HomeDhakhaatiir Iiraaniyiin ah oo markii ugu horreysay Somaliland u yimi inay Adeegyo...

Dhakhaatiir Iiraaniyiin ah oo markii ugu horreysay Somaliland u yimi inay Adeegyo Caafimaadka oo lacag la’aan ah u fidiyaan dadweynaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Waxa markii ugu horreysay Somaliland yimi dhakhaatiir ka socota dalka Iiraan oo hawlo qalliinno iyo Baadhitaanno caafimaad ka fulin doona Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeyda.

Weftiga kooxda dhakhaatiirta ah oo ka kooban 10 dhakhtar oo ku kala takhasusay noocyada kala duwan ee qalliinnada Caafimaadka guud, ayaa ka socda Xarunta Kaalmooyinka Imam al-Khumayni ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan. Dhakhaatiirtan ayaa inta ay dalka ku sugan yihiin samayn doona baadhitaanno qalliinno caafimaad oo lacag la’aan ah u fidin doona dadweynaha reer Somaliland iyaga oo ka hawl-gali doona Cusbitaalka Guud ee Caasimadda.

Dhakhaatiirtan oo ka soo degay garoonka Caalamiga ah ee Egal International Airport ee caasimadda Hargeysa, waxa soo dhaweeyey masuuliyiin ka socota wasaaradda Caafimaadka oo uu hor kacayo wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Xuseen-xoog iyo weliba sida la sheegay shirkadda Star Group oo qayb ka qaatay inay dhakhaatiirtani dalka timaaddo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Md. Cabdi Axmed Nuur oo isagu ka mid ahaa masuuliyiintii weftiga soo dhawaysay ayaa sheegay in imaanshiyaha dhakhaatiirtani ay wax ka tari doonto baahiyaha dhanka fidinta adeegyada caafimaadka ee dadku tabayeen.

blank
Dhakhaatiirta Iraaniyinta ah

Waxaana hadalladii Agaasimaha ka mid ahaa, “Ugu horayn waxaanu soo dhaweynayaa Kooxdani dhakhaatiirna ah ee ka socda wadanka aynu walaalaha nahay ee Iran waxaanan ugu mahad naqaynaa gurmadka ay noo soo fidiyeen. Dhakhaatiirtani waxay ka kooban yihiin kuwo Qaliinka ah, Caafimaadka Guud, Haweenka, Caruurta iyo nin Injineer ah oo sahamin doona dhismayaasha Cusbitaalada. Dhakhaatiirani waxay Sabtida laga bilaabo ka hawl gali doonaan Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, waxa loo diyaariyey Dadkii ay baadhayeen, sidoo kalena waxa dadkaasi si lacag la’aan marka ay baadhaan u siin doonaan Dawooyinka ay u baahdaan, waxaana adeegyadaasi ay u bixin doonaan si taxaruc ah.”

Waxa isna halkaas Erayo kooban oo mahad naq ha ka jeediyey Dr. Mansoor Aqnansiir oo ka mid ahaa Kooxda Khatiirta ah waxa uu sheegay inay aad ugu farax san yihiin imaan shahooda Jamhuuriyada Somaliland.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories