HomeDHACDADII XERADA SOODAANTA: Maragga Aafada Dhulka – W/Q: Axmed Toorno

DHACDADII XERADA SOODAANTA: Maragga Aafada Dhulka – W/Q: Axmed Toorno

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sida lala wada socdo tiodobaadkii hore, waxaa lagu waa-bariistya dhacdadii naxdinta, murugada, cabsida, iyo amakaaga xambaarsanayd ee  xerada Soodaanta oo ka mid ah xeryaha ciidanka qaranku ku leeyahay Koonfurta Bari ee magaalada Hargeysa, uu gacan-ka-hadalku ku dhex maray ciidanka qaranka iyo dabley hubaysan, halkaas oo gadaalkiina Ciidanka Booliisku ka qayb qaateen soo qabashada dableydii duulaanka soo qaaday.

Ugu horrayn Alle ha u naxariisto dadkii ku geeriyooday gacan-ka-hadalkaa ee labada dhinacba, eheladoodii iyo qarankana Ilaahay samir iyoo iimaan haka siiyo, kuwii ku dhaawacmayna Ilaahay caafimaad degdeg ah Allaha awooda lihi hagu deeqo. Intaa ka dib, waxaa mudan inaan dhacdadan lagu tiigaalin, balse xooga la saaro xal u helida dhacdooyinka noocan ah oo Somaliland barriinsaday.

Sida ay tibaaxday xogtii Sahankii Deegaamada Soomaliland ay ka qaaday Haya’ada Qaramada Midoobay ee Horumarintu (UNDP), sanadkii 2006; oo aan anigu ku sameeyay lafo-gurka xog-koobida (Statistical analysis),  288 deegaan oo ka mid ah 1,150 degsiimo (Settlements) ee sahankaasi koobay ayaa sheegay in sanadkaa uu deegaankooda ka dhacay ugu yaraan hal is-maan-dhaaf oo laba kooxood dhex maray oo nabadgelyada halis geliyay. Waliba, 216 deegaan oo ka mid ah 288kii deegaan ee ay ka dhaceen is-maan-dhaaf kooxeed (4tiiba dhacdaba ama 75%) ayaa farta ku fiiqay in muranka dhulka iyo khayraadkiisa ay sababeen is-maan-dhaafyadaa- Allow magantaa.

Waxaase muuqata inaynu culayska is-maan-dhaaf kooxeedkaa degenaanshaha hadateeliya, ynu ku hambabarno kuwa dhimashada keena oo keliya; oo aan ka xusuusto is-maan-dhaaf dhuleedkii  beeraha Uubaale, buuralayda Gabiilay, Injida, Masalaha,, Cisbitaalkii Guud ee Hargeysa, dhulkii Cisbitaalka Cusub ee Hargeysa, Seemaal, berkadihii Kalshaale, iyo  Xerada Soodaanta oo ugu dambaysay.

Sidaa awgeed, waxaa inala gudboon dejinta Qaabka Maamulka Dhulka (Land Manage System) oo ay ka wada tashadaan Dawlada Dhexe, Dawladaha Hoose, iyo Goleyaasha Xeer Dejinta, isla markaan ay garab is-taagaan dadweynuhu; iyadoo ay badhi-tikaarayaan ganacsatada, hogaanka dhaqanka, culimaa’u diinka, iyo hay;adaha caalamiga ahi.

Waxaanan is-leeyahay, waxaa haboon in loogu horaysiiyo soo saarista xeerka maamulka dhulka, iyo abuurista Hay’ada Maamulka Dhulka (Land Management Commission), abyida Hogaanka Ilaalinta Dhulka ee Ciidanka Booliiska, iyo unkida Maxkamada Dhulka.

Shaqada Hay’ada Maamulka Dhulka waxaa ugu mudan inay dhulka magaalooyinka u kala astayso qaybaha dhiska, warshadaha, suuqyada, iwm; dhulka miyigana dhul daaqsimeed, beerasho, macdan, il-biyood; dalxiiska iyo ugaadha, iwm; iyo inay bixiso liisanka ka faa’iidaysiga dhulka, iyadoo la wareegi karta ama cashuur culus saari karta jagooyinka magaalooyinka ee lsgu dhisan waayo muddo 12 bilood ah; iyo ceshiimooyinka (Beeraha) ee aan la beerin,  ugu yaraan hal mar, 12 bilood oo kasta.

Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories