HomeDhakhaatiir lagu afduubay Soomaaliya iyo Kooxda Al-Shabaab oo lagu eedeeyey

Dhakhaatiir lagu afduubay Soomaaliya iyo Kooxda Al-Shabaab oo lagu eedeeyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

DHAKHAATIIRMuqdisho (SLpost)- Shan qof oo Shaqaale Caafimaad ah oo saddex ka tirsani ay Dhakhaatiir yihiin, ayaa laga afduubay tuulo lagu magacaabo Cascasey oo ku dhaw magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ee Koonfurta dalkaasi Soomaaliya, halka labada ruux ee kalana ahaayeen laba Darawal oo dhakhaatiirta laba Baabuur u kala waday, sida ay Masuuliyiinta deegaanku sheegeen.

Dhakhaatiirtan iyo labada Darawal, ayaa Afduubkooda lagu eedeeyey Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaallanta, inkasta oo aanu jirin illaa hadda wax war ah oo qirasho u ah eeddan ama lagu beeninayo midna ka soo bixin Al-Shabaab, haddana waxay Saraakiil dawladda Soomaaliya ka tirsani ku eedeeyeen inay Al-Shabaab Afduubtay Hawl-wadeennadaas Caafimaad.

Dhakhaatiirta la Qafaashay, ayaa la sheegay inay saarnaayeen laba Gaadhi, isla markaana ay ku sii jeedeen magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Guddoomiyaha degmada Garbaharey Iimaan Caddow Kaarshe iyo dadka deegaanka qaarkood, ayaa VOA u sheegay in Dhakhaatiirta ay magaalada Mandera ee Waqooyiga Bari ee dalka Kenya ku taalla kaga soo qaybgaleen Aqoon-is-weydaarsi ku saabsanaa horumarinta Caafimaadka.

Dhakhaatiirtan iyo laba Darawal, ayaa la sheegay in loo qaaday deegaanka Gaddoon-Dhawe oo ay gacanta ku hayaan Kooxda Al-Shabaab maamul ahaan, isla markaana ku yaalla meel u dhaxaysa magaalooyinka Beledxaawo iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Garbaharey, ayaa sheegay inay ku daba-jiraan Malleeshiyada Dhakhaatiirta afduubay, waxaana sidoo kale socda dedaallo la doonayo in lagu sii-daayo Dhakhaatiirtaas sida ay Mas’uuliyiinta deegaanku sheegeen, kaas oo ay ku jiraan dhinacyo kala duwan oo Oday-dhaqameedyo iyo Maamul dawladeedba leh.

Somalilandpost.net

somalilandpost[at]live.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories