HomeDhaqdhaqaaqa Xoraynta Dumarka iyo herarka u u soo maray, halkuu kasoo galay...

Dhaqdhaqaaqa Xoraynta Dumarka iyo herarka u u soo maray, halkuu kasoo galay Dunida Islaamka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankKobicii dhaqdhaqaaq ,

      i.        Ujeedooyinka  ka dabmeeya,

     ii.        Halka uu Hiigsanayo.

    iii.        Habka ay u macaamilaan Dawladaha iyo ururada Islaamiga ah iyo dadka guud ahaan siday u arkaan iyo heerka uu hada taagan yahay,

Dhaqdhaqaaqan waxa dhaqaajiya dhinaca afkaarta iyo dhaqaalaha,ururo aan dawli ahayn oo laga leeyahay dunida horumarka dhaqaalaha sheegata, balse sabool ka ah dhinaca akhlaaqda suuban.

Dhawrsanaanta dumarku ama guud hal dhaalayda Biliso haween ,oo hada ah mishiinka laydhka u shida guryo badan oo ay ku nool yihiin aqoon badan iyo dad aan awoodin in ay raadsadaan quulta daruuriga duruufo ku xeeran awgeed ama uuba ka saaqiday kii masuuliyadeeda qaaday markuu ka soo saaray qasrigii aabaheed, oo aanay dib ugu laaban Karin maadaama ay noqotay qoys kale oo ka mida qoysaska isk duruufaysan ee ka mida qaraabada ehelka kala duwan.

Hadaba sidii uu u kobcay dhadhaqaadha xoraynta dumarku waxa uu ahaa sidan

  1. Dhaqdhaqaaqani waxa uu ku abtirsadaa oo uu ku dhashay wadamda Galbeedka ka dib markii ay dulmiyeen Dumarkoodii gaadhsiiyeena heer ay yidhaahdaan nafi ma ku jirtaa mise kuma jirto iska daa xuquuq kaloo.
  2. Waxa uu soo dhutiyaba waxa uu soo dul fadhiistay wadamada Muslimiinta gaar ahaan kuwii dagaalkii 2aad ee dunida lahaa istaraatajiyado caalamiya sida Dalka masar. Markii uu soo kasoo galay albaabka masar wadamada muslimiinta Dhaqdhaaqani waxa bilaabmay koritaankiisii.

Waxyaabaha uu u taaganyahay dhaqdhaqaaqa xoraynta dumarku waxa ka mida qodobadan:

  • In ay dumarka ka xoreeyaan Dulmi ay iyagu u arkaan Xaqadaro lagu hayo iyo sidii ay dumarwaynaha uga saari lahaayeen.
  • Dhaqdhaaqani waxa uu aad u daneeyaa in gabadha laga xoreeyo dhaqanada xun xun ee bulshooyinka qaarkood si arxan daro leh ugula dhaqmaan dumarka kuwaasoo ku baahsaan dhamaan dacalada dunidan.
  • Cida ugu way nee ay loola maan waa Culimada ku xeel dheer islaamka oo u arka kacaan diin la dagaalan oo aan ku haboonayn dunida islaamka ah, taasi oo keentay in lagalo doodo dhaadheer oo adag.
  • Iyo in gabadha laga xoreeyo Qodobo Diiniya oo shareecada islmaamku ku waajibisay gabdha mulimada ah gaar ahaan

Xijaabka,Guurka badan in la yareeyo, waxa kale oo lagu eedeeyaa in ay dhiiri galiyaan Furniinka,Sinaanka dhaxalka, iyo in gabdha islaameed si kasta ugu dayato inanta reergalbeed, haday tahay labis gasasho, iyo is dhexgalka raga iyo dumarka, ka shaqayta shaqooyinka raga guud ahaan tu aykarayso iyo tu aanay karaynba. Iyadoo uu gadhwadeen ka yahay Urur Waynaha Aduunka ee Caalamiga ah una dhaqdhaqaaqa Barnaamijkan Xoraynta Gabdha,

1899 –kii waxa masar lagu daabacay Buug ay Qortay Qaasima Amiin oo ka hadlaya (in xijaabku aanu ka mid ahayn Diinta ,dharka la doonana la xidhan karo.

1900- waxa soo baxay buugii 2aad lana magac baxay (gabadha cusub), buugan oo aan wax badan ka duwanan kii ka horeeyay aadna iskugu dhawyihiin afkaar ahaan, ilaa markii dambe la daabacay buugaag badan, lana aas aasay Jaraa’id ku hadla afka dumarka,

1945- kii Dagaalkii 2aad ee dunida ay ugu yeedhaan reer galbeedku balse dadka taariikhda baadhaa qaarkood ugu yeedhaan dagaalkii sokeeye ee yurub, Jara’idkaasi waxa uu tooshka ku sii shiday arrimo badan oo qalinka laga dhawrayay.

Waxa bilaabmay in la la doodo oo la qoro adag oo la is waydaarsaday , waxa dhacday badhtamihii afartaneeyaha 1945 in ay dhacday dhaco aad loola yaabay taasi oo ahayd in gabdh ka mida kuwa horbooda xaqa dumarka, ay shirwayne fagaare ay iskaga siibtay NIQAAMKII ay ku caana maaleen dadkii wakhtigaa ku noolaa dalka masar ee islaamka ahaa, gabdhaasi oo lagu magaabi jiray HUDA SHACRAAWI Ahaydna afadii Cali Shacraawi,

Haddii aynu dib u yar celino taariikhta 1919 –kii waxa ururku u bilaabay kacaan NIQAAM iska faydid ah oo dumarka laga siibayo indho-shareerka, iyagoo ay shirkwaynahaasi fadhiyeen Culimo badan, taasi oo ay Culimada loo qaybiyo 2 qaybood Culimada Toosan iyo Culimada (Suu) oo inta badan u adeega dadka mansabyada iyo maaliyada haysta kuna dhaw dawladaha, si kastaba ha ahatee wax taariikhdaasi is gurto waxay kusoo biyo shubatay in goobtaasi iyo halkaasi ay Huda shacraawi ku saartay indho-shareerkeedii Tareenkii isqaawinta dumarka Muslimiinta Masaarida iyo is dhexgalka raga iyo dumarka Maantana hadaad eegto Bulsho waynta reer masar in % xadi aad u badani ay qaawanaan ku caano maaleen oo ay noqotay wax iska caadiya in gabdhu surwaal gaaban iyo garan ku dhex mushaaxdo suuqyada iyo meelaha la iskugu yimaado,

Hadaba inaga doodaasi hada waa gu jir lakin waxana arkay hablaha hawshaasi wada ama loo tababaray oo xaga xijaabka aad ugaga fiican hablaha kale marka la joogo jaamacada hargeisa gaar ahaan taasi oo rajo wayn nagalisay markaad la sheekaysatana waxaad helaysaa in ay ujeedaan wado kale oo aan hayntii ay ugu talo galeen kuwa saryooya mashaariicda hourmarinta ee qaramada midoobay Undp

Wabilaahi tawfiiq.

Ahmed aw Cali Kahin(bulbul).

 Emails : ahmedckahin@gmail.com,ahmedkaahin@hotmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories