HomeDhacdo Daboolka ka Qaadday Khilaaf Afar-bilood-Jirsaday oo Regaadiyey Hawl-maalmeedka Wasaaradda Cadaaladda

Dhacdo Daboolka ka Qaadday Khilaaf Afar-bilood-Jirsaday oo Regaadiyey Hawl-maalmeedka Wasaaradda Cadaaladda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Abiib Axmed Cali, ayaa shalay gelinkii hore laga horjoogsaday inuu kedinka ka galo xarunta wasaaraddaas, ka dib amar wasiirka Wasaaraddaasi Md Xuseen Axmed Caydiid uu askarta xarunta wasaaradda ku Amar ku siiyey inaanay xarunta wasaaraddaas u sii deyn karin Agaasimaha Guud.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda, ayaa shalay weji-gabax kala kulmay ilaalada Wasaaradda ka dib markii uu isku dayey inuu gudaha u galo xarunta wasaaraddaas, waxaanay ku war-geliyeen inaanay fasax u haysan inuu gudaha u galo wasaaradda, isla markaana uu wasiirku amar ku siiyey inaanay gudaha usii deynin Agaasimaha Guud ee Wasaradda.

wasaaraddaAskarta ilaalada wasaaradda ayaa kedinka hore ku horjoogsaday Agaasimaha Guud Mr Abiib Axmed Cali oo shalay doonayey inuu gudaha u galo xarunta wasaaradda, waxaanay ku war-geliyeen inaanay ogolaanshiyo u haysan inay u ogolaaddaan inuu hore ugalo gudaha Xafiiska, iyaga oo taas ku sababeeyey amar uu wasiirka Cadaaladdu ku faray inaanu masuulkani gudaha u gali-karin wasaaradda.

Wariye ka tirsan Wargeyska Himilo oo xilliga ay dhacdadani dhexmaraysay Agaasimaha iyo ilaalada Wasaaradda ku sugnaa wejahadda hore ee kedinka ay hortaagnaayeen askartu, ayaa mar kaliya ku war-helay weedho ay is-weydaarsanayeen masuulkan shaqadii uu qaranka u haysa dibadda ka meer-meeraya iyo askarta amarka wasiirka haysatay.

Askari ka tirsan ilaalada Wasaaradda oo garanayey in cidda hortaagan kedinka wasaaradda uu yahay Agaasimihii Guud ee wasaaradda Cadaaladda, ayaa mar kaliya ka hor-geeyey inaanay ogolaanshiyo u haysan sii-deyntiisa. “Wasiirkaa amar nagu siiyey inaanad soo gelin,” sidaa waxa yidhi Askari ay hadallada is-weydaarsanayeen.

Abiib Axmed ayaa askarigii mar kale weydiiyey ama ka dalbaday inuu kor ugu qaado cidda amarka ku siiyey inay hor-istaagaan gelitaankiisa Wasaaradda, isaga oo markaas doonayey in dadkii goobta ku sugnaa ay maqlaan hadalka askariga, waxaanu  askargii mar kale ku celiyey inuu Wasiirka cadaaladdu ku amray inaanay xarunta wasaaradda u ogolaanin inuu Agaasimaha Guud gudaha u soo galo, taas oo ku khasabtay masuulkan inuu meesha ka dhaqaaqo, isaga oo u muuqday inuu saluugsanaa go’aanka wasiirka.

Dhacdadan ayaa bannaanka soo dhigtay inaanay jirin wax xal oo laga gaadhay Khilaaf soo jiidatamay ilaa bishii Oktober ee sannadkii hore oo dhexmaray Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ilaa immikana ma jirto wax tallaabo ah oo madaxweyne Siilaanyo ka qaaday xurgufta labada masuul ee regaadisay halw-maalmeedkii ay wasaaraddu qaranka u haysay.

Agaasimaha Guud ee dibad-wareegga ah oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiinno sababta ilaa wakhtigan waxba looga qaban la’yahay khilaafka shaqadiisa saamaynta ku yeeshay ee u dhexeeya isaga iyo Wasiirka Wasaaradda, ayaa gaabsaday inuu si cad uga hadlo arrintan.

Sidoo kale, wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo aanu isagana isku daynay inaanu dhankiida wax ka weydiinno sababaha keenay inay sii jiitanto xal laga gaadho khilaafka u dhexeeya Agaasimihiisa Guud ee Wasaaradda, ayaanay noo suurto-galin inaanu ku helno khadka Telefonka.

Khilaafka labada masuul oo la rumaysan yahay inuu salka ku hayo dhinaca maamulka, ayaa soo shaac-baxay ka dib markii dagaal gacan-ka-hadal ahi ku dhexmaray labada masuul xarunta wasaaraddaas bishii October ee sannadkii hore, waxaana sababta isku-dhacooda lagu sheegay inuu ku yimi ka dib markii wasiirku shaqada ka joojiyey Agaasimaha Guud, iyada oo sida la sheegay tallaabadaas ay sabab u ahayd ismaan-dhaaf ka dhashay saxeexidda foojarro ka baxay wasaaradda oo ay isku qabteen kooda xaqa u leh inuu saxeexo.

Si kastaba ha ahaate, iyada oo khilaafka labada masuul wakhtigan afar bilood jirsaday haddana ma jirto tallaabo waan-waan iyo isku soo dhawayn la dhex-dhaliyo labada masuul oo digreeto madaxweyne kuwada magacaaban, waxaanay tani astaan muuqata u tahay jaah-wareerka iyo kala-damayn la’aanta ka dhex-jirta hay’adaha xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo hab-dhaqankoodu meesha ka saaray kala-xadaynta hawlaha siyaasadeed iyo maamul ee masuuliyiinta u kala sarreeya wasaaradaha sida Wasiirrada, Wasiir ku-xigeennada iyo Agaasimayaasha Guud oo dhammaantood digreeto madaxweyne ku magacaaban.

XIGASHO: Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories