HomeDHARAARO XUSUUSTOOD - Prof. Maxamed Siciid Gees, Qaybtii 14aad

DHARAARO XUSUUSTOOD – Prof. Maxamed Siciid Gees, Qaybtii 14aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Barafasoor Cali Masruuci oo ah aqoonyahan caan ah oo u dhashay dalka Kiiniya, kana soo jeeda dadka xeebaha degga ee Muslinka ah ee loo yaqaan Baajuunta, ayaa mar uu booqasho ku yimid Somaliland sannadkii 2005 i weydiiyey aniga oo meel gole ah joognaa su’aal ah “Maxaa ay Somaliland ugu guulaysatay nabadda iyo dawlad dhiska, Soomaaliyana ugu guulaysan weyday?” Waxan ugu jawaabay, “Soomaaliya waxa ku jira gacmo shisheeye, Somaliland-na iyada ayaa isku tashatay.” Ma hubo inuu ku qancay iyo in kale, haseyeeshee maqaal aan dhowaan akhriyey ayaa ka marag kacaya arrintaas aan ku jawaabay.

Mohamed Saeed Gees, Executive DirectorKhabiir reer Galbeed ah oo ka soo jeeda Boqortooyada Midawday (UK) ayaa wax la mid ah iftiimiyey,  Ninkaas oo hadda ah Mudane Aqalka Wakiillada ee dalka Boqortooyada Midawday (UK) oo la dheho Rory Stewarts ayaa warbixin siiyey Joornaalka dalkaasi ka soo baxa ee lagu magcaabo The Guardian.

Rory Stewart’s waxa uu wax ku bartay dugsiyada iyo Jaamcadaha madaxda waddankaasi wax ku barato ee ay ka mid yihiin Eton iyo Oxford. Waxa uu mar macallin guri u ahaa amiirada Boqortooyada dalkaasi ee William iyo Henry. Waxa uu ku biiray Xafiiska Arrimaha Dibadda (Foreign Office) ee waddankaas (UK).

Waxa uu ku hadlaa sagaal af ama luqadood oo dunida laga hadlo, waxa uu ka qaybgalay faragelintii Ciidammada Gaashanbuurta NATO ee dalalka Afghanistan, Iraq , East Timor, Kosovo, iyo Bosnia. Socdaal uu ku maray 6000 oo mayl oo dalka Afghanistan ah iyo laba Gobal oo Iraq ah, isaga oo ku hawlan maamul-dhisid iyo dastuur u samaynta dalalkaasi ayuu xusuustiisii qoraal ka qoray.

Qoraalkii uu ka qoray waayo-ragnimadiisa ayaa aad looga xiiseeyay dhinca Dalalka Reer Galbeedka, taas oo keentay inay shirkad kuwa filimada sameeya ihi ka iibsato oggolaansho ay ku samaynayso filim waayo-aragnimadiisii . Jaamacadda caanka ah ee ku taalla dalka Maraykan ee la dheho Harvard ayaana siisay oo ku shariftay shahaadadda Barfasoornimada.

Haddaba ninkaas aqoontaas leh, ayaa dhowaan ka hadlay arrimo xiiso iyo saamayn ku leh dalkii la odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Dimuqraadiga. Weedha madaxa qoraalkan waxa aan ka soo dheegtay warraysigii uu siiyey Jariiradaas The Guardian. Waxa uu yidhi Rory Stewarts markii aan arkay in islaanta gurijoogta ah ee reer Afghanistan ay iiga aqoon badan tahay dalkeeda ayaan ku soo noqday gurigaygii oo ka baxay hawlihii aan waday.

Waxa uu uu yidhi faragelinta ciidan ee dal la farageliyaa si nabad iyo dawlad loogu dhiso ,ma shaqyso. Waayo waxa loo arkayaa ajnabi soo duulay. Marka ay ku sii bataan ajnebigu, guul-darrada iyo fashilka faragelinta ayaa sii korodha. Isaga oo sii wata warkiisii waxa uu yidhi; “Markii aan ku cusbaa hawsha dalalkaasi, waxan taxi jiray qodobda ay dalalkaasi u baahan yihiin si ay u dhistaan maamul dawladeed aniga oo aad isugu kalsoon: Isku xukun sharci (Rule of Law), maamul maaliyadeed (Financial administration ) maamul bulsho ( Civil Administration ), deeto si loo hirgeliyo arrimahaasi waxan soo jeedin jiray in la sameeyo khariidadda daneyayaasha gudaha iyo dibadda (Mapping the internal and external stakeholders ) iyo hal-ku-dhegyo la mid ah (and similar jargon).

Haseyeeshee, waxan ogaaday markaan horfadhiistay Odayaal gadhcad oo weligood arag waxan aan ka hadlayo ee ah, sharci, boolis, maxkamad, sinaan dumar (Gender Equity) cashuur, waxa ii caddaatay in waxa aan wadaa aanay hirgelayn. Iyaga ayaa yaqaan sida ay u noolaadaan oo soo jiraan ah iyaga ayuun baa wax-ka-beddeli kara dhaqankooda iyo xeerkooda, wixii kaleba waa gacan daalis.”

Waxa aan xasuustay seminar aan kaga qaybgalay Jabuuti oo haya’di noo qabatay. Gabadh yar oo Hindiyad Biritish ah oo iyadu is-daawanaysa oo hadba soo beddelanaysa, ayaa seminaarka daadihinaysay.  Arrimahaas uu Rory Stewarts sheegay iyo kuwa la mid ah ayey ka hadashay, markaas ayaan u adkaysan waayey oo idhi waxaasi ma ka soconayso dalkayaga.

Saaxiibadii igu weheliyey seminaarka ayaa ii caqli celiyey oo yidhi, war maxaa kugu wataa hadalkaas iyo murankeeda ,gaaladu waxoodu ha iska wateen eh. Sidaas ayaa Soomaali isku raacday Khawaajayaashu waxooda ha iska wateen dhegtaana ka dhegayso, ta kalena ka sii daa dheeshuna waa teeni, heelladu waa hello Laasqoray.

Haddaba 17 kun ee ciidammada ajnebiga ah ee Soomaaliya la geeyey iyo khubarada khawaajayaasha ihi waxba kuma soo kordhinyaan nabadda iyo maamul dhiska dalkaasi. Nabaddu waxay ku xidhan tahay sida xilalka iyo maamulka iyo biyaha iyo baadka beelaha ku uumani ay ku heshiiyaan wadaagooda.

Nicholas Kay (Madaxa Unisom) iyo Roy Stewarts Xafiiska Arrimaha Dibadda (Foreign Office) ee dalka (UK) ayey ka wada tirsanaayiin, Afghanistan-na waa wada joogeen, waxaba kama ay tarin, haddaba Nicholas Kay miyuu u soo shaqategay Sooomaaliya , ilayn arrinta Afqaanistaan waa ogaaye.

Dhincan Somaliland Heshiiskii Boorame waxa ka sii nool Golaha Guurtida, wixii kale ee heshiis ahaa waa socday. Saddexda xisbi iyo saddexda musharax ee Madaxweynuhu beel qudha ayey ka soo wadajeedaan. Haddaba qolada mucaaridka waxa aan kula talin lahaa inay musharraxiinta Madaxweynaha ay ku daraan mid yaa Ayuha Naas ah; haddii kale waxa la odhan doonaa Somaliland beel qudha ayey u xidhan tahay; Sida loo yidhi Soomaaliya laba beel ayey u xidhan tahay, Boowee saw saa maaha. !!

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories