HomeDhaqan Gal La’aanta Xeerka Bangiga Dhexe Ee Somaliland Ma Waxa Lala Sugayaa...

Dhaqan Gal La’aanta Xeerka Bangiga Dhexe Ee Somaliland Ma Waxa Lala Sugayaa Hanaqaadka Bangiga Dhexe Ee Somalia? – W/Q: Mohamed Dahir (Hiiliye)

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

hiiliyeQAYBTII KOOWAAD

Waxa aan hore oogaga hadlay intiinii la socotay arrimo gundhig u ah dhisida bangiga dhexe ee Somaliland maqaalkii cinwaankiisu ahaa “MAXAA LOO BAAHANYAHAY SI LOO DHISO BANGIGA DHEXE IYO BANGIYADA QANACSIGA  SOMALILAND?”. Hadii aad ku qorto googleka cinwaankana waxa aad ka helaysaa mareegaha internadka.

Maqaalkan waxa aan rabaa in aan ku iftiimiyo sharciga bangiga dhexe oo Madaxwaynuhu saxeexay 12 April 2012,oo imika laga joogo sanad buuxa,balse aan la dhaqan galin. Waxa aan si gaar ah uugu eegi doonaa arrimaha loo sibirsaarayo dhaqangal la’aantiisa iyo waliba awoodaha iyo madaxbanaanida uu siiyay xeerkani bangiga dhexe.

Waxa kale oo aan ku eegi doonaa maqaalkan saamaynta uu ku yeelan karo bangiga dhexe ee Somalia iyo lacagta uu soo daabacanayaa lacagta Somaliland iyo bangiga dhexe ee Somaliland,anigoo waliba si gaar ah  diirada u saari doona aqoonsiga IMF ee bangiga dhexe ee Somalia iyo sidoo kale  heshiisyada cusub ee  Somaliland iyo Somalia dhex maray iyo kuwa mustaqbalka dhaw la filayo in ay dhexmaraan.

XEERKA BANGIGA DHEXE: XEER LR.54/2012

Xeerkan waxa uu saxeexay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mudane, Axmed Maxamed Maxamud Siillanyo 12 April 2012,oo imika laga joogo sanad iyo saddex maalmood,nasiib daro se aan la dhaqan galin.Xeerkani waxa uu ka kooban yahay 139 qodob,oo hadii la hirgalin lahaa ka dhigi lahaa bangiga dhexe bangi dhexe oo rasmi  ah  (The bank of last resort)  halka uu imika ka yahay khasnad dawladeed,oo lacagta lagu xareeyo lagana soo saaro,oo haba yaraatee aan saamayn kale lahayn.

QAAB-DHISMEEDKA IMIKA BANGIGU KU HAWL GALO

Wakhti xaadirkan qaab-dhismeedka bangigu waa gudoomiye,ku xigeen,iyo agaasime guud. Dhab ahaana waxa shaqeeya gudoomiyaha iyo agaasimaha guud,oo aanay si cid ugu kala qeexnayn shaqadu,kuna kala awood sareeya kolba kooga ka agdhaw madaxtooyada. Ta kasii khatarsani waxa weeyi ayaa iyaga ka sii sareeya oo dusha ka eega oo aan ahayn siyaasiyiin balse ah dad aqoon,khibrad iyo dhexdhexaadnimo leh?,jawaabtu waxa weeyi ma jiraan cid dusha ka hagta oo leh astaamahaa aynu soo sheegnay,balse waxa haga maamulka madaxtooyada oo inta badan sida caadadu tahay dhinaca siyaasada wax ka eega,ayna dhici karto in ayna haysan dad aqoon gaar ah u leh milgaha maamulka bangiyada iyo maaliyada.

QAAB-DHISMEEDKA XEER LR.54 DHIGAYO

Sida uu dhigayo qodobka todobaad ee xeerkani,qaab dhismeedka Baanka Dhexe ee Somaliland waxa uu ka koobnaanayaa:

  1. Guddiga agaasinka (board of directers) oo ah unuga ugu sareeya ee siyaasadeed samaynta iyo go’aan qaadashada.
  2. Gudoomiye, kaas oo u xil saaran maaraynta iyo hogaaminta guud ee Baanka Somaliland.
  3. Gudoomiye ku xigeen iyo agaasime guud oo masuul ka ah socod siinta hawl maalmeedka.
  4. Saraakiisha iyo shaqaalaha kale.

Hadaba,suaasha iswaydiinta lehi waxa weeyi maxaa loo dhisi waayay guddiga agaasinka (board of directors)?,maxaa lala sugayaa?,waayo waa talaabada uugu horaysa ee muujinaysa in diyaar loo yahay iyo in kale in bangiga dhexe dhismo,ka dibna ay dalka ka hirgalaan bangiyada qanacsigu.

LA SOCO QAYBAHA KALE

By: Mohammed Dahir Ahmed (Hiilliye)

Certified Chartered Accountant (ACCA)

M_ddahir1@yahoo.co.uk

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories