Home“Dhakhtar Kasta Oo Ajaanib Ah Oo Dalka Ka Shaqeeya, Aqoontiisa Waanu Ka...

“Dhakhtar Kasta Oo Ajaanib Ah Oo Dalka Ka Shaqeeya, Aqoontiisa Waanu Ka War Haynaa” – Wasaaradda Caafimaadka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa ka hadashay Dhakhaatiirta Ajaanibka ah ee dalka ka hawl-gasha, doorka ay Wasaarad ahaan ka qaateen xakamaynta xanuunka Covid 19 iyo abaalmarin lagu maamusay.

blankAgaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay abaalmarin Wasaaradooda lagu maamusay ayaa yidhi “Wasaarad Caafimaad ahaan dedaalka aanu samaynay, nidaamka iyo qorshaha fiican ee aanu hormoodka ugu noqonay Xisaab celinta, Cashuuraha iyo qorshaha xeesha dheer ee aanu la nimid ayaa keentay in aanu kaalinta koowaad u galno Wasaaradaha oo waliba abaalmarin la nagu maamuso, waxaana abaalmarintan oo ah Shahaado sharaf ka turjumaysa wax qabadkayaga na gudoonsiiyey Wasaaradda Maaliyadda, markaas dedaalka halkaas ayaanu ka sii wadaynaa, waxaana kale oo Wasaaradaha kala iyo Hay’addaha dawliga ah ee kaleba kula talinayaa inay qaadaan talaabooyinka aanu qaadnay”.

Mar uu ka hadlayey Dhakhaatiirta ajaanibka ah ee dalka ku sugan ayaa yidhi “Dhakhtaro badan oo ajaanib ah ayaa dalkan ku sugan oo ka shaqeeya, Dhakhtaartii waanu eegnay Shahaadooyinkooda iyo aqoontoodaba, markaas Dhakhtar ajaanib ah oo aanan ka war hayn oo dalka ku sugan umaddana u shaqeeyaa ma jiro oo Dhakhtar walba aqoontiisa waanu ka war haynaa, iskaba daa Dhakhtar aan dalka u dhalan, ee xittaa Dhakhtarada dalka u dhashay ayaanu aqoontooda ka war haynaa”.

Mar uu ka hadlayey Xanuunka Covid-19 ayaa yidhi, “Xanuunka Koronaha waa Xanuun halis ah oo dad badan oo daafaha dunida ku kala noolaa sababtiisa u dhinteen, laakiin dadkeena waxaan uga mahadnaqayaa qaabka ay u qaateen Wacyigelintiii aanu sida joogta ah ahayd ugu sii deyn jirnay, Dawlad ahaana si fiican ayeynu u xakaymaynay, laakiin waxaan dadka ku dhiirigelinayaa inay aad isku ilaaliyaan, taxadir aad u badana muujiyaan”.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories