HomeDhadhamo iyo dhuuni ka weyn aayaha dhallinyaradee laguu dhiibay!

Dhadhamo iyo dhuuni ka weyn aayaha dhallinyaradee laguu dhiibay!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

“wasiir waxaan ku leeyahay wasaaradda si fiican u dhaq, dhadhankeeda iyo macaankeedana waad arki doontaa” Wasiirkii xilka wareejiyay ee Wasaaradda ciyaaraha.

Wasaaradda dhadhan iyo macaan ma yaal, waxa taala hawl u baahan innaad u gudato si xilkasnimo, daacadnimo iyo aqoon leh. Waa wasaarad halbawle ah oo lagu jaan gooyo siyaasadda dhallinyarada Somaliland, wasaaradda goblana oo aan siyaasadeedi loo baahna lagu dhiqin, wasaarad masuuliyadeedu ay balaadhantahay oo ka wakiila codkoodana ku hadlayasa malaayiin  dhallinyarta Somaliland ee u haraadan horumarka la hagraday.

Waxa ku horyaal koobkii gobollada dalka oo muddo badan dub u dhacay fashilna ku dhaw, bar bilawgiisina ku bilaabmay iga gee oo ka gaadhsii, wareegi labaad oo hadha, ciyaartoy niyad jabay oo badhkood laba toddobaad Caasimada joogeen oo haddana dub loo ceshay, xilkaad la wareegtay maanta maaha mid sahan.

Waxa ku hor yaala xal u helidda tahribka xadhkaha goostay, curinta siyaasad lagu abuuro rajo iyo mustqabal ay ku dhiiradaan dhallinyarada niyad jabsan ee aad u tihiin hoggaanka hagaaya siyaasaddooda. Wasiir waxa lagaa sugayaa isbedel dhaba oo dhallinyaradu ku dhiirato.

Waxa ku horyaal curinta xeerkii sanduuqa horumarinta dhallinyarada, sanduuqa oo madaxweynuhu kal-hore uu ku riday boqol kun oo doolar, waxa dhallinyaradu sugaysa sanduuqa rajada badan abuuray ee loo riyaaqay sidii looga shaqaysiin lahaa. Xeerkii lagu maamuli lahaa oo aad horgaysaan baarlamanka si ay u dhaqan geliyaan, dhaqaale rajo loogu abuuro dhallinyarada inaad hirgelisaan ururintiisa iyo baadi doonkiisa.

Waxa ku sugaaya samaynta wareegyo ka baxsan koobka muddo dhaafay ee gobollada, wareegyadii ciyaaraha kala duwan, tartaamadii A. B. C oo dhamaantood aan l aqaban, wareegyadii degmooyinka, laamaha iyo samaynta ciyaaro dhallinyaradu ku madadaalato oo ay kaga maarmaan kuna ilaawaan balwdaha iyo budhcad jideeda sii kordhaysa.

Waxa loo baahanyahay samaynta garoomo ka dhexeeya  dhallinyarada  oo laga hirgasho degmooyinka xaafad kasta, hadda waxa jira oo lagu ciyaara garoomo ganacsi oo qaaliya, ilmaha aan haysan doolar masoo bandhigi karo hibo ciyaareediisa. Waxa loo baahanyahay innaad samayso garoomo laga hirgasho cashuurta jeebabka sida gaarka ah ugu dhacda.

Masuuliyadda ku hortaal waa mid culus Alle hakugu asturee  waxaad ku dadaasha inaad ahaado wasiir u daacada shaqada dhallinyarada somalilad loogu dhiibay, ku dadaal inaad xafiddo hantida iyo masuuliyadda culus ee laguu xil saaray, waxa kaa dhursugaaya dhallinyarada Somaliland ee u baahan mustqabalka asaagood u naaloonayaan.

Maxamed Sidiiq

Msadiiq1@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories