HomeDhammaan Waa Wada Heshiis

Dhammaan Waa Wada Heshiis

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Horumar waliba dunida waxa uu la yimaaddaa dib u dhacyo hor leh oo mija xaabiya horumarka laftiisa. Tan iyo sidii Soomaalilaan u hanaqaadday meelaha horumarka la taaban karo ku

tallaabsaday waxa ka mid ah waxbarashada.Dhawaan ayaa la soo gabagabeeyay imtixaannadii dawliga ahaa ee fasallada afraad ee dugsiyada sare iyo fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe. Haddaba inkasta oo aanay ahayn markii iigu horraysay ee aan ka qaybalo ilaalinta imtixaannada dawliga ah haddana sannadka waxaan arkay waxyaabo iga yaabiyay.

Maalinti u horraysay ee imtixaanka la bilaabay oo ku beegnayd 7-Juun-2015 maalin axad ah markii aan iska xaadiriyay goobtii aan ku qorraa, waxay markiiba indhahaygu ku dheceen meel aan sidii aan goob imtixaan ku aqaannay ahayn. Dhammaan dadka meesha ka shaqaynayay oo iskugu jiray macallimiin, madaxa goobta iyo maamulka kala duwan ee ardayda goobta ku galaysay watayba, waxa laga sinnaa oo ay dhammaantood heshiis ka ahaayeen in ardayda aan lagu samayn wax ilaalo ah oo sharci ah.

Inkasta oo aanan garan sababta dadkaas oo dhammi isugu raaceen arrintaa aan fiicnayn, haddana waxa ii sii caddeeyay islamarkaana arrintaa daaha iiga qaaday kadib markii niman barayaal ah oo ka socday mid ka mid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay ay ilaalada yara adkeeyeen, kadibna ay ardaydii cabasho u soo gudbiyeen madixii goobta iyagoo u soo marinaya maamulahoodii oo isna meesha nala joogay.

Muddo yar kadib meeshii waxa ka dhashay buuq iyo hadal laysku celceliyo, taasoo keentay in markii danbe madixii goobtu ku dhawaaqo inuu shaqada ka saarayo barayaasha ka socday dugsiga gaarka ah (private).

Haddaba inkasta oo aan la odhan karin si cad ayay heshiis ugu yihiin oo afka lagu ballaadhinayo, haddana waxaad garan karaysaa marka aad gunta ugu daadegto in xafiiltanka iyo tartanka sii xoogaysanaya ee ka dhexeeya  dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka ah ee baryahan danbe sii xoogaysanayay, uu saamayn toos ah ku leeyahay arrintan aynu ka hadlaynno.

Dadkaa waxa kaloo iga yaabiyay hanweyni iyo cirweyni mid ay ka tahayba, sida ay u doonayaan inaad xeer walba  jabiso. Tusaale ahaan waxyaabaha ay dalbanayeen ee ay doonayeen in aanu ardayd u samaynno waxa ka mid ah, in aanu ardayda u fasaxno buugaagta, mooobillada iyo kaalkuleetarrada. Waa yaabe marka aan intaa fasaxo maxaan qabtaa, illayn carruur aad fartayda qaniin tidhaahdaa fanaxay u boodaane.

Ta kale ee ka sii darani waxay ahayd, waalidiinta oo iyaguna dugsiga dibaddiisa fadhfadhiyay oo markaad sii galayso iyo markaad soo baxaysaba indhaha  kula wada raacaya, malaha si ay muuqaalkaaga uga akhristaan nooca aad noqon doonto, ma mid ardaydooda si ay jecel yihiin u sameeya mise mid sida sharciga ah u ilaaliya.

Arrinta sii fududaysay in ardaydu si waalli ah qishka ugu walfaan ayaa ah buug dhawaan laga diyaariyay dhammaan imtixaannadii la soo dhaafay ee sannaddadii hore la qaaday kuwaas oo hal meel laysugu keenay. Buugaagtaa waxa la sheegay in xafiiska imtixaanaadku ka soo qaatay imtixaankii sannadkan isaga oo aan haba yaraatee waxba ka baddalin, oo xabbad kastaaa nambarkeedii wadato, si malaha ardayda lacagta badan buugta laga siiyay aanu ugu hungoobin.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Warsame

Email:cbdrxmngeni@yahoo.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories