HomeDhalinyarada Qaadanaysa Baasaboorka Somaliland oo Shuruudo Hor leh lagu Xidhay

Dhalinyarada Qaadanaysa Baasaboorka Somaliland oo Shuruudo Hor leh lagu Xidhay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Laanta Socdaalka Somaliland, ayaa shuruudo hor leh ku xidhay dhalinyarada doonaysa inay qaataan Baasaaboorka Somaliland ee doonaysa inay u baxaan dalka dibaddiisa, waxaana sababta go’aankan oo maalmihii u dambeeyey la dareemay lagu sheegay mid lagaga hortago socdaallada sharci-darrada ah ee dhalinyarada ugu baqoolaan waddamada dibadda.

Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey arrintan, ayaa sheegay inay soo rogeen shuruudo cusub oo looga baahan yahay dhalinyarada doonaysa inay qaataan baasaboorka Somaliland,

Taliye-CambaroTaliye Maxamed Cali waxa uu in go’aankani hirgalay todobaadkii hore khamiistii usbuuci hore ay joojiyeen siinta baasaboorka Somaliland dhalinyarada ilaa ay soo buuxiyaan shuruudo cusub oo lagu soo rogay qaadashadooda, waxaanu yidhi, “Laga bilaabo khamiistii waxaanu joojinay siinta baasaboorka Somaliland dhamaan dhalinyarada Somaliland, ka dib markii ay soo baxeen xogo muujinaya inay u adeegsadaan qaarkood qorshayaashooda tahriibka.”

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland waxa uu sheegay inay baasaboorka siinayaan dhalinyarada u baxaysa waxbarasho, caafimaad ama ballan safaarad dibadeed marka uu buuxiyo shuruudaha looga baahan yahay, waxaanu yidhi, “Dhalinyarada waxaan baasaboorka Somaliland siin doonaan kuwa u socda waxbarasho, caafimaad ama ballan safaarad dibadeed marka uu soo buuxiyo shuruudaha ku xidhan.”

“Shuruudaha guud ee looga baahan yahay qaadashada baasaboorka markuu soo buuxiyo, qofka dhalinyarada ee caafimaad u baxaya waa inuu keeno warqada caafimaad ay soo qoreen guddda caafimaadka cusbitaalka Hargeysa, qofka u baxaya waxbarasho waa inuu keenaa warqad caddeynaysa jaamacada uu u socdo ogolaanshaheeda iyo warqad caddeyn ah wasaarada waxbarashada Somaliland, qofka u baxaya ballan safaaradeed waa inuu keeno caddeynta ballanka safaarada uu tegayo iyo warqada ballankii loo qabtay.”

Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf (Cambaro) ayaa sheegay in sidoo kale dhalinyarada doonaysa inay qaataan fiisayaasha looga baahan yahay caddeynta waalidkood inay u socdaan hawlaha ay sheegeen.

Shuruudahan cusub ee Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland G/S Maxamed Cali Yuusuf soo saaray ayaa la filayaa inay wax ka tarto hiyiga soof-dhaqaaqa dhalinyarada Somaliland oo mudooyinkii u dambeeyey u isticmaalayey qaadashada baasaboorka Somaliland inay u fududeyso qorshayaashooda tahriibka iyo ku galaan dalka Itoobiya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories