HomeDhalan-dhoolka Tahriibta iyo Dhug la’aanta Dhalinta

Dhalan-dhoolka Tahriibta iyo Dhug la’aanta Dhalinta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankQormadan kooban waxa aan isku dayi doona inaan ku soo bandhigo khataraha tahriibta iyo sida ay dhalinyaradu uga war la’ayihiin.

Tahriibtu waxa ay noqotay wax caan ka ah guud ahaanba goobaha ay dagaaladu aafeeyeen dunida tan aynu ku nool nahay.

Wadamada Ciraaq, Afghanistan, Falastiin iyo Soomaliya waa wadamada ugu qoxoontiga badan caalamka marka aynu usoo noqono wadamada afrika gaar ahaan bariga afrika wadamada dhilintii ku noolayd waxa ka mid ah:soomaliya,somaliland,ethopia iyo eriteria.

Kasokow wadamada ethopia iyo eriteria oo ay ka jiraan cadaadisyo dhinaca siyaasada ah waxa wadanka soomaliya oo aan lahayn dawlad dhexe oo hanata talada wadanka nabad iyo kala dambayna kusoo celisa wadanka ayaa waxa ku habsaday dagaalo wajiyo badan yeeshay,kuwaas oo halkeeyay guu ahaanba nolosha umada taas oo keentay in kumanaan kun oo qof ay bad iyo barriba jiidhaan si ay nafahooda ugala baxsadaan dagaalada iyo khilaafaadka siyaasadeed ee aan dhamaadka lahayn ee ku habsaday wadankoodi.

Hadaba marka aynu ka nimaadno goobaha ay dagaaladu aafeeyeen sida soomaliya iyo goobaha ay ka jiraan cadaadisyada dhinaca siyaasada sida ethopia iyo eriteria waxa jira goobo nabad ah oo da’yartu si wayn uga boqooleen sida somaliland.

Hadaba maxaa udaaray yahay firxadka ka dhanka ah wadanka ee ay ku kacayaan da’yartu maanta?su’aashaa jawaabteedu waa mid madax laga xoqanayo hasa ahaatee dadka loo yaqaano(social anylztis)ee falanqeeya arrimaha bulshada waxa ay leeyihiin arrimaha waxa saldhiga u ahi waxa uu yahay jiritaan la’aanta siyaasad cad(clear policy)oo ku waajahan da’yarta soo kacaysa iyo jihayntooda oo aan u dagsanayn dadka xukunka iyo talada ummada haya iyo shaqo la’aan baahsan waxa ay gayaysiiyeen boqolaal dhalinyaro ah in ay nafahooda ku bimeeyaan badaha waawayn iyo lamadagaanka africa kuwaas oo kasoo waajahdo dhibaatoyin aad naxaysid.
Mid ka mid ah dhalinyarada magaalada hargaysa oo saddex sanadood ka hor ka soo noqday magaalada tripoli ee wadanka liibiya ayaa waxa ii sheekeeyay mar aan kula kulmay magaalada hargaysa dhibaatooyinka aad u qalafsan ee ka soo qabsaday intii oo ku guda jiray hawsha isku dayga tahriibta inkasta,oo arrimo badan oo aad ka amakaagaysid iga sheekeeyay hadana tii iigu naxdinta badnayd dareenkaygana taabatay waxa ay ahayd nin oo igu sheegay nin ay soomalida tahriibta u taqaano Madhafaan kaas oo fadhiya oo xarumo ku leh lamadagaanka u dhaxeeya sudan iyo liibiya kaas oo uu sheegay in baabuurtisa oo kaliya ay ka gudbi karays lamadagaakas aad ku khasbantahay in aad fuliso ama aad bixiso wixii lagu xukumo ee lacag muddana lagu qabanayo haddi aad yeeli waydo la goynayo xobnaha jidhkaaga kadibna aad sii qaadanaysid inta aad safarka ku jirto.

Sheekooyinka  naxdinta iyo anfariirka leh ee la kulmaan dadka tahriiba maaha qaar lagu soo koobi karo hal qormo iyo wax ka badan. waxaana muhiim ah inaynu dareeno kharaha ku duugan tahriibta nafaheenana in aynaan ku biimayn khatarahaas.

QALINKA: Maxamed Xasan Daacaw

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories