HomeDhakhtar u dhashay Dalka Maraykanka oo laga helay Cudurka Ebola

Dhakhtar u dhashay Dalka Maraykanka oo laga helay Cudurka Ebola

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

New York (SLpost)- Dhakhtar u dhashay waddanka Maraykanka, xaruntiisuna tahay magaalada New York oo dhowaan socdaal ku tagay waddanka Guinea ee Galbeedka Afrika, ayaa laga helay Cudurka Ebola, ka dib markii uu ku noqday waddankiisa, sida ay faafiyeen warbaabihinta dalkaasi.

Dr Craig Spencer oo u shaqaynayey Ururka Dhakhaatiirta aan Xuduudka lahayn (Medecins Sans Frontieres [MSF]), ayaa la sheegay inay soo ridatay xumadda Xannuunkan maalintii Khamiista ee shalay oo xaaladdiisa caafimaad lagu karantiimeeyey goob-caafimaad oo ku taala magaalada New York.

AQANinkan ayaa noqonaya qofkii u horreeyey ee xannuunkan laga helo magaalada ugu weyn Maraykanka ee New York.

Dr Spencer oo xannuunku soo ritay, waxa uu gelinkii hore ee Khamiistii shalay la dhacay Xummad xad-dhaaf ah iyo Shuban-biyood hor leh oo lagu arkay, iyada oo la dhigay cusbitaal ku yaala magaalada New York, halkaas oo xaaladdiisa caafimaad Karantiin lagaga taxaddirayo inuu cudurku faafo lagu galiyey, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee magaaladaasi.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in saraakiisha caafimaadku isla markiiba baadhitaanno ka bilaabeen magaalada New York iyaga oo daba-gal ku sameeyey cid kasta oo ninkani xidhiidh la sameeyey.

In ka badan 4,800 oo qof, ayaa cudurka Ebola ugu dhintay waddamada Liberia, Guinea iyo Sierra Leone ilaa bishii March ee sannadkan oo fiditaanka cudurkani faraha ka baxay. Waxa jira hal qof oo Maraykanka ugu dhintay cudurkan, balse dhowr maalmood dhimashadiisa ka hor, ka tagay waddanka Liberia oo asal ahaan uu u dhashay.

Dr Spencer waxa uu noqonayaa qofkii Afraad ee cudurkan laga helo gudaha dalka Maraykanka

Laba Kal-kaaliso Caafimaad oo ka hawl-galayey Cusbitaal la dhigay ninka u dhashay dalka Liberia ee socdaalka ku tagay Maraykanka, ayaa iyagana laga helay Astaamaha Ebola, in kasta oo xaaladdooda caafimaad lagu baxnaaninayo cusbitaallada dalka Maraykanka.

Dadka Cudurka Ebola ku dhacdo, waxa ay dadka kale u gudbin karaan kaliya marka Astaamihiisu ka soo if-baxaan, waxaana cudurka laysaga gudbin karaa Dheecaannada iyo Dareerayaasha Jidka oo qofka kale jidkiisu taabto, sida ay sheegeen Khubarada Caafimaadku.

Dhinaca kale, Waddanka Mali ee Galbeedka Afrika, ayaa xaqiijiyey qofkii ugu horeeyey dalkaas ee Cudurka Ebola ku dhacdo, taas oo ah gabadh yar oo Laba Jir oo dhowaan waalidkeeda socdaal ku tageen dalka Guinea oo ah saddexda dal ee cudurkani faraha baas ku hayo.

SOMALILANDPOST.NET

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories