HomeDhaqaaq - W/Q: Faadumo Buuni

Dhaqaaq – W/Q: Faadumo Buuni

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankDhaqaaq, una dhaqaaq dhanka guushu kaa xigto. Ha ka soo jeedsan iyada balse ka daba tag ha is odhan, “Way kaa baxsatay mana gaadhayasid.” Waad gaadhaysaa weliba iyada oo kula faraxsan. Way kula cawayn doontaa markaasaad dareemi doontaa daryeel aad u baaxad wayn! Balse marka hore waxa dhab ah in ay ku daalin doonto, weliba ilmo badan kaa qubi doonto. Tanni waa sunnada guusha iyo astaamaheeda lagu yaqaan.

Miyey kula tahay inaad u mari doonto iyada waddo siman oon qodax iyo dhagax oolin? Miyeyse kula tahay in aanad dareemi doonin xanaf iyo xagtino badan? Ka raadi guusha gacmaaha, masxadaada iyo muruqaaqa. Maxaad cidkale waxay samaysteen ugu hanqal taagi?

Maxaad u diiddan tahay inaad dhaqaaqdo ood ka kacdo goobtaad maanta ku sugantahay haddii dareenkaagu kuu sheegayo inaanay ahayn halkii aad u baahnayd ama kugu habboonayd inaad joogto. Waxa kugu jira awoodo badan oo aad wax ku qabsankarto, ku shaandhayn karto kuna garankarto. Maxaa markaas kuu diidday inaad dhaqaaqdo?!

Maxaad u odhan, “Haddaan gaadhi lahaa halkay hebel ama heblaayo tagtay ama aan dal hebel tegi lahaa aad baan guul wayn u gaadhi lahaa weliba aad baan u farxi lahaa. Haddaan haysan lahaa waxa ay haystaan oo kalena farxaddayda lama soo koobi kareen!” Farxaddaadu kuma xidhna intaas balse waxay ku xidhan tahay intaad haysato inaad rumaysatid inay wax wayn kuu tarayaan.

Raadinta farxaddu kuma xidhna wax kaa maqan balse waxay ku xidhantahay hadba intaad haysto ood Rabbigaa ugu mahadnaqdo inta uu ku siiyey kuna faraxdo. Ha is odhan,” Toloow ma Rabbibaa kaa jecel iyaga?” Maya kaama jecla iyaga balse waa imtixaan adiga iyo iyagaba lagu imtixaamayo laguna eegayo bal sida ay iyagu ugu mahadnaqeen wanaaga la siiyey, adna hadduu kaa maqanyahay wanaagaasi la eegayo sida aad ugu samirto sugitaankiisa. Qaybintana Rabbibaa iska leh ee adigu shaqo kuma lihid.

Hal talaabo qaad si aad u qaado talaabo labaad. Dhaqaaq hana soo jeedsan, haddaad soo jeedsato waxa suurto gal ah in aanad ku jeedsan waxaad ka soo jeedsatay. Go’aanka ah inaad soo jeedsan markaad gaadho Rabbi talo saaro isagaa ugu wanaagsan cid la talo saarto.

Ugu danbaynna, u dibjir ilaalinta diintaada, daryeelka dadkaaga iyo dalkaaga markasta.
Dhammaad

 

W.Q: Faadumo Buuni
libaaxo.77@gmail.com
Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories