HomeDhaqan Xumada Qurbe-joogta Soomaalidu Ku Hayaan Qolqol-joogtu waa mid soo Badanaysa

Dhaqan Xumada Qurbe-joogta Soomaalidu Ku Hayaan Qolqol-joogtu waa mid soo Badanaysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Qurba joog iyo Qolqol joog

Qurba joog waxaa lagu macanayn karaa qof ama koox Dalkay dhalasho ahaan ka soo jeedeen dal aan ahayn ku nool ama degen taas oo haduu doono muddo dheer ku noolaan karo isagoo laga yaabo inuu ku guursado oo uu caruuro ku dhalo ka dib dhalasho iyo basaboor la siiyo luqadii dalka lagaga hadalyay iyo dhaqankii bulshadaba la qabsado haddana wuxuu ku noolyahay meel lagaga tiro badanyahay oo uu shisheeye ka yahay.

blankQolqol joog waa bulshada iyagu ku nool ama jooga dhulkii ay awoowyashood ka soo jeedeen ee Ilaahay ku beeraya waana dadka loo soo waaarido dhaqanada shisheeye ee dhibaatooyinka  ku qaba  qurba joogta ku soo qulqulaysa ee bulshada fasahaadinaysa.

Somaalidu badanaa  waxaa lagu sifeeyaa dad ay wadaniyad jacaylku ku yartahay badanaana jecel inay dhulkooda iskaga tagaan oo ay waddamo kale iskaga nolaadaan oo ay luqadahooda bartaan afkoodii hooyana ka xishoodaan.

Soomalidii hore ee xoola dhaqataada ahayd marka ay doonaayaan inay ka tagaan dhulkood sifo aan sharci ahayn waxaa looyaqaanay Tacabir waqtigan aynu joognana waxaa loo yaqaan Tahriib.

Tahriib iyo Tacabir waa habab  sharcidarro oo dadku ku galaan waddamo kale iyagoo badanaa ka gala xagga baddaha iyo dhulka iyagoo sifo sharcidarro ah ku jooga dalalkaas oo hadba iska qariya hayadaha ku shaqada leh inay la socodaan soo galootiga muddo markay sidaa ku jiraan aakhirka waa laqabtaa wadamada qaar sharci bay siiyaan halka qaar kalena ay soo tarxilaan  oo ay ku soo celiyaan meelihii ay markii hore ka yimaadeen.

Aynu usoo daadagno dulucda maqaalkeenan aynu kaga hadlayno dhibaatooyinka iyo dhaqan xumada ay inagu soo kordhiyeen dadka Soomaalida ah kuwaas oo inagag imanaya waddamada shisheeye  gaar ahaan Waddamada  yurub iyo ameerika ee aanay ku badnayn ku dhaqanka diinta islaamka dadkoodu haystaan diimaha kala duwan halka qaarkoodna ay aaminsanayihiin  inay iska nooladaan oo anay cidnaba cabudin hadaba maxay yihiin dhaqanadaa ay inoo soo warideen.

Balwadaha Kala Duwan Ee Dhalinyaradu Isticmaasho.
Waxaa marba marka ka danbaysa dhaliyaradeena ku soo badanaya isticmaalka balwadaha khatarta ku leh Caafimaad Ahaan, Jidh Ahaan Iyo Maskax ahaan isla markaana mustaqbalkoodana ku ridaya god madow oo aan ka soo noqosho lahayn. Tusaale ahaan
Xashiishada beerashadeeda iyo isticmaalkeedu waxa uu ingaga yimi xagga Ethopia waxa inoo soo wariday dad Soomaali ah oo qurbo joog ah kuwaas oo garanaya  sida loo isticmaalo waana ta sababtay inay dhallinyarro badan oo qolqol joog ahi isticmaalaan oo ay mustaqbalkooda ku wayaan ama ay nolosha ka dhacaan, waxaynu ku jirnaa dhibaatooyinka ay balwadaha la ina la soo dhaafiyo ay bulshadeena ku yeesheen 21 jully 2019 waxaa hotel maansoor ka dhacay tobabar dhalinyarro reer Hargaysaa lagu baryay sida loo isticmaalo buuriga ama xashiishada loo yaqaan“Lift’’ wallow ay rag cadaan ahi wateen haddana waxaa turjumaan ka ahaa rag Soomali ah oo fahmaya luqada ay dadkaa cadaanka ahi ku hadlayaan inkastoo haldoorka bulshadu ay fahantahay dhibaatada ay bulshada u leedahay Buurinagan “Lift’’ kuwaas oo dawlada ku khasbay in dalka ka joojiso isla markaana ay kala noqdaan liisankii ganacsiga ee ay hore u siisay Shirkadii keenaysay Xashiishandan cusub.

Guurka Qurba Joogta Iyo Dhibaatooyinka Ku Gedaaman
Guurku waa xaalad Ilaahay inoo baneeyay si aynu ugu gudano shawadeena qaab xalaal bulshada ugu soo kordhino jiil cusub oo hadhow dadka, dalka iyo diintaba anfaca, iyadoo taasi jirta dadkeena dibadaha inanga yimaada waxay sameeyaan guurar bulshada dhibaato iyo fasahaad u horseeda waxaana ka mid ah.

Guur Qaaliyaynata: Nin qurbo joog ah ayaa waxaa uu imanya dhulkiisii hooyo isagoo markaa sita lacag badan sifuhu doono ha ku soo shaqaystee ka dib wuxuu daydaynayaa qof dumar ah oo da’yar ama mid Bulshada magac ku dhex leh oo caan ah sida Weriye, Fanaanad iyo wixii la mid ah islamarkaana wuxuu kula heshiinayaa inuu guursanyo oo goobta lagu meherinayo uu gaynayo lacag tiro badan, meherkeedana ay qabsato Dahab badan taas oo ay ka yaabaan dadka madashaas ka soo qaybgalay iyadoo  hadhowna marka uu Arooskoodu dhaco intuu dib u dhoofo uu usoo dacwoonayo ka dibna uu sidaa ku dhoofinayo, Riyadaa beenta ah ee uu dhisayo waxay bulshada qolqol joogta ah ku reebtaa saamayn ba,an taas oo sababta in dumar badani raggii guursan lahaa ay ku xidhaan inuu sameeyo sidaa uu ninkaa qurbo joogta ahi  sameeyay haddii kale aanay doonyn guurkiisa sidaana uu ku baaba’o reerkaa cusub ee ku soo biiri lahaa qoysaska islaamka ah ee dunida ka jira.

Riyadaa beenta ah ee uu Gabadhaa miskiimada ah  u sheegay ninkaa Qurbo jooga ahi waxa kaloo ay sababtaa inay Qoftaa dumar ahi nolosha ka dhacdo ka dib marka uu rumayn kari waayo Tusaale ahaan:
Dumarka Balwadaha leh: balwadaha kala duwani sidoo daba kuma wanaagsana  dumarka inay isticmalaan madaama ay caaryihiin oo aan caqligoodu ku filnayn waxay usababaysaa ama ay ku hogaaminaysaa inay xishoodka ka tagto oo ay dariiqyada ragga ku qabqabsato iyadoo ku xargoonaysa oo moodaysa inay wax fiican samaynayso.

Dumarkaa aynu ka sheekaynayo ee qaadka cuna badankoodu waa kuwo nimankii qabay ay dibadaha ku maqanyihiin oo ay qurbo joog yihiin isla markaana aan ogeyn waxa ay ku suganyihiin dumarkoodii uu Ilaahay masuul uga dhigay.

Dumarka Gogol Dhaafka Sameeyaan: Gogol dhaafku waa galmo xaraan ah oo aanu sharcigu ogalayn taas oo ay ku kacaan ama sameeyaan dadka reeraha lehi.
Inkastoo ay yaryihiin dumarka ku kaca falkaa foosha xun madaama ay bulshadeenu tahay kuwa islaam ah haddana haweenka ficilkan xaraanta ah sameeya waa kuwa ay nimanka qurba joogata ahi qabaan, madaama uu ninkeedii usoo dirayo biil badan cuntooyinkaa kala duwan ee ay cunaysaa waxay sababaysaa inay kaantarooli kari waydo shahwadeedi madaama aanuu saygeediina udhawayn waxay ku kacaysaa falalkaa xaraanta ah.

Markay qurbo joogtu gaadho waqtigii fasax la siinayay isla markaana ay dalka imaadaan waxaa bata furiinka ay ugaysanayaan dumarkii ay qabeen ee ay inta badan ka maqnayeen iyagoo badankoodu ku eedaynaya in gogoldhaaf ay sameeyeen Xaasaskoodu mudadii ay ku maqnayeen dalka dibadiisa.

La soco qaybta labaad
W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories