HomeDhaliilay waan Dhaliilay !

Dhaliilay waan Dhaliilay !

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Fal-dambiyeedyada dilka ah  ee ciidanka boolisku kula kacayaan dadka rayidka ah een hubka sidan  shalay waxay ahayd curdin , daraadna ugub , saakana waa caado iyo wax aan lala nixin .

 

da siyaasiyiinta  waxaad dareemaysaa  in tiirarkii  NABADGALYADA ee qarankani ugu muhiimsanaa ee xar galay , waxaynu ahayn Bulsho xaq darada iyo cadaalad xumada  aad uga dhiidhisa , Bulsho firfircoon oon quudhsiga iyo tacadiga neceb ayeynu ahayn .  Dawlad dhan, ciidan iyo cudud milatary  ayeynu hadh cad  jiidhnay sababo la xidhiidha  tacdi iyo ciiil isbiirsaday ,

Maanta se waxay u eegtahay in aragtidaasi  meesha ka baxday oo aynu ku mashquulnay wax aan sakaaro ka biiqsan . Shicibku ha i dambeyaane , Xisbiyada siyaasadda waxaynu uga baranay  caado ah,  dhacdo walba oo hoos marta xukumada in ay ka faidaystaan oo ay shicibka ku kiciyaan , una tllmaam mesha khaladku ka jiro . Maalin walba waxaynu ognahay in ay  kharashaad , wakhti iyo dadaalba ku bixiyaan agaasinka shirar jaraaid oo ay xukumada ku dhaliilaan  kolba xaalada siyasadeed ee jirta .  Tusaale ahaa (shirka jaraaid ee hebel hebel u jawabaya, shirka jaraiid ee edaynta musuqmaqusa , shirka jaraaid ee diidmada mudo kordhinta IWM)  Shirarkaasi oo intooda badan  si adag ay xisbiyadu u hadlaan ilaa ay gaadho mararka qaar in ay MUDAHARAAD IYO KALE GUUR ku baqaan . Taasi oo ku tusinaysa heerka ay awoododu gaadhsisan tahay .

Hadii xaal sidaa yahay, Bal u soo noqo oo u fiirso doorka iyo muhiimada ay xisbiyada qaranku siiyaan ka hadalka , u doodida iyo la dagaalanka dilalka macno darada ah ee bulshada rayidka ah een hubka sidan lagu laynayo .  dib u soo tiri kow , laba , saddex …. ilaa intaad doonto wad .  Hal marna arki maysid xisbi siyaasadeed Mucaarid iyo muxaafid kuu dono ha ahaadee , oo Ahmiyad siinaya ka hadalka  iyo ka murugoonta iyo u tacsiyeynta qoysaska ay dhibaatadu ku habsatay .

Hadda mar walba waxaad aragtaa “Siyaasi hebel oo si adag uga hadlay Hebel baa taliya iyo heblayaa talisa”  ama “xisbi hebel oo ku baaqay mudaharaad  hadii doorasho la qaban waayo” Walise ma aragtay  iyaga oo misaankaas iyo culayskaas mid la mid ah siinaya ka hadalka dilalka Macno darada ah ee booliskeenu caadaysteen ?  Anigu Ma sheegin  Siyaasi hotel ka shaaxaynaya  oo saxaafadu  microphone ka hoos dhigtay .  Waxaa aan ka hadlayaa Xisbi dhan oo abaabulan , siyasiyiin qiiraysan oo  amakaag iyo anfariir ka muuqdo lana yaaban waxan dhacay ,  ka xun oo dhiigu dhaqaaqay ,

Ma sheegayo  nin intuu Tv iska soo istago  AFAR EREY idhaahda oo iska dhaqaaqa ,  Ma sheegayo nin  Waxa uu leeyahay  iyo dareenkiisu anay isla socon . oo isagoo  tacsi iyo geeri ka hadlaya Madaxa iyo daanka xoqonaya Caajis iyo dananayn la,aanina ka muuqato .

Intaas oo dhan hadii aanan hayn , adna aanad hayn sow micnaheedu maaha in fariin cad laynoo dhiibay .  saxHadaba aan u soo noqdo shacabkiiye , Dadkaygoow  isku duubni wadareed baa laynooga bahan yahay , Ma jiro qoys ama qof aanay meel uun iska soo galin  ciidanka  booliska ,  Hadii dowlada iyo cidii aynu dirsanay ay  ANSHAX IYO ASLUUB  midna bari wayday ciidankeeni , Inagu aynu is dirno oo qof walowba  WALAALKAGA , INADEERKA , ABTIGAA AMA CIDDA EHELKAAGA AH ee ciidanka  ku jirta u nasteexee , waani oo  dareensii sida aad uga xuntahay waxa ay askartoodu samaynayn aynu qaadno olole hoose  oo  dardaaran iyo isku nasteexayn ah .

Ku kaca iyo la dagaalma xal ilama aha , xalku guryaheena ayuu ku jiraaa aynu u nasteexayno ,  saska iyo nacaybkan ay bulshada u qabaana  aynu isu soo dhawaansho ugu badalno , Ileen dan baa tidhiye

Qalinkii Cabdicasiis Cali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories