HomeDhacdadii lagu dilay Wariye Cabdisalaan Xiis oo weji kale yeelatay

Dhacdadii lagu dilay Wariye Cabdisalaan Xiis oo weji kale yeelatay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho, (SLpost)- Mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeeyay shaaciyay in falkii lagu dilay Weriye CabdiSalaan Sheekh Xasan (Xiis) oo ka tirsanaa Telefishanka Horn Cable ee magaalada Muqdisho uu la xidhiiidho mooshinkii xilka Guddoomiyenimo looga qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan.

blankXildhibaankan oo magaciisa ku soo gaabiyay Cabdiqaadir, ayaa sheegay in falka lagu dilay weriye C/Salaan Xiis uu la xidhiidho cajalad CD ah oo uu ka soo diyaariyay kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka ee ay xilka uga tuureen Guddoomiyihii hore Shariif Xasan Sheekh Aadan, cajaladaasi oo dhowr koobi laga sameeyay isla markaana la faafiyay iyadoo xitaa gacanta loo geliyay wafdigii QM ee xaqiiqo raadinta ee dhowaan Muqdisho tagay.

“Kooxaha dilay Weriye C/Salaan Xiis waxaa soo adeegsaday Guddoomiyihii hore Shariif Xasan Sheekh Aadan, bacdamaa uu isagu soo diyaariyay cajalad CD ah oo uu ka duubay mooshinkii xilka looga qaaday isaga,” ayuu yidhi Xildhibaan C/qaadir oo sheegay dhinaca kale in falka dilka ah ee loo geystay weriyahaasi uu si aad ah uga xun yahay.

blank
Marxuum Cabdisalaan Sh. Xasan Xiis

Dhinaca kale, Xildhibaan C/qaadir ayaa sheegay in kiiska la xadhiidha dilka Weriye C/Salaan Xiis uu lugaha la gelayo madaxda ugu sareysa ee Dowladda KMG ah, waxaana hadalka Xildhibaanka uu ku soo beegmayaa iyadoo maanta Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka-sida ee Soomaaliya Xasan Maxamed Xuseen Muungaab uu ku dhaartay inuu gacanta ku soo dhigayo kooxihii dilay weriyahaasi, walow uu sheegay in kiiskiisa laga yaabo inuu lugaha la galo madax ka tirsan Dowladda KMG ah.

 Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories