HomeDharaaro Xusuustood - Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 49aad

Dharaaro Xusuustood – Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 49aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Prof-Gees-2‘Lahashada naftaydiyoo

Caqligaa legdamayee…’

Xasan Sheekh Muumin

 

“A little cloud”oo macno ahaan ku noqonaysa Af-Soomaali; “Daruur Yar”

James Joyce

 

James Joyce oo ahaa qoraa caan ah oo u dhashay dalka Republic of Ireland, ayaa qoray buug sheekooyin gaagaban ah oo uu ku magacaabay The Dubliners (Reer Dablin). Dublin waa magaalo madaxda Dalka Republic of Ireland.

Sheekadan Daruur Yar waxay ka mid tahay sheekooyinkaas, oo waxay ku socotaa laba nin oo saaxiib ahaa oo kala maqnaa muddo siddeed sanno ah oo kulmaya iyo waayahooda nolosha oo kala guuray. Midkood ayaa ka tacabiray Ireland oo xagga London iyo carriga England u kacay, midna degel fadhi ayuu noqday oo Dublin ayuu iska joogay.

Kulankaas ayaa isweydiin iyo dood ku abuuraya maskaxdii kii degel fadhiga ahaa; marka kii qurba-joogga ahaa uga sheekeeyo sida uu u noqday Wariye caan ah oo dunida daafaheeda sida magaalada caanka ah ee Paris uga soo warrama joornaallada ka soo baxa London.

Dharka quruxda badan ee uu sitay iyo isku kalsoonida ka muuqatay, ayaa waddaadkii degel fadhigga ahaa ku abuurtay faker nolodeed oo uu hayaankiisii noloshiisa uu dib ugu eegayo. Marka uu nolosha ka fekeroba waxa uu ku dembeeyaa murugo. Waxa uu xasuustaa odhaah soo jireen ah oo odhanaysaa; ‘Qofna ayaankiisa iyo qadarkiisa wax buuran kama beddelo.’

Qoraagu waxa uu sheekadan ku magcaabay; “Daruur Yar,” taas oo hadhaysay cabbaar noloshii caadiga ahayd ee wadaadkii degel fadhiga ahaa, markuu la kulmay saaxiibkii qurba-joogga ahaa, oo shaki ka gelisay noloshiisii iyo sabboolnimadii ku deyrnad iyo dayaca meel kasta ka muuqday hareerihiisa.

Waqtigaas oo Ireland uu gumaysan jiray England. Malaayin ayaa u haajiray dalka Maraykan. Tira ahaan marka la eego isirka ay ka soo kala jeedaan dadka Ireland dalka oo noqonaya dalka labaad, halka Germany-na yahay dalka kowaad.

Dharaar dhowayd ayaan farriin ka helay nin aannu muddo dheer jaar ahayn uu ku soo deggay Hotel Maansoor – Hargeysa. Waa Cumar Maxamed Aadan Xirsi (Cumar-waraabe) oo ay isugu kaayo dembaysay July 1977kii oo hadda ay taariikhdu tahay 2016kaoo laga joogo 39 sanno. Markaas oo aan ugu tegay magaalada Malmo ee dalka Sweden – Scandinavian oo uu si fiican ii soo dhaweeyeen isaga iyo xaaskiisa oo ahayd gabadh reer Sweden ah oo Wiil u lahayd oo aan la joogay muddo laba toddobaad.

Haddaba, markii aan hadda ugu tegay Hotel Maansoor markiiba waan gartay, isaguna waa i garan waayey ilaa aan isu sheegay oo dadku waxay isku gartaan afka, balse dadka Berri Soomaal jooga ilkaha ayaa habaar kaga dhacaa, sidaa darteed waa is beddellaan.

Mar aan tegay Maraykan oo la ii geeyey Dhakhtar Ilkaha ah, waa uu rumaysan waayey markaan ku idhi; ‘Weligay dhakhtar Ilkaha ah ma arag.’ Xagga dalalka horumaray sabboolka ayaan awoodin Dhakhaatiirta Ilkaha, halkanna dadku waa iska ilka beelaan, indha beelaan, dhega beelaan, curyaamaan, dabadeedna waa iska dhintaan oo waa la iska aasaa oo la isma weydiiyo sababtii geerida.

Waaggii Somaliland Maxmiyadda Boqortooyada Midawday (United Kingdom) ay ahayd, ciddii Cusbitaalka ku dhimata waa la qali jiray meydka (Autopsy) si loo ogaadu xannuunka uu u dhintay qofku. Aabbahay Siciid Maxamed Gees oo ka hawlgeli jiray cusbitaalka Hargeysa, ayaa maalmaha uu ka soo qaybgalo qallitaanka ee guriga yimaaddo odhan jiray; ‘Maanta meyd ayaan soo qalay.’ Markaas ayey Hooyo qaylin jirtay. Soomaalidu waxay odhan jireen qofka la qalo; ‘Johoradda ayaa lagala baxaa,’ la garan maayo waxay ahayd Johoraddu, sidaa darteed in qofka la qalo ma oggolaan jirin, oo waxay saadinayeen dadkan u tahriibay Masaarida iyo Talyaanigu ee hadda kala baxaan kelyaha iyo beerka.

Si fiican ayaan u sheekaysanay Cumar Maxamed Aadan Xirsi (Cumar-waraabe) oo aannu ka wada qadaynay Hotel Maansoor, kadibna waxa uu ii sheegay in carruurtii oo kortay oo kala gashay dunida oo uu keligii Soomaali ka joogay magaaladii Malmo. Hadda dhawr kun oo Soomaali ah ayaa jooga. Waa isu warranay nin iyo waagii muddadaas dheer ee aan kala maqnayn.

Haddaba, markii aan ka soo tegay ayaa waxa igu soo burqaday xusuuso iyo hibashooyin xagga noloshayda ahayd, in sannadkii 1959kii muddo hadda laga joogo Cumar Maxamed Aadan Xirsi (Cumar-waraabe) iyo Cabdiqaadir Jirde Aw Cali aannu isku fasal ayaan ahayn oo waxannu ku wada jirnay Dugsiga Hoose ee Fisher (Sheekh Bashiir), saaxiibna waa ahayn ilaa haddana waa iska war haynaa oo waa jirtaa saaxibnimadii.

Daartii Maxamuud Axmed Cali iyo Yuusuf Xaaji Aadan ay mushaharkood ka dhiseen ee labanka ahayd ayaa sannadkaa la dumiyey oo dhagax laga dhisay, dabadeed beer ayaa nala wada siiyey. Beerta Xorriyadda oo markaas la odhan jiray; Beerta Dawladda ayaa kooxdayadii goor galab ah ka soo qaadanay dhir flower ah la yidhaahdo Geedka Bougenville.

Aroortii waxa dugsigii yimi ninkii beerta hayey oo na dacweeyay, kadibna dhirtii ayaa dib loogu celiyey, annagiina waxa nalagu eedeey; ‘Xatooyo xoolo dawladeed.’ Cumar Maxamed Aadan Xirsi (Cumar-waraabe) oo noogu dhiirrana ayaa Maamulihi Dugsiga oo ahaa Xasan Cali Henri ku yidhi; ‘Dhirta Edaday ayaa iiga soo dirtay dalka Kuwait.’ Markhatigii ayaan sidaas ugu furnay. Maxaa naga gaadhay! Wixii Dhengad nagu dhacay waan xasuustaa oo markii aan Malmo ugu tegay ayaan dhacdadaas uga sheekeeyey Xaaskiisii Cumar Maxamed Aadan Xirsi (Cumar-waraabe) oo la odhan jiray Roosi, kadibna waxay Cumar ku tidhi; ‘Waar! Kuwait waa lama deggaan’e, ubax kama baxo’e ee maxaad u odhan wayday Kenya ayaa la iiga soo diray?’ kkkkkk. Habeenkii oo dhan ayaan sheekadii ku qoslaynay.

Cumar-waraabe aabbihii iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa isku ayni ahaa oo soo wada koray. Sidaa darteed, Cumar Maxamed Aadan Xirsi (Cumar-waraabe) aad ayuu u jeclaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo xataa Chatham College oo uu marxuunku arday ka noqday ayuu Cumar-na galay.

Markii aan Wasiirka Qorshaynta ahaa ayaa Cumar Maxamed Aadan Xirsi (Cumar-waraabe) inankiisii yaraa ee isaga oo sannad jiray aan Malmo ku arkay ayaa isaga oo nin weyn ah Hargeysa yimi oo warqada iiga keenay aabbihii uu igaga codsanayo inaan inankiisa u geeyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Madaxweyne Cigaal iyo Marwadiisa Kaltuun Xaaji Daahir ayaa galab aniga iyo inankii nagu qaabilay Madaxtooyada xagga guriga. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa noo sheekeeyay oo ku yidhi inankii; ‘Haddii Awowgaa Maxamed Aadan (Waraabe) uu ka dhalan lahaa Maraykan, waxa uu noqon lahaa qoraa caan aha oo riwaayadaha alifa (Play Writer) waxa uu ahaa nin sheeko badan, aabbahay Xaaji Ibraahim Cigaal-na haddu Maraykan u dhal lahaa waxa uu noqon lahaa maalqabeen Rockefeller oo kale ah sida lacagta loo sameeyo ayuu yiqiin.’

Marba sidii xusuusi igu soo dhacaysay, ayaan anigu dib isugu noqday oo haddii sannadkii 1977kii milicsado Jaamacaddii deeqdii wax-ka-baranayey ee i siisay aan qaadan lahaa PhD-dii aan ku qaadan lahaa cilmi-baadhistii aan waday, dabadeed iska joogi lahaa Yurub. Tollow noloshaydu siday ahaan lahayd? Kollay tii aan soo maray waa ka duwanaan lahayd. Kulankii waxa uu keenay feker dheer oo dhinaca nolosha ah.

Geyga Soomaalidu degto 39kaa sanno waxa ka dhacay dhibaatooyin waaweyn: abaaro, macaluul, daacuun, dagaallo isugu jiray kuwa sokeeye iyo kuwa shisheeyaba, oo aan u soo taagnaa. Wax Allaale wixii lagu soo barbariyey ama nala soo baray waa burbureen ama shaki ayaa galay.

Fikradahaas oo sida dawooyinka qaarkood afka dhadhan qadaad uga tagaan, maskaxdii kaga tegay oo aan dib loo jeedaalin karin. Midaynta shanta Soomaaliyeed oo noqotay dhalanteed, dawlad Soomaaliyeed oo la mahadin waayey oo dadkeedii xasuuqday, qabyaaladii oo lagu beddeshay Dawladnimadii, tacliintii oo la iska tuuray, Daktoorkii  Shir-beeleed, ma Ciidan-beeleed ka dhex hilaacay.

Daruurtaas yar ayaa noloshaydii yara hadhaysay, cabbaar ka dib waxan ku soo noqday runtii oo aan is-arkay anoo dhex taagan Shankaroon. Rajo ayaa laga qabay inay shantii dhaanto, waxayse noqotay rajadii Dhays Bakayle.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories