HomeDHAGAXAANTA KALYAHA FADHIISTA

DHAGAXAANTA KALYAHA FADHIISTA

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Dhagaxaanta kalyaha fadhiista iyo kadimareenka waa mid ku badan dhulkeena ,taas oo ay ugu wacantahay cimilada iyo qaab nolaladkeena .

Waa maxay dhagaxaanta kalyaha fadhiista maxay ka samaysanyihiin . ?

horta dhagaxaantani maaha sida kuwa ciida ka samaysan iyo macdanaha kale ee aynu dhulka ku aragno ,se kuwani waa kuwo ka duwan islamarkaana ka jilicsan kana samaysma macdan laga helo kaadida iyo jidhkeena ,taas oo ayno ka helno cuntooyinka aynu quudano .  

Dhagaxantani waxaa leeyihiin dhawr nooc , se waxaa ugu muhiimsan afartani nooccalcium stone (75%).Struvite stones 15%:,Uric acid stones (6%) iyoCystine stones (2%)

Markaa ka ugu badan waa calcium oxalate kaas oo samaysma marka uu qofku cuno cunto aashatadu ama dhandhanaanku ku badanyahay/cusbadu .calcium oxalate sideedabana waa cusbo aashato wadata( salt of oxalic acid ).

Nooca labaad waa struvite stones noocani waxa keena waa caabuq ku raaga kalyaha ama kaadi mareenka <chronic urinary tract infections >markaa bacteeriyaa keenta cabuqaas ayaa waxa kaadida ku sii daysaa macdan loo yaqaano ammonium , ammoniumtaasina waxaa la fal gashaa macdan kale oo kaadida laga helo oo looyaqaano phosphate ,falgalkaasina waxaa uu sababayaa inuu dhagax samaysmo .

Nooca sadexaad ee soo raacana waa uric acid stones noocasina inta bdan waxaa keena hilibka kalunka iyo macdano kale oo badan

Maxaa keena in dhagaxaantu kalyahaaga fadhiistaan ?

 kolay waxkastaba wax baa ku yimadaan , markaa sideedabana dhagaxaantu ma fadhiistaan kalyaha oo kali ah , se waxa fadhiisan karaan meelkasta oo kamid ah kaadi mareenka .haday tahay kaadi haysta , tuunbooyinka kaadida ka soo qaada kalyaha iyo inta u dhaxaysa kaadi haysta iyo ibta kaadidu ka soo baxayso .Waxaa jira qodobo caawiya ama ka qayb qaata in dhagaxaantu ku samaysanto kalyaha ama kaadi mareenka .

1) fuuq bax ama biyaha oo jidhkaaga ku yaraaada sidaqofka oo hawl adag qabtay biyo bdan ka bexeen islamarkaana aanu wax biyo ah cabin .qofka oo sidiisaba aan biyaha cabin ama aan joogtaynin

2)caabuq ku dhaca kalyaha iyo kaadi mareenka .3)xanibaad (obstruction ) kaadi mareenka4)iyo dhawr qodob oo kale sida boratiinka oo la badsado iyo cuduro la kala dhaxlo .

5 )dadka fadhigoodu badanyahay ee saacado badan fadhiyaa waa ugu halis badanyihiin dhagaxaanta kalyaha kuwa fadhigoodu yaryahay .

 Maxaad isku ogaan kartaa inay dhagaxaan ku fadhiyaan kalyaha ama kaadi mareenka ?

1) waxaa dhacda mararka qaar in aanad is ogaanba oo wax caalamado ah aanad isku arag (asymptomatic ) markaasina waa marka dhagaxaantu yaryaryihiin oo kaadida ayaa iska soo racaan iyaga oo aan wax xanuun ah kugu keenaynin .

2) Xanuun aad ah oo dhabarka ah ama dhinacyada xanuunkaasi oo mararka qaar hoos u daga taas oo macneheedu yahay inuu dhagaxu meeshiisii ka guuraayo oo xaga kaadi haysta usii socdo .

3) Kaadida oo ku gubta .

4) kaadida oo ku dhibta ama aad xejin kari waydo .

5) Matag iyo yalalugo aad isku aragto .

6) kaadida oo midabkeedu is balo ,dhiig la socda awgeed .inta badan waxa noqota mid boodh oo kle ah <brown > , guduud ama casaan iyo midabka pinkga la dhoho .

Qaabkee ayaad ugu hortagi kartaa in ay dhagaxaan ku samaysmaan kalyahaaga iyo kaadi mareenkaba ????

Kol haddii aad fahantay waxa ay dhagaxaantu ku imanayaan waa kuu fududaanaysa inaad fahanto qaabkii aad iska ilaalin lahaydBiyaha cabistooda ood badsato , taasi waxaa keenaysaa inay kaadida badhax ka yeesho oo macdantu waydo jaanis ay iskugu timaado si ay u samayso dhagxaan .waxaa kale oo biyuhu ka cawinayaan in kaadida badan kalyaha ka nadiifiso ama sifayso .

Qofka oo dhima miisaanka <weight reduction >

cayilaadu ama baruurta badan waxaa keenta ama ka qaybqadataa in jidhkaaga biyuhu ku yaradaan , taaasina waxaa keenaysaa in dhagaxaantii samaysanto,dhandhanaanka badan iyo proteinka sida hilibka ood yarayso kolka aad isku aragto kalyo xanuun .

 Qaabka loo daweeyo dhagaxaanta kalyaha iyo kaadi mareenka fadhiistadhagaxaanta kalyaha fadhiista ama kaadi mareenka waxaa keeni karaan inay xidhaan kaadi mareenka oo waxbaba dhaafi wayaan , waxaana keenaysaaa in qofka kalyuhu waawaynadaan iyo xanuun joogto ah .

marka la daawaynaayo dhagaxaanta kalyaha iyo kaadi mareenka dhawr dariiqo ayaa loo maraa ,dhagaxanta yar yar wax daawayn ah uma baahna ee iyaga ayaa iskood kadida iskaga soo raaca .Dhagaxaanta wawayn maanta qalab badan ayaa loo adeegsada soo saaristiisa mar la burburiyo dhagaxii iyada oon qofkii la qalin , se maanta dhulkeena qaliin uunbaa la adeegsada .

 By: Hassan mohmud  

 sirdakii@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories