HomeDhacdooyinka Siyaasiga Ah Ee Sanadkan 2016 Ka La Filan Karo

Dhacdooyinka Siyaasiga Ah Ee Sanadkan 2016 Ka La Filan Karo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Taariikhda siyaasiga ah ee cusub ayaa ina tusaysa in qaar badan oo ka mid ah dhacdooyinka siyaasiga ah ee sannad kasta oo kugu soo socda iman karaa ay yihiin kuwo la sii filan karayo oo hadhow laga yaabo in dadka siyaasadaha dunida xog-ogaalka u ahi aanay la yaab iyo u qaadan waa weyn ku keenin. Laakiin haddana inta badan waxaa muddooyinkan dambe la arkaa dhacdooyin sannad kasta yimaadda oo aan hore xitaa ka fikirkoodu niyadda ugu soo dhici karayn. Tusaale ahaan sannadkii 2014ka Dadka siyaasadaha odorosaa marnaba ma’ay filanayn in Ruushku inta uu dalka Ukraine xoog kaga qabsado jasiirad u-eegta Crimea uu weliba dalkiisa ku darsan doono, iyo in kooxda Dowladda Islaamiga ahi ay qabsan doonaan, si buuxda oo aan dhuumasho lahayna uga talin doonaan magaalada Mawsil oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ciraaq iyo dhul kale oo aad u badan. Gideon Rachman ayaa maqaal uu dhowaan ku qoray Wargeyska Financial Times oo uu Geeska Afrika soo akhriyey waxa uu ku sheegay in inta uu og yahay aanay jirin curashadii sannadkii 2015ka cid sii saadaalisay in dad ka badan 1 Milyan oo qaxoonti ahi ay sannadkaa gudihiisa soo gaadhi doonaan Jarmalka iyo in xildhibaanka Maraykanka ah ee Donald Trump uu ka mid noqon doono dadka ugu cadcad ee u tartamaya madaxweynenimada dalka Maraykanka, sidaa awgeed taasi ay muujinayso in sannadkan 2016 kana sidaas oo kale aanay cidi garan Karin in ay dhici doonaan waxyaabo aanay dadka siyaasadda lafa-guraa sii sheegin.

Rachman waxa uu saadaalinayaa in sannadka 2016ka ay dalka China ka dhici doonto arrin dhinaca dhaqaalaha ah oo aan la filayn, in kasta oo aanu isbeddelkaa sii faahfaahin waxa uu xusay in Shan iyo Labaatankii sano ee u dambeeyey furayaasha guusha u horseeday dalka China ay ka mid ahayd xukuumadda dalkaas oo ku guulaysatay in ay ilaaliso dhaqaalaha muranka badan leh ee dalka iyo siyaasad soo jiitantay muddo oo laga daalay, laakiin waxaa suurtogal ah in arrintaasi sannadkan cusub si togan isu beddeli doonto, iyada ay jirto in madaxweynaha hadda talada haya ee Xi Jinping in uu wado ol’ole adag oo uu kula dagaalamayo musuq-maasuqa illaa heerka ugu sarreeya, taasina ay u suurtogelin karto in uu talada dalka sii hayo sannadka dambana.

Xigashp Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories