HomeDhaqanka Xun Diid – W/Q: Prof. Cabdislaam Yaasiin

Dhaqanka Xun Diid – W/Q: Prof. Cabdislaam Yaasiin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dhaqanka xun diid. Garashada xumaha iyo wanaagu waa dhalan Ilaahay aadamaha ku abuuray. Meel kasta oo uu aadamahu joogo, ama diin kasta oo uu rumaysanyahay, ama hodan iyo sabool midka uu yahay waxay ka siman yihiin inay u arkaan in beentu xuntahay, runtuna wanaagsantahay; in tuugadu xuntahay, tuugo la’aantuna wanaagsantahay; in khiyaamadu xuntahay, daacadnimaduna wanaagsantahy; in samir la’aantu xuntahay, samirkuna wanaagsanyahay; in bakhaylnimadu xuntahay, deeqsinimaduna wanaagsantahay; in aqoon la’aantu xuntahay, aqoontuna wanaagsantahay; in mabda’ la’aantuna xuntahay, mabda’u wanaagsnayahay; in adoonsigu xunyahay, xornimaduna wanaagsantahay; in ga

Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin

rsoor la’aantu xuntahay, garsoorkuna wanaagsanyahay; in maamulxumadu xuntahay, maamulwanaaguna wanaagsanyahay.

Dhaqanka xun diid; oo maamulxumo waa dhaqan xune diid. Maamulxumada ina haysa ee dadkeena iyo dalkeeniiba ragaadisay dhaqan ayay noqotay. Dhaqankaasina wuxu sal ku leeyahay maamulkii kelidii taliska ahaa ee Faqashta, “Ayax teg, eel se reeb.” Maalmulkii Faqashta wuxu jideeyay madaxweyne loo sacabiyo sax iyo qaladba; madaxweyne been loo sheego oo runta lagala baqo; madaxweyne la gaadhsiiyo inuu dadka iyo dalkaba leeyahay.

Wuxu dhaqankaasi dadkii midiidinka ka dhigay keenay in dadku danta gaarka ah uun ka shaqaysto, hadday tahay mansab uu helo ama maal uu helo, danta guudna baylihiyo. Waxa kale uu keenay inay dhaqan noqdodaan nifaaqa iyo beentu; laguna celceliyo amaanta iyo weyneynta madaxada iyaga oo aan u qalmin amaan iyo weynayntoona.

Dhaqanka afka ayaa sida. Maanta waxa afkeenii ku badan oo caadi noqotay erayayda: “Madaxweyne”, “Gudoomiye”, “Xildhibaan”, “Wasiir”, “Agaasmi” iyo wax la mid ah. Inta badan marka magacayadaa loogu yeedhi dadka ixtiraam qalbiga jira ma aha ee waa afka baarkiisa. Waa nifaaq siyaasi.

Fasaad nifaaqa ka weyne ma jiro – siiba kiisa siyaasiga ah. Dhaqankaasi qofka isaga oo nool ayuu dilayaa, maxaa yeelay, wuxu ka dhigayaa qofka miidiidin kaba qaad u noqda kolba ciddii xukunka haysa. Waana aafo weyn oo sida xarka bulshadeena maanta gashay. Waxaanay dhalisay in xaaraantiina la xalaashado; xalaashiina la xaaraantimeeyo. Cidhibteeduna waa dulinimo, darxumo, dubudhac, iyo dad la’aan, iyo aakhiro seeg.

Sida darted, haddii aynu nahay bulshada Somaliland, dhaqanka xun ee faasidka (siiba nifaaqa siyaasiga) ee bulshadeenii iyo dalkeeniiba ragaadiyay waa inaynu tilmaanaa oo diidnaa. Waana inaynu ku bedelnaa, “Xaal iftiin baa la qashaaye” dhaqan furan oo ku socda: nuur, nidaam, iyo nadaafad. Wa billaahi tawfiiq.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories