HomeDhacdo Argaggax iyo Amakaag ku noqotay Shacabka iyo Booliska oo Xalay Cawayskii...

Dhacdo Argaggax iyo Amakaag ku noqotay Shacabka iyo Booliska oo Xalay Cawayskii Badhtamaha Suuqa Hargeysa ka dhacday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Fal argagax leh ayaa xalay ka dhacay badhtamaha Suuqa Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii la qabtay Gabadh laba Bocood ku kala sidday Meydka ilma-yar oo ay Jarjartay ama ay googgoysay.

Gabadhan ayay Ciidammada Ammaanka Somaliland ee magaalada Hargeysa gacanta ku dhigeen, ka dib markii ay Askarta fadhiisata Isgoyeska Waddada Idaacadda tagta ee ku dhaw Istaanka Basaska Idaacadda laga raaco ee badhtamaha Suuqa Hargeysa ama halka Waqooyi qumman ugu beegan Meheradda Nasiiba, ku war-heleen Gabadh laba Bocood oo kuwa Bagaashka ama Alaabooyinka Suuqyada laga tukaamaysto lagu qaato ee Madawga ah dhankooda u soo sidatay oo mar keliya intay tuurtay ka carartay Bacaha ay sidatay, markii ay isha ku dhufatay Askarta Kaabadda Isgoyska fadhida oo aanay marka hore arkayn sida orodkeeda laga dareemay.

istaanka basaska hargeysaAskarta Booliska ee habeenkii Baabuurta ku baadha ama hubiya Isgoyska Idaacadda iyo dad weyne badan baa daba cararay Haweenaydaas Bacaha ay sidatay markay tuurtay ka dib, iyaga oo dadka iyo Askarta qaarkood u arkay ama u fahmay waxan Gabadhu tuurtay ee ay ka carartay inay yihiin waxyaabaha Qarxa ama Qaran ay ogaan meesho u dhigayso, waxaanay markiiba ku qabteen isla agagaarka Istaanka Basaska Idaacadda, waxaanay dul-keeneen goobta ay Bacaha ku tuurtay, markii Bacaha la eegayna waxa loogu tagay Hilibka ilmo-yar oo Waslad-waslad iyo qurub-qurub loo googgooyey sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen dad goob-joog ahaa markay dhacdadani dhacaysay, waxaanay intaas ku dareen in la wada argaggaxay markii la arkay in Bacaha ay gabadhu tuurtay uu ku jiro Hilibka ilmaha la jarjaray.

“Abbaaro Sagaalkii cawaysnimo ee caawa (xalay) ayay ahayd markii aan la kulmay aniga oo Nasiiba horteeda maraya dad fara badan oo ku yaacaya iyo kuwo dul-taagan meel wax yar u jirta Isgoyska waddada Idaacadda, gaar ahaan halka u dhaxaysa halka ay Tagaasidu dhigtaan iyo Kaabadda Isgoyska ee Askartu fadhiistaan, markii aan dul-tagay-na waxaan arkay Hilibka ilmaha-yar ee googgo’an oo laba Bocood ku kala jira oo Madaxa, gacmaha, lugaha iyo jidhkiisaba xubin xubin loo kala jarjaray, oo gabadhii Bacaha ku siddaynay Boolisku dul-keeneen, waannu argaggaxnay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka goob-joogga u noqday dhacadaas argaggaxa leh oo u warramay Wargeyska Himilo.

Waxaanu Maxamed oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi; “Markiiba waxa yimi Xaajiyad Boolisku leeyahay iyo Taliyaha Saldhigga Booliska New Hargeysa, waxaanay qaadeen labada Bacood ee lagu soo guray Hilibka ilmaha yar oo aan is-idhi dhawr habeen ayuu jiray iyo Gabadha Bacaha ku sidday ee la qabtay. Waxaanannu is-nidhi Gabadhu hadday doonayso inay ilmahan ay googgoysay qariso oo ay tuurto dee meelahaa madawga ah iyo Dooxyada ayay geyn lahayde, malaha ilmaha way xadday oo inay hilib ahaan u cunto ayay doonaysay, waayo? Suuqa ugu dadka badan leh xilli fiid ah oo Suuqa laga buuxo lamay soo dhex-marteen aniga aragtidayda, laakiin Illaahay baa innaga og.”

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Hoggaanka Hawlgelinta iyo Taliyaha Saldhigga New Hargeysa ee la sheegay inuu Gabadhasaas iyo Meydka ilmaha la jarjaray-ba qaaday, ayaannu xalay isku daynay inaannu war ka helno, hase-yeeshee noomay suuragelin inaannu wax war ah dhankooda ka helno, ka dib markii aannu la kulannay taleefannadooda gacanta oo xidhan ama demsan. Balse, Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ammaanka oo aannu la xidhiidhnay, ayaa sheegay inuu warkaasi jiro, isla markaana Gabadhaas iyo Meydka ilmaha la jarjaray-ba loo qaaday Xarunta Laanta Baadhista Dembiyada C.I.D-da ee magaalada Hargeysa oo ay Haweenaydaasina ku xidhan tahay.

XIGASHO: Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories