HomeDhacdo Xusuus Murugo leh Ku Reebtay Quluubta Shacabka Maraykanka oo shalay...

Dhacdo Xusuus Murugo leh Ku Reebtay Quluubta Shacabka Maraykanka oo shalay laga Xusay Dalkaas

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Philadelphia (SLpost)- Saldhig Ciidamada Maraykanku ku leeyihiin duleedka magaalada Philadelphia ee gobolka Pennsylvania oo ku yaala xeebta Bari ee dalkaas, ayaa shalay lagu qabtay munaasibad lagu xusay sannad-guuradii 20aad ee ka soo wareegtay Hawl-gal-gaar ah oo Ciidamadu Maraykanku ka fuliyeen magaalada Muqdisho ee Somaliya sannadkii 1992-kii, kaas oo ay kaga dhinteen 18 Askari.

Hawl-galkan Ciidamada Maraykanku ku galeen Magaalada Muqdisho oo ujeeddadiisa wakhtigaas lagu sheegay inuu ahaa mid bani’aadamnimo oo lagu bad-baadinayey shacabka magaaladaas oo macaluul, abaaro iyo dagaallo halakeeyeen, ayaa Maraykanka ku kallifty inuu muddo kooban ciidamadiisa kala baxo kadib markii dagaallo ay la galeen malleeshiyaad ka amar-qaadanayey Maxamed Faarax Caydiid iyo Qaar Islaamiyiin ah, ay kaga dhinteen 18 askari oo mid ka mid ah dhimashadiisu xusuus adag kaga tagtay shacabka Maraykanka, kaas oo meydkiisa la jiid-jiiday gudaha magaalada Muqdisho.

black Hawk downXuskan waxa si gaar ah loogu sameeyey Askarigaas Meydkiisa jiid-jiiday shaaracyada Muqdisho oo wakhtigaas warbaahinta Caalamku si xooggan u qaadaa-dhigtay, kaas oo ka mid ahaa laba Duuliye waday mid ka mid ah labada diyaaradood oo noocoodu ahaa Black Hawk oo Muqdisho lagu soo riday.

Askarigan oo magaciisa la odhan jiray Randall Shughart, ayaa xuska sannad-guuradiisa ka soo wareegtay dhimashadiisa lagu guddoonsiiyey billad-sharaf geesinimo. “Shugharti waxa uu ahaa qof lagu daydo. Waxa uu u taagan yahay Cidda aynu nahay,” sidaas waxa yidhi Tom Kelley oo ka tirsan Saraakiisha sarsare ee Ciidamada Maraykanka ee Saldhigga duleedka magaalada Philadelphia.

Wakhtiga ay ciidamadu Maraykanku galeen dalka Somaliya, waxa madaxweyne ka ahaa dalka Maraykanka George H. Bush oo qorsheeyey in Ciidamadiisu dalkaasi Somaliya ku galaan hawl-gal loo bixiyey ‘Hawl-galka Rejo-soocelinta’, kaas oo ujeeddadiisu ahayd sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa dagaalada wakhtigaas aafeeyey magaalada Muqdisho oo ay ku dhex-dagaalamayeen hoggaamiye kooxoodyo ku loolamayey awoodda hoggaaminta dalkaas.

Haseyeeshee, waxa Ciidamada Maraykanka bishii March ee 2003-kii ka soo saaray dalkaas madaxweyne Bill Clinton, ka dib lix bilood ciidamada Maraykanku ku dagaalamayeen gudaha magaalada Muqdisho, wakhtigaas oo fadeexad baahsani kaga timi maamulkiisa askari ka tirsan ciidamada Maraykanka oo meydkiisa la jiid-jiiday shaaracyada Muqdisho.

Muddadii ay Ciidamada Maraykanku ku dagaalamayeen Gudaha Muqdisho, waxa kaga kaga dhintay 18 Askari halka 79-kalena kaga dhaawacmeen. Sidoo kale dagaalka dhexmaray maleeshiyaad iyo Ciidamada Maraykanka iyo macaluul baahsan oo ka jirtay dalka, ayaa sababtay inay dhintaan dad lagu qiyaasay 500,000 oo Soomaali ah, waxana markii dambe hawl-galkaas Maraykanku ka fuliyey Soomaaliya laga sameeyey filim loogu magac-daray Black Hawk Down.

Xafladdan lagu xusay sannad-guurrada 20aad ee hawl-galkaas, ayaa laga sheegay in masiibadaas Maraykanka ka qabsatay Soomaaliya uu ahaa Dagaalkii ugu horreeyey ee ay la galaan dagaalyahanno ku abtirsada ururweynaha Al-Qaacida.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories