Home“Dhalandhoolka dhallaanka dhib weyn baan ku Qabaa” – W/Q: Samataliye Cabdisitaar Dubad

“Dhalandhoolka dhallaanka dhib weyn baan ku Qabaa” – W/Q: Samataliye Cabdisitaar Dubad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

cabdisitaar“Dhadhamada dhalaankani

dhul-shisheeye loo dhigay

dhulgariir ka Daraneee

dhalintii dhulkaygaay

 dheef miyaad u aragteen

dhalanteedka Yurubee

afrikaan dhiciisiyo

Magafiyo dhibtiisii

Saxarii dhunkaal iyo

Cunay Dhaayahaygii

Dhamaantood dadkaygii

Dhimashada u wada qoray”

        Ereyadii Samataliye Cabdisitaar”

Tahriibku (Illegal Immigration) waa Aafo, Musiibo iyo mahalako bulshada Afrikaanka guud ahaan gaar ahaana Umadeena Somaliyeed  saamayn baaxadleh ku haysa, waa cudur iyo Caadaysi galaaftay  kumanaan kun oo da’yartii cilmiga iyo cududa u ahayd dalka, waa mushkilad maaraynteeda aynu guud ahaan masuul ka nahay aynu u sii kala mudnaanee, waa Mihnad mudooyinkan danbe meherad u noqotay wax magarato maan-raac ah oo aanay masuuliyadi ka saarnayn umadan haadka shimbiraha iyo hanfiga saxaraha loo dhigayo ama badweyn lagu haligayo  inta huudhi buufimo ah si hoosiis ah habeen loogu guro..

Hadaba su’aasha taagani waxay tahay Tahriibku ma wuxuu noqday tab iyo xeelad aynu waalidkii inagu soo tabcay ugu bedelayno  tiiraanyo, tacab khasaar iyo taftaaf aduunyo?

Inay bulshada cududoodii mustaqbalka iyo maantu ay badaha ku dhamaadaan ma waxay noqotay tamartii ugu danbaysay ee nolosheena aynu kula tacaalo?  Maxaase inaga hortaagan inaynu hankeena iyo himilada mustaqbalkeena ku hagno hiyi toosan oo horumar nafaheena iyo dalkeenaba u horseeda.

Somaliland waa dal hodana oo khayraadkiisa dabiicaga ahi kufilaan karo dunida kalena anfici karo hadaynu madax iyo minjo  isu xulafaysano mustaqbal ifaya oo bulshadu kaga guurto halkan aynu taaganahay  ee niyad xumada iyo rajo beelka da’yarteenii ku abuuray,

Hadaynu guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dhinacyada  qaranku ka kooban yahay ay xafiiltanka siyaasadeed iyo isu xulafaysiga shakhsi araga ah intaynu dhan isakaga Tiirino u tafaxaydano tayaynta  bulsho isku tiirsan oo dhaqaale iyo maamul xoogan leh oo musuqmaasuq iyo cadaalad daro ka madhan kuna dhisan mabda’a maamul wanaaga iyo midnimada shacabka, dal dunida kale tusa danahooda si aynu uga iibino Ictiraafka aynu baadigoobka mudada ugu jirnay, dal dunida aqoonsi ka haysta dadkiisuna ku Najaxaan.

Aqoonyahankaa iyo xoogaa dalka ee maalin walba u xidhxidhan safarkaa aan dhamaadkiisa la ogayn iyo bulshadaa bir-magaydadeedii yurub ilaa dalka baylahdeedii waraabuhu ku cunayo,  waa kuwii dalkan ka dhigi lahaa mid isaga loo soo tahriibo oo dunida kale u soo shaqo iyo shaxaad doonato, nasiib darose waxay ka doorbideen in dal kii lahaa uu hagaajistay ay  noloshiisa u hanqal taagan,

Waxaan ku soo ururinayaa maqaalkaygan Tahriibku waa naftaadii oo aad galaafanayso, gumaynayso oo aad gaajaysiinayso , waalidkii oo aad goblaminayso iyo dalkaagii oo aad gaabis gelinayso ee aynu ka dheerayno umadeena, maxasteena iyo dhalaankeenaba ugana digno masiibadan ba’an ee inagu habsatay ee Garbabeelka iyo ganacjabka inagu ah.

 Iyadoo aan madaxweynaha  uga mahadnaqayno gudidii ladagaalanka Tahriibka iyo shaqo abuurista ee uu dhawaan dhisay, waxaan leenahay mudane Madaxweyne Gudidaas weli warkeedu wuu nagu yaryahay hawshanina waa hawl culus ee waa in la dardargeliyaa dhakhsana wax la taaban karo ay u muujiyaan si looga badbaado musiibadan Tahriibka .

Wixii aan Saxay Eebaa ku Mahadsan Intaan Qaldayna Shaydaanbaa iska leh

Qormadii Iyo Qalinkii

Samataliye Cabdisitaar Dubad

cabdisitaar@hotmail.com

www.samotaliye.blogspot.com

+252-63-4430873

Hargeysa JSL

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories