HomeDhaqdhaqaaqa Urur Siyaasadeedka WADANI oo Gabiley iyo Siyaasiyiin Ururka ka tirsan oo...

Dhaqdhaqaaqa Urur Siyaasadeedka WADANI oo Gabiley iyo Siyaasiyiin Ururka ka tirsan oo Boorama lagu soo dhaweeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley(SLpost)-Dhaqdhaqaaqa soo dhaweynta Urur Siyaasadeedka Wadani ayaa, sadexdii maalmood ee u danbeeyay siweyn loga dareemayay Gudaha Magaalada Gabiley,kadib markii ay Gabiley soo gaadheen Siyaasiyiin hor socda abaabulka,dhoolatus Siyaasadeed oo Gabiley loogu qabto Urur Siyaasadeedkaasi islamarkaana, Xafiisyo ka furay Gabiley.

blankSida ay sheegeen wararka ka ag dhow dhow Siyaasiyiinta wada Urur Siyaasadeedka WADANI ayaa lagu wadaa in maalinta Arbacada ah ee Todobaadkan dhoolatus balaadhan loogu samaynayo Magaalada Gabiley, ee Xarunta Gobolka Gabiley, iyadoo dhinaca kalena dadweynaha reer Gabiley maalamahan aad u hadal hayeen Urur Siyaasadeedka Wadani taas oo la isla dhex marayay falanqaha mowduuca rajada Siyaasadeed ee Ururkani arintaas oo ay ku suntayeen dadaweynuhu intooda badani in Ururka Wadani ee uu Gudoomiyaha u yahay Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliland C/raxmaan Ciro uu yahay, ninka kaliya ee udub dhexaadka u ah rajada Ururkaasi islamarkaana, ay inta badan bulshada reer Somaliland ku sifeeyeen in uu yahay shakhsiyad aan laheyn caadifad iyo cuqdad midna kuna sifoobay godob la,aan iyo qabyaalad la,aan midna sidaa daraadeedna, uu mudan yahay in lasoo dhaweeyo oo la taageero.

Haseyeshee qaar kale oo kamid ah dadweynaha kunool Gabiley ayaa, iyaguna odhaahda faalada ururka wadani, ugu laqimay dadaaran iyo hadalo ay gundhig uga dhigayeen talooyin ay u jeedinayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro) dadrdaarankaas oo ay ku sheegayaan in ay marka hore u qudhqudhsantey in C/raxmaan Ciro yahay oo lagu tix galinayo Shakhsiyadiisa ka meydhan Caadifada,ee Godoblaawha ah ee aan aqoon Qabayaalada laakiin, ay u gudbinayaan una laqimayaan fariin dardaaran adag ah taas oo ay dulucdeedu tahay in ay dadweynaha Reer Gabiley kasoo kaban laayihiin dhibaatada kasoo gaadhay rag ay hiil iyo hooba guntiga dhiisha iskaga dhigeen islana soo barbar taageen, Doorashadoodii iyo codyantii doorashadii Golaha Wakiilada Somaliland, hadimooyinkii kasoo gaadhay reer Gabiley kasoo kaban laayihiin maantana dhexda farta ka qaniinsan yihiin , ragaas oo dhawaaqistii Ururka Wadani amaan aan qalbiga gaadhsiisneyn ku amaanay Diblamaasiyada Ciro.

blank“Bashiir waa hadlaa, oo weedha shacabka waa u yidhaah, Adigana waanu ku ognahay inaad tahay Siyaasi Diblamaasi ah oo aan laheyn calool xumo, caadifad cey iyo Godob midna berina ka ah qabyaalada ina baabiisay, haseyeeshee, waxaanu kugu dardaareynaa hadaanu reer Gabiley nahay inaanad noo soo kaxeysan ragaanu garaneyno, oo kugu beer laxowsada Golaha”Sidaa waxa Yidhi Ciise Muxumed oo kamid ah dadweynaha Reer Gabiley.

Sidoo kalena, waxa iyaguna aragtiyo iyo dhambaalo soo dhaweyn ah oo isku wada mid ah ka bixiyay, aragtida Urur Siyaasadeedka Wadani qeybo badan oo kamid ah Ururada Haweenka Gabiley, kuwaas oo ku sifeeyay in Ururakani iska meydhay arimo la xidhiidha qabyaaladii dabarka u aheyd Xisbigii Ucid isalamarkaana, Siyaasiga Ciro maanta loo taageerayo khiyaanadii Waqaf,iyo dafiraadii Faysal labadaba taas oo ay suurta gal ku tahay in uu illaahay u rumeeyo riyadiisa oo Soma,lliland ku hogaamiyo Siyaasad qabow oo diblmaasinimo ka muuqato.

Dhanka kale, Habeenimadii xalay ayaa qaar ka mid ah dhinayarada Magaalada Boorama ay casho sharaf u sameeyeen siyaasiga  Axmed Mu’min Seed oo horey uga tirsanaan jiray xisbiga UCID iminka ka tirisan urur Siyaasadeedka Cusub ee dhawaan lagaga dhawaaqay Somaliland ee Wadani.

Siyaasiga iyo dhalinyaradan ayaa kulan gaaban oo ay galeen cashadii ka dib waxa ay ka wada sheekaysteen arimo badan oo dhinaca siyaasada ah iyo ahmiyada ay leedahay in ay dhalinyaadu taageero u fidiso ururrada cusub ee dhawaan la furay oo uu ugu mudan yahay ururka Wadani, waxaa halkaas hadalo ka soo jeediyay Siyaasi Axmed Mu’min Seed waxa uuna ka warbixiyay xaaladihii kala danbeeyay tan iyo intii uu siyaasada Somaliland ku jiray, waxa uuna sheegay in uu iminka ka soo diga rogtay xisbigii horey uu uga tirsanaan jiray una soo diga  rogtay ururka cusub ee Wadani  oo uu sheegay in uu gudoomiye ka yahay ruug cadaa siyaasiya oo iminka ka mid ah raga hogaanka iyo dhidibada dawlada Somaliland u haya oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Mud. C/raxmaan Cirro xisbagaas oo uu sheegay in ay dhawaan kaga dhawaaqeen magaala madaxda Somaliland Ee Hargaysa Magaciisana la yidhaahdo Wadani.

Siyaasi Axmed Mu’min Seed ayaa sheegay in ay maalinimada Khamiista ah xafiiskii labaad ay ka furan doonaan magaalada Boorama halkaas oo uu ka soo qayb gali doono gudoomiyaha urursiyaasadeedkan Wadani Mud. C/raxmaan Cirro, waxa uuna dhalintii ka codsaday halkaas iskugu timid in ay ka qayb qaataan soo dhawaynta  Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cirro.

Sidoo kale waxaa iyagna halkaas hadalo taageero iyo soo dhawayna u muujiyay dhalintii casho sharafta ku maamusay Mud. Axmed Mu’min Seed waxana ay balan qaadeen in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Siyaasigan iyo Urur Siyaasadeedkan Wadani maalimada Khamiistana ay noqon doonaan ka dhalin ahaan kuwa ugu soo hordhaweeya.

Si kastaba ha ahaatee, Urur siyaasadeedkan cusub ee Wadani ayaa noqonaya kii labaad ee Boorama xafiis ka furta.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories