HomeDhalinyarada, Aqoonyahanka Iyo Wax garadka Degmada A.Dhagax iyo G.HAWD Hakinta Diiwaan Galinta...

Dhalinyarada, Aqoonyahanka Iyo Wax garadka Degmada A.Dhagax iyo G.HAWD Hakinta Diiwaan Galinta Waa Cadaalad Daro

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha waxay dalka ka bilaabantay 16/1/2016. Bilawgii diiwangelintana xaaladda abaartu way ka jirtey gobollada dalka oo dhan. Bulshada Gobolka Togdheer waxay soo jeediyeen baaqyo kala duwan oo ay ku codsadeen in dib loo dhigo bilawga diiwangelinta, hase yeeshee waxa la go’aamiyey in la bilaabo diiwaagelinta iyada oo la tix-geliyey qorshe-hawleedkii qaranku isku raacay ee diiwangelinta cod-bixiyeyaasha loo dejiyey.

ddddd

Sidoo kalena abaar adag ayaa ka jirtey Gobolka Awdal waxayna codsadeen in diiwaangelinta dib loogu dhigo, lagamana yeelin. Sidoo kale, Gobollada Saaxil, Hawd iyo Gebiley oo duruufo adag oo abaaro ahi ka jireen waa laga diidey in diiwaanglinta dib loo dhigo.

Todobaadka soo socda oo ay diiwaangelintu ka bilaabmayso Gobolka Maroodijeex isla markaana aanay jirin duruuf ka duwan tii ka jirtey Gobolladii hore ee diiwaangelintu ka dhammaatey ama ay ka socoto komishankuna diyaariyey dhammaan wixii hawl ahaa ee looga baahnaa bilawga diiwaangelinta iyo iyada oo aanay jirin wax cabasho ah oo ka yimid shacbiga gobolka Maroodijeex lana xidhiidha dib-u-dhigisa diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ma muuqato mana jirto sabab loo hakiyo ama loo joojiyo.

Hadaba Maadaama Oo lagu Doodayo in ay abaaro Jiraan waxa iswaydiin leh markii Awdal iyo Selel Diiwaangalinta laga Bilaabayay abaarta ay ku jireen Miyaanay Ka Adkayn kana Xumayn Ta Maanta hargaysa loogu Hakiyay?!

Is waydiintaasi waxa ay abuuraysa Shaki Ah Xukumada iyo Axsaabteedu mawaxay u jiraan in ay u doodaan gobolda qaarkood Mise waxay masul kayihiin Dalkoo dhan.

Waxa aanu u aragnaa in Dib udhigista lagu sameeyay Diiwaangalinta Cod Bixiyaayshu ay Tahay Xaaraan , Hal xaaraan Ahi Nirig xalaal Ah Madhasho.Sidaa manta ay U Afduubeen Diiwaangalintii ayay barina U afduubayaan Doorashada.

Waxa aanu u aragnaa in go,aankani yahay Gacan Bidixayn Gobolada dalka ah.

Hadii ay dalkoo Dhan masuul Kayihiin Maxay dib u eegis ugu samayn waayeen markii ay kabilaabmaysay Togdheer iyo  Awdal ama Kuwii kadanbeeyay Ee Gabiley , Saxil Iyo Hawd.
Abaartu Dalkoo Dhan way kajirtaa ee waxa wax Lalayaabo ah In layidhaa Hargaysa oo ay ka bilaabmaysaana abaar ayay ku Jirtaa Gobolada ay hada Kasocotaana hasii wadaan Oo hadhamaystirtaan Diiwaangalinta

Ereyada ay cabireen Reer Togdheer ayaa ka Suura Galsan Marmarsiiyaha Xukuumada Oo ay Yidhaahdeen 🙁 Waanu kasoo Horjeednaa Hakinta Diiwaangalinta Hargaysa Oo lagu Doodayo In Abaari Kajirto Hargaysa waxa is waydiin Leh ayay yidhaahdeen Odayaasha reer Togdheer Diiwaangalintii Waxa ay kasocotaa gobolada Reer Miyiga ah ee reer Guuraaga ah Sida Gabiley Iyo Hawd Waana lahakinayaa Magalada caasimada ah

Anagu waxa aanu u aragnaa in markii Hore ay khalad ahayd in la bilaabo iyada oo abaaro wadanka Kajiraan , waxa Khalad 2aad ah In lahakiyo Marka wadanka intii abaaraha ba,ani kajireen ay galeen.

Waxa aanu u soo jeedinaynaa Xukuumada iyo Axsaabta Dabada Kariixayay in Diiwaangalinta la Hakiyo Gobolada ay hada kasocoto Ee saaxil , Gabiley Iyo Hawd In ay kasocoto inta Roobku da,ayo ee dadkii Hayaamay Soo Guryo noqonayo Hadii kale waa in nala Yidhaa Dadkaasi xaq uma leh In ay is Diiwaan galiyaan Ama Xukumadu Cadayso In Diiwaan galinta Gobolo gaara ah Loobaahanyay .

Go,aankan shalay ay qaateen In gaar ah oo isasoo Abaabushay waxa aanu u aragnaa in aanay Xukumada iyo Axsaabteedu Dan iyo Muraad midna Kalahayn Gobolada Qaarkood taasina waxa ay natusaysaa  sida 2 Degmo oo 10Km U dhexeeyaan Midna Xukuumadu dabada Uga Riixayso In Diiwaangalinta ay gasho  Midna dabada laga Riixo in Diiwaangalinteeda la hakiyo.

Waxa aanu u Aragnaa Xukuumada Iyo 2da Xisbi Ee Arinkan dabada Kariixay In ay Go,aamada iyo hantida umada kadhaxysa u adeegsanayaan si gaar ah .

Waxa aanu u aragnaa in Diiwaangalintii Noqotay Mid fashilantay mar hadii loo isticmaalayo Si gaar ah , Iyo Gobolo Jeclaysi.

Mudane madaxweyne joojinta ama hakinta diiwaangelinta waxay keeneysaa fashil ku yimaada diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo qaranka tacab badani ka galay, waxaana Somaliland ka soo gaadhi doona hantaaqo iyo dhibaato aanay ka soo kaban karin, iyada oo hore ay u fashilantay diiwaangelintii codbixiyeyaasha ee 2008/2009.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories