis.

Wasiirkan cusubna waa diblumaasi Jimciyadda Quruumaha ka tirsanaan jiray ma soo shaqo tegin sida qurbo-joog badan, markii uu doono degdeg ayuu shaqo uga heli karaa Jimciyadda Qaruumaha oo waa nin la jitaabiyey. Sidaas darteed yaan lagu lugaynin findhicilkii yaraa ee miisaniyadda ahaa ee loo qoondayn jiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Haddii kale waxay sheekadeenu noqonaysaa qofkii dumarka ahayd ee wadaadka shillinka siisay ee tidhi ‘iigu ducee inaan wiil dhalo,’ ee wadaadkii intuu shilinkii hoos u eegay yidhi ‘wallee shilin baanad wiil cad ku dhalin;’ hadda findhicilkii miisaaniyadda wallee ictiraaf laguma helo.

Prof Maxamed Siciid Gees, Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories