HomeDhaq-dhaqaaqyadii u dambeeyey Dhammeystirka Heshiiskii Madaxweynaha iyo Xisbiyada Mucaaradka

Dhaq-dhaqaaqyadii u dambeeyey Dhammeystirka Heshiiskii Madaxweynaha iyo Xisbiyada Mucaaradka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Toddoba maalmood ayaa laga jooga maalintii ay Madaxweyne Biixi iyo xisbiyada mucaaradku kala saxeexdeen heshiiska ay ka gaadheen khilaafkii siyaasadeed kaas oo uu ka soo shaqeeyay ergayga Midowga Yurub.

Heshiiska oo ay sharci yaqaanadu ku tilmaameen mid ka baxsan sharciga dalka, ayaa ka kooban 7 qodob ayaa waxaana ugu muhiimsan inay doorashooyinka deegaanka iyo wakiiladu qabsoomaan sannadkan 2020 iyo inay guddiga doorashada ee jirta oo ay xisbiyada mucaaradku ku soo dari doonaan labadooda xubnood ay la shaqayn doonaan guddigii hore ee doorashooyinka oo loo bixiyay Technical election management UNIT (TEMU), kuwaas oo qabanaya inta badan shaqada guddiga doorashooyinka qaranka. Waxa guddigan hore ee loo bixiyay guddiga farsamo sidoo kale ka mid ah 3 xubnood oo ajaanib ah.

blankToddobaadaas maalmood ee laga joogo saxeexii heshiiska ma muuqdo wax horumar ah oo ay labada dhinac sameeyeen, marka laga tago inay saxeexeen heshiiska, waxase ay muddadaas toddobaadkan ah hoos u dhigeen eedaymihii kala duwanaa ee ay warbaahinta isu marin jireen.

Waxa aamusan oo aan weli mawqifkooda rasmiga ah la haynin guddiga doorashooyinka ee xilka haya oo uu Madaxweyne Biixi la kulmay habeenimadii heshiiska la saxeexayay, una bandhigay nuxurka heshiiska.

Guddigii hore ee doorashooyinka oo hadda ah guddi farsamo ayaan iyagana mawqifkooda si rasmi ah loo haynin, waxase la sheegay inay salaasadii kulan la yeesheen wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, waxaana la filayaa inay maanta kulan la yeeshaan Madaxweyne Biixi.

Labada xisbi mucaarad ayaan iyaguna weli soo magacaabin labadii xubnood ee ay ku lahaayeen guddiga doorashooyinka oo uu heshiisku dhigayo inay soo magacaabaan. Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in labada xisbi mucaarad eegayaan xaalada uu ku dambeeyo heshiisku oo ay ku go’aan qaadan doonaan.

Geesta kale madaxda labada xisbi mucaarad ayaa xalay kulan la yeeshay Madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, waxaana la sheegay in kulankaas oo albaabadu u xidhnaayeen ay labada dhinac kaga wada hadleen sii ambo qaadka heshiiskii khamiistii hore la saxeexay.

Xigasho: Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories